Xisbiyada Mucaaridka oo Xukuumada Ku eedeeyey inay ka gaabisay Difaaca Qaranka,gaar ahaan Gobolada Sool iyo Sanaag Bari iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland difaac Adag ka galay.

 


 

Hargeisa(TNN)-Xukuumada Somaliland iyo labada Xisbi Mucaarid ee UDUB iyo UCID ayaa Markii ugu horaysay Aragtiyo aan kala Fogayn kaga hadlay dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee uu Maamul Goboleedka Puntland ka wado Gobolada Barriga Somaliland, gaar ahaan Sool Iyo Sanaag Barri oo beryihii u dambeeyey uu Maamulkaasi ka waday dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo aan ila hada la ogayn halka uu salka ku hayo iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng: Faysal Cali waraabe, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil( Saylici ) iyo wasiirkii Hore ee dhalinyarad iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamuud siciid Maxamed oo shalay ka hadlayey Xaflad balaadhan oo lagu furayey shirweynihii 5aad ee Dalada Sonyo oo ka dhacday Huteel Ambasador ee Mgaalada Hargeisa oo Hadalo ku eedayn iyo isdifaaca kaga Hadlayey ,ayaa isku raacay in dhaqdhaqaaqyadaasi Milatari ee ay Puntland wado yihiin daandaansi iyo Xaalada abuur ay doonayso puntland inay dhulka Somaliland ka Abuurto,waxaanay Maamulka Puntland ku eedeeyeen inay duulaan ku hayaan dhulka Somaliland, isla markaana aanay ka aqbalaynin,iyagoo labada Xisbi Mucaarid Xuku umada Ku canaantay inay daandaansigaasi ka aamusantahay oo ay Daawanayso, isla markaana aanay ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin oo dadku ku qanco,taas oo uu madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  C/raxmaa n saylici Ku tilmaamay Mid aan suurto gal ahayn,kuna dooday in Xukuumad ahaa Arimaasi la socdaan oo  aan ay ka qarsoonayn, balse uu tibaaxay ay beesha caalamka uga dacwoodeen,dhaqdhaqaaqyadaasi ay wad o Puntland, iasgoo Madaxweyne ku xigeenku sidoo kale Xusay in Xukuumadu ay si degdega u soo Afjarayso shaqaaqooyinka ka taagan Deegaanka kalshaale iyo Ceel bardaale.

Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ahna Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka ee Xisbiga Udub Maxamuud Siciic Maxamed oo ugu horayn arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in Nabad gelyadii dalku Khatar ku jirto,isla markaana Maamulka Puntland Duulaan ku soo qaaday Gobolada Bariga Somliland, Gaar ahaan  Gobola da Sool iyo Sanaag oo uu sheegay in mudooyinkii u dabeeyey ay Puntland ka waday Ficilo Daandaansi ah iyo duulaan ay halkaasi ku soo qadayso,kuwaas oo uu xukuumada Siilaanyo ku dhaliilay inay afka ka xidhatay oo ay ka aamusantahaya,waxaanu isagoo arintaa ka hadlaya yidhi Mr: siciid.

“Maanta Nabad Gelyadii dalka khatar baa ku soo korodhay, khatartaa ku soo korodhayna waxa weeyaan  Pun tland ayaa Masuuliyadeeda Qaadanaysa, nabada Gelyadii iyo Amnigii dalku Halis ayuu maanta ku  suganyah ay, waxa weeye Gobolada Bariga ee Sool iyo Sanaag duulaan Cad oo baroortu Orgiga ka weyna ayey  Puntla nd ka wadaa,waxa socda Boqolaal Gadiid Dagaalka ah, ilaa hadda waxa la sheegayaa inay Beebeeyadii iyo  Ta angiyadii Bilaamay, aduunkiina wuu daawanayaa, Xukuumada Somaliland ilaa iyo hadda way ka  aamusantaha y, iyadoonay naqdi iga ahayn Ilaa hadda kamay hadal.”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo isaguna Madashasi hadal dheer ka soo jeediyey ayaa Maamulka Puntland ka dalbaday inay joojiyaan Duulaanka ay Dhulka Somaliland ku  doonay aan iyo daandaasiga Qaawan ee ay ka wadaan Gobolada Bari ee Somaliland ,isagoo ku hanjabay hadii ay  Joo jin waayaan inaanay u dulqadanayn Somaliland,balse wixii ay ka fursn waydo ku talaabsanayso,waxaanu yidhi Eng: Faysal isagoo arintaa ka hadlaya.

“Waxa aad ogtihiin ay shacabka reer Somaliland qaxeen, oo ay muddo dibad wareeg ahaayeen, halka  Puntl and ay ahayd meel dhisan oo aanay waxba ka dhicin, hadaba waxa aanu leenahay Maamulkaas anagu nabad ayaanu doonaynaa, waxa aanu jecelnahay in aanu nabad kula noolaano, laakiin haddii ay ka fursan waydo wax naga xumaanaya ayaan jirin.”

Eng: Faysla ayaa sidoo kale Xukuumada u soo jeediyey inany Noqto Dawlada Go,aan iyo amar leh,isla  markaa na marka ay shaqaaqo dhex marto laba beelood ama Laba dhinac inay Awood dawladeed iyo siyaasada ku  x aliso,isagoo si gaara farta ugu fiiqay beelaha shaqaaqooyinku dhexmaraan.waxaanu yidhi.

“Maanta waa la inoo tashaday, waxaana lagu tashaday in beelaha hareeraha iyo ku dhexda la kala qaybiyo oo kuwa hareeraha la inaga jaro, waxa aanu leenahay meelo lagu dagaalamay oo u baahan wasiiro yaan loo dirin odayaal iyo sulaadiin, laakiin waa in loo diraa wasiiradda oo ay dawladu noqotaa mid ka shaqaysa”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu sheegay in aanay ka xisbi ahaan raali ka ahayn sidda uu madaxweyne siilaanyo u soo dhisay xukuumaddiisa,isagoo ku Eedeeyey Madaxweynaha in uu la taliyayaal u magacaabay Dadkii xisbigiisa ka tirsanaa,isla markaana Eryey la taliyayaashii xukuumadii hore ee Madaxweyne  Riyaale,ta as oo uu sheegay inaanay waxba ka duwanayn qaabkii hore u jiray, waxaanu cadeeyey in madaxweyne siila anyo ku Badhi Furay Balan Qaadkiisii ahaa in uu dawlada Tiro yar oo tayo leh soo dhisi doono.

“ Intaas oo hay’addood ayaa la sameeyay, wax sharci ah oo loo sii sameeyayna ma jirto, kuwii loo magacaab ay ayaa la yidhi sharcigiinii soo samaysta, maxay soo samaysan saw noqon maayaan niman dhar laaleeg soo toshay, waxaasi ma sharcibaa”.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici oo isguna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa ku dooday inaanay Xukuumadiisu Mrnaba raali ka hayn waxyaabaha ka socda Gobolada Bariga Somaliland,isla markaana ka shaaca ka qaaday inay dacwad ka dhan ah Maamulka puntland u Gudbiyeen Qaramada  Madoob ay iyo Golaha Amaanka,waxaanu madaxweyne ku-xigeenku ku celceliyey inaanay Xukuumada Somaliland  Cid na u daba fadhiisanayn Xuduudaha dalkeeda,iasgoo dhinaca Puntland ku eedeeyey inay faro gelintooda ku tilmamay inay salka ku hayso Arin Qabiil,taas oo uga digay inaanay ugu soo marmarsoon Xuduudaha dalka, Waxaanu yidhi.

“Kama yeelayno Puntland Hadii ay Xuduuda inoo dhaxaysa hadii ay tahay Xuduudaha Africa ka jira oo  sharci ya inay ku soo xadgudbaan, Xuduudu Qolo maaha, waxa weeye Gobolada Sool iyo Sanaag eek u yaala dhulkii Somaliland ee Jamuhriyada Somaliland loo yaqaanay waxa shaqaynaysa wixii sharcigu ka dhigayo oo qolo ma shaqaynayso ee Dadku sharcibay ku wada joogaan, markaa hadii nalooga baqo inaanu ka gaabinayno  Arima ha Nabad gelyada iyo Difaaca dalka, mid walba dedaal ayaanu kaga jirnaa, Hadii ay noqoto arinta Bariga iyo hadii ay noqoto Arinta Galbeedka, puntland Kama Aamusnin, qaylo dheer ayaanu dirnay, caalamka waxaanu u sheegaynay waxa halkaa ka socda,isla maalintii ay diyaaradu soo fadhiisatayna emailo ayaanu u dirnay, si aanu u xaqiijino in waxani ka mid yihiin wixii somaliya laga madnuucay, laba nin oo Ergo ah ayaa loo soo diray waxaana la ogaaday in dirayka, booshka iyo kabuhuba ka mid yihiin wixii Somaliya laga madnuucay”,ayuu yidhi Mr: saylici.






Source:Waaheen