Xisbiga
UDUB oo Talaabo Ka qaadaya Gudoomiyaha Udub ee
USA
Xoghayaha Guud Xisbiga
UDUB Md.Jaamac Yaasiin ayaa sheegay in
Xisbigoodu Talaabo ka qaadayaan Guddoomiyaha Xisbiga ee Maraykanka
,ka dib markii uu kulan la yeeshay Wasiirka Maaliyada ee dawlada
Sh.Shariif,Isagoo xukuumada u soo jee
diyay in sharciga lala tiigsado laguna soo dacweeyo dambiyada uu ka
galay dalka.“Arinta uu ninkaasi galay waa shaqadii ay leedahay
xukuumada gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibada, xadgudub weyn ayuu
ka galay xisbiga iyo Qarankaba”ayuu yidhi Md Jaamac Yaasiin.
Xoghayaha Guud oo maanta ugu waramayay Warbaahinta xafiiskiisa ayaa
wuxuu sheegay in aanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya
Somaliland iyo maamulka Muqdisho,waxaynuna kala nahay laba dal, wax
xidhiidh ah oo inaga dhaxeeyaana haba yaraatee ma jiro, qaranka
Somaliland iyo xukuumadiisa midna waxba ugama dabo fadhiyaan
Somaliya, Qarankani waa mid qaan gaadh ah oo aan cidna dabo fadhiyin.
Hadalkan Xoghayah ayaa daba socday war Maalintii Isniintii 27-
April, lagu daabacay Wargayska HAATUF warbixin laga soo Sheegaysa
ninka lagu magacaabo Yuusuf Budle,
magaciisa saxda ahina yahay,
Yuusuf Budle Isaaq ,kulan dhexmaray
Sh Shariif Sh Aadan (Wasiirka
Maaliyada ee Somalia) iyo ninkaasi, oo ku magacownaa
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee USA, sida ku cad magacaabistiisa oo
lagu booriyay inuu xilkaas u guto si masuuliyadi ku jirto oo
waafaqsan xeerka Xisbiga UDUB iyo dastuurka dalka. waxa muuqata inuu
ku xad gudbay
Md Jaamac Yaasiin wuxuu ninkaasi ku eedeeyay in ficiladiisu ay
taageereyeen xisbiga KULMIYE, waxaanu
yidhi “Ninkaasi habeen sadexaadkii waxa Gobolka Minsota ee
Maraykanka iga soo Telefooniyay rag ka tirsan xisbiga UDUB oo ii
sheegay in ninkaasi isagoo ku abtirsada oo wakiil u ah UDUB uu
haddana ku shaqaynayo afcaal taageeraysa wakiilada xisbiga
KULMIYE.”
Source:
TogdheerNews
|