Xisbigii Wadani Dhaqan Celis Siyaasadeed Baa Ka Maqan
Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) guddoomiyaha golaha
wakiilada ahna gudddoo miyaha xisbiga Wadani ayaan aaminsanahay in uu
yahay siyaasi deggan oo ku habboon mur ashax madaxweyne. Waxaa hadaba
nasiib darro ku noqotay iyo laf dhuun fadhida xisbigii Wa dani
fursaddii siyaasadeed ee guddoomiye Cirrana luminaya ashkhaasta
hormoodka ka ah xi sbiga Wadani oo siyaasaddiina ka aradan
guddoomiyihiina dhaga barjeeyay, badidooduna ah shakhsiyaad xagjir
ah oo ka fog siyaasad iyo soo jiidashada taageerayaal cusub iyo
kuwii sii joogayba. Ashkhaastaasi ayaa hadaba guddoomiyihii iyo
xisbigiiba jaha wareeriyay kuwaas oo ku olalaynaya hanjabaad,
waxbaan dilayaa, xaslooni darro iyo qabyaalad reer hebel ah o o
joogta ah TV- yadana iyaga oo aan xishoonayn la soo fadhiisanayaan
mar kasta.
Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) oo ah mas’uul halyay ah,
ahna murashaxa u ta agan inuu tartan la galo madaxweynaha haatan
talada dalka haya Md Axmed Maxamud Siir aanyo ayaa sida ii muuqata
taageerayaal badanina ka sii socdaan oo ka baxayaan xisbigii W adani,
kuwii ku soo socdayna dhexda ka sii leexanayaan oo xisbiyada kale ku
kala ku biirayaa n sababahaas aan soo sheegay awgood haddii aan
xisbiga Wadani si deg deg ah dib u sixid madax iyo mijo ah lagu
samayn sida uu maanta yahay. Qofka dibadda manta ka taagan kama
qarsoona axsaabta qaranka gaar ahaan xisbiga kobaad ee mucaaridka ah
ee Wadani, waxa ad markiiba arkaysaa in taladii xisbigu si qaldan ugu
gacan gashay shakhsiyaad aan wadin d anta md Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillahi (Cirro) in uu dhamaan gobalada dalka ka helo ta ageerayaal
kala duwan. Dad badan oo u janjeedhay ama hore u taageersanaa md
Cabdirax man Cirro ayay imiga ula muuqataa in xisbigii u afduuban
yahay shakhsiyaadka kala ah Cabdi raxman Xoog oo dad uu Cirro ka eryo
mooyane aan qof manta keeni Karin, Waxaa ka mid a ah wasiirkii hore
ee guriyaynta Md Siciid Sulub, guddoomiye ku xigenka xisbiga ee
ku baaqay hubka ha loo qaato sidii dawladda loo ridi lahaa. Waxaa
kale oo ka mid ah Siciid Cil mi Rooble oo ku baaqay Cidamada
Siralyoonow na soo gaadha ! Subxaanaka ya RABBI Xasa n Axmed Goodaad
iyo qaar badan oo kale oo halka ay xisbiga barnaamij siyaasadeed u
diyaa rin lahaayeen, wali ku jira day daynimadii iyo dab hurin
colaadeed oo dalku ku burburoiyo da gaal sokeeye.
Waxaan ku soo khatimayaa in xisbiga Wadani imiga la soo gaadhay
wakhtigii ay lagama maar maanka ay ahayd in dib u habayn cilmiyaysan
lagu sameeyo, cayda iyo aflagaadadana aan ay cod iyo sumcad midna
inoo keeahayn. Xisbigu wuxuu u baahanyahay barnaamij siyaasad eed oo
faahfaahsan oo uu cod bixiyeyaasha u sheego. Xisbigii wuxuu u baahan
yahay in sha khsiyaadka didinaaya taageerayaasha soo socda iyo kuwa
joogaba in dhaqan celis siyaasad eed loo diro oo la baro xisbi
mucaaridii sidii uu dad u kasban lahaa qorshe siyaasadeedna do orasho
u soo bandhigi lahaa waa haddii aynu daacad ka nahay doorashada md
Cabdiraxman Cirro, dayaca,kala daadsanaanta iyo sidii la isaga
furdaamin lahaa shakhsiyaadkan dhooqee yay magacii murashaxa iyo kii
xisbigabana loo dhaqan celin lahaa. Ugu damayn Maanta xisbi gii
Wadani waxaa ila quman in isbadal dhexdiisa ah iyo barnaamij
siyaasadeed loo sameeyo inta aynaan doorasho Siiraanyo lagu badalo
ka fakirin.
Sacad Axmed Caalin
Hargeisa
|