Xisbiga Ucid oo Soo Dhaweeyay Talaabadii Madaxwaynaha Somaliland ku
Qaadacay Shirka London.

Madaxwaynaha annagu beryahanba waanu ku cel-celinaynay inaan shirkaa
London la tagin....
Hargeysa (TNN)-Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga mucaaradka
UCID Md. Cali Maxam ed Yuusuf (Cali Guray), ayaa soo dhaweeyay
hadalkii shalay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ku sheegay inaanay
Somaliland ka qeyb geli doonin shirka Ingiriisku u qabanayo
taageerada dawladda Soomaaliya.
“Madaxwaynaha annagu beryahanba waanu ku cel-celinaynay inaan
shirkaa London la tagin, waxaanu ku cel-celinaynay in wada hadaladii
Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay mid aan inaga inoo dan ahayn wada
hadaladaas oo cida qudha ee illaa iyo hada ka faa’iidaysatay ay
tahay Soomaaliya, markaa madaxwaynuhu talaabada uu qaaday waa mid
maskax ah oo wanaagsan waxaanu mutaystay inaanu ku taageerno,”ayuu
yidhi Cali Guray oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa.
Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee xisbiga UCID oo hadalkiisa sii
watay wuxuu yidhi “Waxaa nu leenahay halkaa ugula sii dhawoow
madaxweyne oo macnaheedu yahay in gabi ahaanba wa da hadaladii aynu
kula jirnay Soomaaliya dib uga noqono.”
Cali Guray waxa uu u soo jeediyay in xukuumaddu ka tallo qaran ka
urursato bulshadda marka laga go’aan qaadanayo mawaadiicda waaweyn
ee siyaasadda dibada iyo gudahaba.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|