WAR-SAXAAFADEED

 





JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة



Ref:Sum:1941 UCID 29/09/2013

Warsaxaafadeed

Waxaanu Nuqul Ka mid ah U Gudbineynaa Warbaahinta Dalka Si Ay Shacbiga Reer Somalil and Ugu Gudbiyaan Shuruucda iyo Xeerarka Dalka Ee Ay Jabiyeen Moyarka iyo Xildhibaan ka Doraad Xaflada Loo Qabtey Ee Sida Bdheedhka Ah Ugu Biirey Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE oo Ay Aheyd Madaama Oo Uu Taladii Dalka Hayo In uu Shuruucada Dalka Dhawr o balse isagu Jabiyey

Dacwadan Ayaa Waxaa La Gudbiyey Shaley

Waxaaney U Qarneyd Sidan:

Ku, Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL

Ku, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL

Og, Guddida diiwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka

Og, Guddoomiyha Gobolka Saaxil

Og Maxakamadda Sare



UJEEDDO:- Soo Gudbin Dacwadeed

Waxaanu masuuliyiinta sharafta leh ee waraaqdani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto, aannu halkan ugu soo gudbinaynaa anagoo ah masuuliyiintii ugu saraysay xisbiga sida waafaqsan xeerka dacwada ka dhanka ah labada xildhibaan ee kala ah.

1- Cabdi/shakuur Maxamed Xasan (Duqa Magaalad Berbera)

2- Cabdi/rashiid Maxamed X. Yuusuf (xubin golaha degaanka Berbera)

Xildhibaanadaas oo sida la wada ogyahay ku dhawaaqay oo cadeeyay inay xisbiga u cid ka baxeen kuna biireen xisbiga kulmiye looguna qabtey xaflad ay ka qayb galeen masuuliyiinta ugu sareysa Xusbiga Kulmiye iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland , xafladaas oo ay ku caddeeyeen ku biiridooda rasmigaa ee xisbiga kulmiye oo ay kana wareegeen xisbiga ucid.

Hadaba waxay labadaa xildhibaan si cad oo badheedh ah u jebiyeen xeer-hoosaadka xisbiga UCID, Qodobadiisa: 7aad , 8aad faqradiisa( 5)aad.

Waxa kale oo ay labada xildhibaan si badheedh ah u jebiyeen Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer No.14/2011.

Qodobadiisa:

Qod: 9 farqadiisa(4) xarfaheed (b),(t) iyo farqadiisa (5).

Qod: 10 xarfahiisa (b),(t),(j),(x).

Qod: 11 farqadiisa (4).

Sidaa awgeed sida ku cad sharciga waxay baneeyeen kuraastii ay ugu fadhiyeen xisbiga magaciisa ee ay ku ahaayeen xildhibaano qaran waxaan uu sharcigu ogolyahay in xisbigu soo buuxsan karo booskiisa banaanada ee golayaasha qaran isagoo raacaya xeerka Nidaamka urruada iyo Asxaabta siyaasada oo sheegaya waxa soo galaya jagada banaanata tiro ahaan qofkii ugu soo xigay xisbiga gudihiisa.

NB. Waxanu xasuusinaynaa Cid kasta oo ay khusayso warqadani in codka lagu fadhiyo ku raasta golayaasha deegaanku aanay ahayn cod shakhsi kaligii keeni karo ee uu yahay co dkii guud ee xisbigu lahaa dagmada ay xildhibaano uga soo baxeen isla markaana uu yaha y kursigani mid ku abtirsada xisbiga ay xildhibaanadiisu ku fadhiyaan oo liiskiisa mu shara xiintiisuna ay kala sugayaan banaanaantiisa oo loo buu xinayo sida uu xeerku shee gayo.



Waxa kale oo ay jebiyeen xeerka anshaxa xisbiyada JSL ( code of Conduct )

Sidaa darted waxaanu si xushmadi ay ku jirto uga codsanaynaa masuuliyiinta ay sida tooska iyo sida dadbanba ugu socoto dacwaddani inaad labada xildhibaan ee magacyadoodu kor ku xusanyihiin aad ka qaaddaan tallaabo waafaqsan sharciga isla markaana aad noogu buuxisaan labadaa jago ee ay baneeyen , xilalkoodii xubinimo labada xildhibaan ee ugu soo xiga xaga codadka dagmada Barbara ee xisbiga ucid, sida ugu dhakhsaha badan.

 

 

 



Allaa Mahad Leh

Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Eng:Faysal Cali Xuseen —————————————-