Xisbiga WADDANI Oo Nin Dhalinyaro Ah U Magacaabay M adaxa Ololaha Doorashada Madaxweynaha Ee Xisbiga

 

Hargeysa (TNN) :– Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa 36-jir reer Gebilay ah u mag acaabay Madaxa Ololaha heer qaran ee Xisbiga doorashada madaxtooyada Somaliland ee bisha October ee sannadkani la filayo inay dalka ka qabsoonto.

Sida ku cad warqad uu ku saxeexan yahay Musharraxa Madaxweynaha ee xisbigaasi Cab diraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxa loo magacaabay inuu noqdo Madaxa Ololaha ee xi sbiga Mudane Xamse Khayrre oo ka mid ah dhallinyarada ugu firfircoon xagga siyaasadd a iyo bulshada rayidka ah.

Md. Khayrre ayaa ka mid ahaa U-doodayaasha fagaare siyaasadeed oo u furan qaybah a bulshada, isaga oo sidoo kale na kaalin cuddoon ka qaatay hirgalinta olole ay dhallinyara da reer Somaliland ku rabeen inay kaga qayb-galaan golayaasha deegaanka JSL oo SON YO hormuud ka ahayd. Guushii ololahii xeer lambar 20 ee furista dabarka sharci ayaa ah ta keentay in la helo goleyaal deegaan oo dhallinyaradu aqlabiyad ka tahay.
Inkasta oo uu Xamse yahay nin marka aad aragto aad u laf weyn, haddana waxa uu dhas hay sannadkii 1981-kii, isla markaana waxa uu bartay ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Xamse inkasta oo uu siyaasadda ku cusub yahay, haddana maamulka kuma cusba, bal se waxa uu ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda Somaliland, Ganacsig a gaarka ah, iyo qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee wadanka ka hawl gala.
Hase yeeshee, sida uu Xamse sheegay hammigiisa waxa ku jira inuu hoggaaminta Somali land ka qayb qaato. “Waxaan doonayaa kow, in asalka siyaasadda dib aan u qeexo.

Dadkeennu siyaasadda waxay u qaateen inay tahay “BEEN”. Horta waxaan doonayaa in s iyaasaddu tahay “RUN” iyo “Samatalisnimo” tahay muujiyo. Waxaan kale oo doonayaa in siyaasadda Somaliland ee hal-abuur la’aantu daashatay, ku soo kordhiyo aragtiyo ho ru-socodnimo iyo isbeddel togan keena ku biirsado. Waxaan doonayaa in aanan uga sii darin ee ugu soo daro dheeraad wixii halgamayaashii hore soo kordhiyeen ee wanaag ahaa” ayuu yidhi Xamse oo ka warramayay sababta ku kelliftay siyaasadda.

Xamse waxa uu Xisbi siyaasaddeed si rasmi xubin uga noqday sannadkii 2012-kii doorash ooyinka golayaasha deegaanka, waxaanu ka mid noqday aasaasayaashii Ururkii Ummadd a la odhan jirey ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdi Gabboose. “Arrimaha axsaabta wa xaan soo galay sannadkii 2012, waxaanan ka mid noqday aasaasayaashii Ururkii Ummadd a. Magaca Ummadda ee xisbiga wuxuu ahaa mid Alle i waafajiyay, Mabda’a xisbi gana dajintiisii qayb baan ka ahaa” ayuu yidhi Xamse.