Xisbiga UCID Oo Shirweynihiisii 3aad Maanta u furmay, Masuuliyiinta Xisbiga Iyo Marti Sharaf kala duwan oo Khudbado ka soo jeediyey.
 

 

 


Hargeysa (TNN) -Shirweynihii Sadexaad ee Xisbiga UCID ayaa maanta ka furmay Hutel Crown ee Magaalada Hargeysa.
.
Shirweynahan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Xisbiga, Ergooyin ka kala socda Gobolada Dalka oo Xisbiga ka tirsan iyo Marti sharaf kale ayaa waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Xoghayaha Xisbiga Maxamed Madoobe, isaga oo madashaasi kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Xoghayanimo, isla markaana uu yahay Musharax u taagan Doorashada Dawladdaha Hoose, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan halkan ka cadaynayaa in aan maanta laga bilaabo iska casilay Xoghayanimadii Xisbiga, ahayna musharax u taagan Golaha Deegaanka”.
..
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Xisbiga UCID C/fataax Siciid Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa eedayn u soo jeediyey Siyaasada Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Axmed Siillanyo, waxaanu hadaladiisii ka mid ahaa “Xukuumaddani uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Axmed Siillanyo waxa ay Safiiro u magacawday Todoba Safiir, halka wakhtigii Dawladdii Axmed Siillanyo-na ay ka jireen dhawr iyo toban Safiir.
Safiiradii kale lamana eryin mana shaqeeyaan oo cid lagu bedelay ma jirto”.

Aadan Jaamac Hoori oo ka tirsanaan jiray Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye uu ka hayey kuna biiray Xisbiga UCID, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan halkan ka cadaynayaa in aan iska casilay xubinimadii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye kuna soo biiray Xisbiga UCID, sababaha aan iska casilayna waxa weeyaan Xisbiga Kulmiye markii uu Doorashada ku jiray waxa uu umadda u dhigay Barnaamij wanaagsan, balse markii uu talada Dalka qabsaday wax uu kaga dhaqmay way yar yihiin”.

Xaliimo Cismaan Raage oo iyana afka dumarka ku hadlaysay ayaa sheegtay in Xisbiga UCID ka soo gudbay marxalado badan oo ay ka mid ahaayeen Khilaaf ka dhex qarxay.
Cali Maxamed Warancadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray shirweynaha ay qabsadeen Xisbiga UCID, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan halkan ka salaamayaa Xisbiga UCID aniga oo ugu hambalyeynaya Shirweynaha ay qabsadeen”.
Siciid Sulub iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa Hambalyo u diray Xisbiga UCID shirweynaha ay qabsadeen iyaga oo ku tilmaamay shirweynahoodu in uu yahay Xisbigii ugu horeeyey ee Shirweynihii Sadexaad qabsada.


Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga Cismaan Axmed Mirre oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Xisbiga UCID ugu hambalyeeyey Shirweynaha ay qabsadeen, waxaana hadaladii Guddoomiyaha ka mid ahaa “Waxaan Hambalyo u soo jeedinayaa Xisbiga UCID shirweynaha ay qabsadeen, waxaanan leeyahay waa in wax walba loo samro oo loo adkaysto, waayo wixii UCID soo maray waxa lagaga soo gudbay adkaysi, ta kale ee aan ku darayaa waxa weeyaan waxba yaan lagu dheeraan Wadani iyo C/raxmaan Cirro, waayo barri ayuu idiin iman karaa oo Siyaasadu Saaxiib joogta ah ma leh ee dan joogto ah ayey leedahay”.
Xasan Ciise Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Hambaleeyey Shirweynaha uu Xisbiga UCID qabsaday.


Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ugu dambeyntii madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ka tanaasulayo musharaxnimo dambe, isaga oo ku sababeeyey in ay ku lumeen tartanadii uu soo galay maalkiisii, jidhkiisii iyo wakhtigiisiiba, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya "Waxaan doonayaa in aad halkan keentaan cid muwaadin ah oo dalka horumar gaadhsiisa, labaatan Sano ka hor waxaan lahaa hiigsi wanaagsan oo Dalka wax u qabo ayaan islahaa, ismaan lahayn labaatan Sano ka dib Somaliland sidan ayey ahaan doontaa, bilaa biyo, laydh yaraan iyo caqabado kale oo badan, markaa waxaan u baahanahay qof wadani ah oo anigu tartan dambe geli maayo, waayo waxa ku lumay jidhkaygii, maalkaygii iyo wakhtigaygiiba"
 

 

 


Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa/ Somaliland