XISBIGII UDUB OO XARAASHKA LA DHIGAY!!!

 

 



Waxaa soo wajahdey waayo adag iyo dhaqaale xumo weyn Xisbigii UDUB ee ka midka ahaa Xisbiyadda ugu tunka weyn asxaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somalinad, isla markaasina in badan xukumaayey wadanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba Xisbigii oo muddo kooban ka sii maqan hogaanka dalka ayaa la saaray xaraash oo la keenay suuqa si loo helo cid Xisbiga damaanad qaadda dhaqaale ahaan iyo hogaan ahaanba. Xisbiga UDUB maha Xisbi maanta loogu yabooho taageero dhaqaale marka la eego doorkiisa Xisbinimo iyo mudadii uu soo jirey iyo weliba doorkii siyaasadeed ee uu ku lahaa hogaanka dalka oo noqonaysa mid aan marnaba la dafiri Karin, arintan keentay werwerka iyo walaaca ayaa Bulshadda reer Somaliland ku abuuratay yaab iyo amakaag, waxayna u egtahay in Xisbigan aanu sooba bixi karin oo u gudbi karin Xisbinimo muuxda doorayooshinka foodda inagu soo haya ee deegaanka mar haddii xaalkiisu yahay sidan iyo weliba si ka sii liidata oo isi soo taraysa maalinba maalinta ka danbaysa.

Xisbiga UDUB waxaa ku jira niman aad u badan oo hantidda ummaddana aad u boobay mudadii ay meesha joogeen, kuawaasi oo maanta aan ku dhiiran Karin raganimadda iyo xiniinyaha Xisbi lagu hogaamiyo, kuwaasi oo marna Xisbiga UDUB eega marna aduunkoodda eega oo ay aad ugu adagtahay go,aan qaadasho iyo ficil weyn oo lagu samata bixiyo Xisbiga UDUB, waxaa dhinaca kale soo yuururta busaaraddii iyo wax la,aantii qolyahaasi la deristey sooyaalkii taariikheed ee noloshoodda oo markay dib u milicsadaan ilmadda yaxaasku ka qubato, isla markaasina keentay in dhamaan ay si waafiya uga madax diinleeyaan hagista iyo hogaaminta Xisbiga oo ay maanta noqoto maalin laysku tuur-tuuro Xisbiga yaa hogaaminaya iyo xagee dhaqaale looga raadinayaa?,

Bulshadda reer Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE ayaan midna wax faa,iido ahi ugu jirin burburka iyo meel ka bixista Xisbiga UDUB oo aan ku rajo weynahay in la badbaadin doono maalaha iyo asbuucyadda foodda inagu soo haya.

Waxaan ugu baaqayaa raggii odayaasha ahaa in ayna is gaabin ee kor isu taagaan oo Xisbiga hogaankiisa iyo maamulkiisa la wareegaan, waxaa in muddaa laysku garba gorayeynaayey taladda iyo hogaanka Xisbiga UDUB oo markii ay runi run tagtay nin weliba cadhuuftiisii dib u liqay, isla markaasina nin weliba ogaadey halka aanu dhaafi karin iyo awoodiisa qofnimo. Xisbi waxaa lagu hogaamiyaa beel daajisnimo iyo xidhiidh weyn oo dhamaan bulsha weynta balaadhan ee reer Somaliland lala yeesho, taasi oo ka madax banaan qabyaalad iyo cadiifadda rag badani uu moodo inay meel gaadhsiinayso, maanta Siyaasi weliba waxii ummadda uu gashaday ayaa uga soo dhiiqaaya, kuwii qabiilka iyo qudhunka afkoodu bartay meeli ugama banaana saxdda Siyaasadda Somaliland, maantana waa qooni socod xataa kuwii ay dad isugu xigeen ay ka hayaameen oo shan geeddi ka guureen.

Xisbiga UDUB ayaa isku haleynaayey Mudane Dahir Rayaale oo ahaa ninka ugu kiishadda weyn ragga Xisbiga ku midoobey, Rayaalena waxuu iska fadhiistay Tuulo yar oo magaala madaxda wadanka Faransiiska u dhow, halkaasi oo kiishadiisii uu barkaday, dhinaca kale Mudane Cawil, Cabdilaahi Ina dhoolayere, Cali Warancade, Saciid Sulub, Axmed Yusuf ayaa taageerayaashi Xisbiga UDUB naadinayaan oo la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Hadaba waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta aan kor ku soo xusay inay talo, geesinimo iyo raganimo laysku biiriyo ama laysku jimciyo oo Xisbiga laga samata bixiyo burburka, dhaqaale xumadda, hogaan xumadda iyo mucaarad xumadda intaba.

Waxaanan u sheegayaa qolyahaasi sannad ayaad ku banjarteen ee sagaal sano iyo dheeraad ayaanu Xisbiga KULMIYE jaabkayaga iyo maalkayaga aanu ku wadney oo aanu weliba kaga maal, manfac iyo muruqba roorayn kuwiinii xoolaha umadda guranaayey ee shiidaalkii, gawaadhiddii iyo lacagtii ummadda sidda sharci daraddaa u isticimaalaayey.

Quushu meel cidhiidhiya ayey ku jirtaa oo libaaxyo ayey la hurudaa, markaa waxaa loo baahanyahay in halkaasi loogu tago oo gacanta laga soo qabsado, isla markaasina si fiican loo soo daadihiyo, waxaan leeyahay hormoodkii iyo qab-qablayaashii UDUB guryahiina iyo gawaadhidiina u xaraasha Xisbiga UDUB iyo guusha si aad guusha u gaadhaan, markastana waxaa loo baahanyahay in aad tixraacdaan habdhaqankii dhaqan dhaqaale ee Xisbiga KULMIYE iyo siddii uu halkaasi ku gaadhey.

Haddii laysu qiraayo oo dagaal iyo deeq mucaaridnimo hufan abaal laysku siinaayo waxay ahayd in reer UDUB maanta bilado nagu tolaan ka turjumaaysa doorkii aanu ku lahayn geedi socodka mucaaridadda Somaliland oo xaqiiqdii ahayd mid ay ku amaanan yahiin taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee xalaashaa.

Guntii iyo gaba gabaddii Xisbiga Xisbiga UDUB badbaadiya oo u sarakaca, haddii kale oo caalwaa iyo tamar daro xaalkiinu noqday, naga iibiya Xisbiga UDUB oo ku soo biira KULMIYE, si aan udubkana u jejebino idinkuna ugu soo biirtaan oo uga mid noqotaan Xisbigan Kulmiye, siddii horeba qaarkiin aanu ugu bandhignay.
 

 

 

 

 

Cabdilaahi Cali Xassan John
Liverpool
UK