Xisbiga Udub Oo Xaflad Balaadhan Ku Qabsadey Gab iley Iyo Dareenka Dadweynaha Reer Gabiley Ka bixiyeen

 

Waxa kale oo xafladaa kasoo qeyb galey xubno sheegtey iney yihiin koox kasoo baxdey Xisbiga Kulmiye

Xaflad Balaadhan oo uu soo agaasimey Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Mr Maxamed Aw Cabdi Sheekh(Xirsi),oo lagu sheegay in koox katirsan Xisbiga Kulmiye u soo digorogteen Udub ayaa xaley lagu qabtey Huteel Asker ee Magaalada Gabiley.

Xafladan oo siheer sare ah loo soo agaasimey waxa kasoo qeyb galey Gud oomiyaha Gobolka Gabiley,Maayarka Degmada Gabiley,Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee Gabiley,garabka haweenka Xisbiga Udub,Cuqaal iyo dadweyne kale.

Waxa kale oo xafladaa kasoo qeyb galey xubno sheegtey iney yihiin koox kasoo baxdey Xisbiga Kulmiye oo ku biireysa Xisbiga Udub kuwaas oo uu kamid ahaa Xildhibaan Muxumed Xasan Meecaad(ciro)oo katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley iyo nin kale oo caan ka ah Magaalada Gabiley oo layidhaa Isleeg dirawalna ka ah Gaadhiga D/hoose iyo xubno dhalinyar ah.


Xafladaasi waxa ugu horeyn hadal ka jeediyey Wasiiru Dowlaha Guud Mr Xir si oo sheegay in Xafladan ujeedadeedu tahey mid Xisbiga Udub Guul Weyni ugu soo hoyatey Xisbiga Kulmiye ee Mucaaridka ahna dhaawac weyni  kus oo gaadhey,waxana hadaladiisii kamid ahaa Kulmiye dhaawac ayaa halkan kazoo gaadhey Xisbiga Udubna guul weyn ayaa uga soo hoyatey sida ay inoo sheegayaan dadakan kasoo baxey Xisbiga Kulmiye Kulmiye wuxu  doon ayaa in dadaku isboobo oo mawadaan wax ay kujirto danta dalka iyo dadku waananu soo dhaweyneynaa inkastoo ay jirtey arin dhawaan dhacdey la akiin waxa la ii sheegay in ay dhowdhowdahey oo odoyaashii ku jiraan  how sheeda koleyna wey dhamaan doontaa sideynu fileyno weydinkaa arkaya raga iyo dumarkuba wey ka tashadeen wixii dantooda ah waxanan  leey ahey arintu waa ninkii la sheegayey ee ninku qaadey oo lagu yidhi wuu kugu xaarayaa marka hore waan ka meydhi,oo haduu mar labaad kugu celiyana waan ka meydhi ayuu yidhi hadana ,markaasaa la yidhi  marsad exaad kawaran wuxu yidhi waan tuuri markaasi saaseynu u tuureynaa wixii aynu garan weyno .Ayuu Yidhi Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud Mr Xirsi .


Waxa kale oo isaguna halkaa hadalo kooban kajeediyey Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib) oo sheegay in ay siweyn usoo dhaweynayaan oo ay taageerayaan go,aankii dhaawaan Golaha Guurtidu ridey ee ay mudada lixda bilood ah ugu kordhiyeen Madexweynaha iyo Kuxigeenkiisa isagoo dhinaca kalena xusey in lawado waan waan nabad raadin ah oo lagu dhexdhexaadinayo shaqaaqadii dhawaan ka dhacdey deegaanadan “Insha allah waxan rajeyneyaa in ay arintaasi si caafimaad qabta ku dhamaato anigoo rajan fiican ku qaba in wadahadaladu ,dhexdhexaadintu waji fiican leeyihiin,hadaan intaa ku dhaafo taa waxan,kusoo dhaweyneynayaa kooxdan caawa xafladan loo qabtey oo uu ku jiro Xildhibaan kamid ah xildhibanadii ugu codka badnaa Golaha Deegaanka Gabiley soo dhawaada ayaanu idin leenahey”Ayuu hadalkiisa kusoo xidhey Gudoomiyuhu.

Waxa kale oo isaguna halkaa hadalo ka jeediyey maayarka Degmada Gabiley Aadan Muxumed Bade waxana hadaladiisii kamid ahaa “Waxan idhaahdaa daaya Kulmiye ha iska wado hadal Xumaantee waayo maalin walba dadbaa hadal xumaantiisa nooga soo baxaya Hadaanu nahey Golaha Deegaanka Gabiley,maanta waxanu ubadanahey Xisbiga Udub waayo markii hore toban Xildhibaanu kusoo baxney waxa ugu horeyntii nagu soo biirey shantii Xildhibaan ee Hormuud kazoo baxey,waxa ku xigey labadii Xisbiga Ucid,wax ku xigey laba Xubnood oo Xisbiga Kulmiye ah oo Xildhibaankaa caawa Udub kusoo biirey yahey kii labaad,waxa ku hadhey Kulmiye waa laba xildhibaan insha alah iyaguna dhawaan ayey nagu soo biiri doonaan”Ayuu yidhi Maayarka Gabiley.


Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Mr Saleebaan Maxmed Saleebaan(madexay)oo isaguna halkaa kahadley ayaa sheegay in Xildhibaan Ciro kamid yahey Xubnihii Golaha Deegaanka Gabiley ugu codka badnaa hadey bahada Udub ee Gabiley yihiina ay soo dhaweynayaan.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan (sangal)oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa halkaa ka sheegay in kooxda soo gashey ee kusoo biirtey Xisbiga Udub aaney reer aheyn ee ay yihiin koox kasoo baxdey Kulmiye oo Udub kusoo biirtey ,Wasiirkuna yahey Wasiir dadka u dhexeeya ee aanu aheyn Wasiir reer usoo baxey sida uu isleeg ku sheegayo ee wuxu Wasiir uyahey guban iyo oogaba. Ayuu yidhi Xildhibaan Sangal.


Xildhibaan Muxumed Xasan Meecaad(Ciro) oo katirsan Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley kana mid ahaa xubnihii Xisbiga Kulmiye uga soo baxey Gabiley doorashadii Golaha Deegaanka islamrkaana,ahaa xildhibaanadii ku adkaa mowqifkooda oo xaleyna ku jirey ragii Xaflada loo qabtey ee kusoo biirey Xisbiga Udub oo halkaa laba eray kajeediyey ayaa sheegay in ay go,aansadeen in ay kusoo biiraan Xisbiga Udub Kulmiyena ay ka baxayaan wakhtigan xaadirka ah maadaama oo laga sheegayo iney aqoonsan waayeen Xukuumada Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Cheif Caaqil Axmed Maxamed Ibraahim Khaliif oo isaguna kamid ahaa cuqaashii halkaa kahadashey ayaa sheegay inaan loo baahney wakhtigan xaadirka ah khilaafka axsaabta maadaama aynu kujirno wakhti aad u xasaasi ah oo aynaan muran qaadi kareynin Ayuu yidhi caaqilku.


“Waxaanu nahey beel kusoo biirtey Xisbiga Udub beesha Reer Xaad ayaanu nahey aniga iyo xildhibaankuba oo wata cuqaashoodii oo sideed caaqil ka kooban,waxananu uga soo baxney Kulmiye oo UDUB usoo galney Wasiirka daraadii oo ah reerka”Sidaa waxa yidhi Maxamed Isleeg oo sheegtey inuu kamid yahey ragii ugu adkaa Xisbiga Kulmiye Gabiley imikana u digo rogtey Xisbiga Udub.

Waxa kale oo isaguna halkaa hadalo kooban oo uu ugu mahad celinayo maamulka Gobolka Gabiley iyo sida ay uga howl galeen dibudhiska iyo hurumarinta Gobolka halkaa ka jeediyey Xubin kamid ah xubnihii garabka dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee sida uu sheegay kusoo biirey xaley Xisbiga UDUB Mr Shuceyb Maxmed waxanu gabagbadii hadalkiisa ay la shaqeyn doonaan maamulka

Waxa kale oo dadkii halkaa khadley kamid ahaa Xoghayaha Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Mr Aadan Maxamed Xaaji Maxamed (Aadan-wali) oo sheegay in loo baahan yahey in la adkeeyo amaanka Xisbiyada kalena loo ogolaado Xafladhan oo kale si tartanku u xalaaloobo,iyo xubno kamid ah xubnaha garabka haweenka Xisbiga Udub ee Gabiley oo markii denbena halkaa kusoo bandhigey ciyaaro ay kusoo dhaweynayaan xubnaha la sheegay in ay kusoo biireen Xisbigooda.

Dadweynaha Reer Gabiley ayaa iyagu dareeno kala duwan ka bixiyey Xafladan iyagoo sheegay in aaney wakhtigan oo kale maraxaladan ku habooneyn in la qabto Xaflado noocan oo kale ah iyagoo ku sababeeyey laba arimood oo labaduba dareenkooda leh kuwaas oo kala ah arintii shaqaaqada dhulka Ceel-Bardaale ee howsheeda lagu guda jiro,taas oo ay dadweynuhu dhinaca Xukuumada farta ku go,doyaan gaar ahaan Masuuliyiinta kazoo jeeda Gabiley ee aan iyagu kaalintooda muujinin ee gabanaya iyo weliba iyadoo Xisbiyadii kale loo diidey in ay qabsadaan wax Xaflad ah iyo wax howl midna in Xisbigana si boodhikaasid ah oo jees-jees ah u qabsado Xafladihiisa ay sawir kale yeelaneyso.


 




Gabiley.net