Xisbiga
Ucid Oo Ay Ka Baxeen Saddex Xubnood Oo
Waaweyni

Guddoomiyayaasha Goboladda
hargeysa iyo Gabiley ee Xisbiga Ucid iyo Xo ghayihii Warfaafinta
ayaa maanta ku dhawaaqay inay iska casileen xilkii ay u hayeen
Xisbiga isla markaana waxay ku dhawaaqeen inay ka baxeen Xisbiga
Max’ed Cali jiir oo ah Guddoomiyihii Gobolka Hargeysa ee Xisbiga
Ucid, Max ed Muuse oo ah Guddoomiyaha Gobolka Gabiley iyo Xoghayaha
Warfaafi nta ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hotelka
Imperial ee Maga aladda Hargeysa ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay
ka baxeen Xisbig aasi waxaanay sheegeen inay uga baxeen
Xisbiga Hogaanka xisbiga oo ay sheegeen inuu taladii Xisbiga
gacantiisa ku ururtay isla markaana ay go’aansadeen inay iskaga
tagaan
Masuuliyiintaasi culus ee Xisbiga ka baxay waxa ay ku eedeeyeen
masuul iyiinta Xisbigu inaanay wax talo ah ka siin xubnaha ururka
hawlaha ay Xis biga u hayaan waxaanay sheegeen inay kala garan
waayeen Xisbigu inuu yahay Kulmiye iyo inuu yahay Udub iyo imuu
yahay Xisbi qaran oo jira iya goo sheegay inuu shaki ka galay
inuu Xisbigu Doorashada Madaxtooyada isku soo taagayo iyo inkale
Waxa kale oo ay ku eedeeyeen Hogaanka Xisbiga inuu shaqo ka dhigtay
oo kaliya safaro aan la garanayn Xisbiga wax dan ah oo ka soo
galaysa kaasoo ay sheegeen inuu Guddoomiyaha Xisbiga Feysal Cali
Waraabe beryahanba caadaystay oo uu Diyaaradba ka dagi la’yahay
iyadoo ay jiraan duruufo siyaasadeed oo loo baahan yahay Xisbi ahaan
in si dhaba loo waajaho
Guddoomiyayaasha labada Gobol ee Hargeya iyo Gabiley ee iska casilay
Xisbiga Ucid ayaa sheegay sababaha ay uga baxeen xisbiga inay ka mid
tahay inaanay jirin istaraatajiyad siyaasadeed oo Xisbigu leeyahay
oo dalkan ka dhalin karta isbedelka siyaasadeed ee inta badan
bulshada reer Soomaaliland ay ka filayso Doorashada soo socota,
waxaanay xuseen Ololaha Xisbigoodu sameeyaa inaanay ka durugsanayn
qudbado uu Hogaanka Xisbigu ka akhriyo Madarasadaha yaryar ee
xafladdaha samaysta marka ay qalin jabinayaan
Waaheen
|