Xisbiyada Mucaaridka ah oo isugu Soo baxay Magaalada Burco
 

Burco (Longlivesomaliland News)-Banaanbax Balaadhan oo ay saaka isugu soo baxeen taageerayaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Kulmiye, ay aa saaka lagu qabtay fagaaraha Khayriyada Magaalada Burco.

Banaanbaxani ayaa ahaa mid ay si wayn isugu soo baxeen dadwaynaha re er burco waxaana halkaasi kala hadlay salaadiin, aqoonyahano, wax garad, Ururada bulshada iyo waliba Madax ka tirsan xisbiyada nucaaridka, taa geerayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa sheegay in ay maanta  Bana anbaxani ku muujinayaan Shucuurtooda wadaninimo.

Banaan baxani ayaa ahaa mid si nabad galyo ah uga dhacay Magaalada  Bur co, isla markaana daba socday Banaan baxyadii shalay ka dhacay  Magaa lada hargeisa,

Madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa sheegay inay taageersanyihiin  Talaab adii ay qaadeen Baarlamaanka Somaliland, waxa kale oo ay sheegeen inay ka tiiraanyaysanyihiin dadkii ku dhintay Banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaalada hargeisa, waxaa kale oo ay shacabka reer Somaliland ugu  baaq een inay ilaashadaan nabadgalyadooda iyo Xasiloonidooda.

Waxaa kale oo Xusid mudan oo aan meesha ka muuqanin ciidamada  boolii ska oo aan ka soo ag wareegin goobtii uu ka dhacayay banaanbaxyadaasi, banaan baxaasi ayaa waxa uu ku soo gabogaboobay si nabad galyo ah, waxaanay taageerayaasha xisbiyada mucaaridku kusoo kala dareereen si nabad galyo ah.


 


Sahra Maxamed Cali (Sahra Ladan)
Longlivesomaliland News Desk
Burco Somaliland