Xisbiga Talada Haya Ee UDUB Oo Maanta Xaflad we yn U Qabtay Taageerayaal Ka Soo Go’ay Xisbiga KULMIYE
 

Hargaysa (LLSL)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa maanta xaflad ballaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey taageerayaal fara badan oo u badnaa  dhalina yada ku nool xaafada Ibraahim Kood-buur ee magaalaada Hargaysa, oo ka soo go’ay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.

Xafladaas soo dhawaynta ah ee loo sameeyey garabkaas dhalinyarada ah ee ku soo biiray Xisbiga talada haya ee UDUB oo lagu qabtay xarunta guud ee  xis biga ee magaalada Hargaysa, ayaa waxaa ka soo qayb-galay Xoghaya guud  e e xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex  M axamed Cabdi Daa’uud, xubno ka tirsan Guddida fulinta ee xisbiga, hogaankii  i yo taageerayaashii faraha badnaa ee ku soo biiray Xisbiga.

Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo xafladaas hadal  dh eer ka jeediyey, ayaa ugu horayn si weyn uga mahad-celiyey  taageerayaash aas ku soo biiray ee ka soo ga’ay xisbiga KULMIYE, waxaana uu hadalkiisa ku  b ilaabay oo uu yidhi “Maanta oo taariikhdu 5 tahay bisha November 2009-ka, w aa maalin calaamad gaar ah u leh xisbiga UDUB. Waayo waxaa xisbiga ku soo  bi iray oo tayadoodii kala soo baxay xisbiga KULMIYE dhalinyaradii aadka iyo  aad ka u firfircoonayd ee markii horeeto u hadatay in kulmiye dani ku jirto.

Laakiin markii ay ka fiirsadeen ee ay guntii soo taabteen xaqiiqdii dhabta  ahay d iyo Ummada Somaliland halkii uu masiirkoodii yaalay ee halganka dhabta ah ee lagu geedi-guurayo laga geliyay ku soo biiray.” Ayuu yidhi Jaamac Yaasiin,
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “In-badan ayaa lagu dhalin-habaabiyey oo lagu been-beeniyey dhalinyarada, oo lagu yidhi baddaas ilaahay ayaanu macaanaynaynaa, ciiddana waxaanu ka dhigaynaa bariis iyo cambaabur, waxa a la ogaaday in labaduba been yihiin. Waxaa weeye xaqiiqdu isma qariso, been tuna way soo oodantaa, waxaa muuqata in dhalinyaradaas firfircooni ka soo digo-rogteen beentii KULMIYE, oo ay u soo noqdeen halkii ay runtu taalay oo ah goobtan aynu joogno ee xarunta UDUB.”

Xoghayuhu waxa uu si gaar ah u bogaadiyey dadkii ka soo shaqeeyey inay  dh alinyartaasi ku soo biraan xisbiga UDUB, “Ragii soo qabanqaabiyey  dhalinyarad aas ee soo hanuuniyey ee wax ka dhaadhiciyey, isla markaana soo gelbiyey  ab aal-gudis gaar ah ayay leeyihiin. Waxaa weeye hawshaas ay qabteen waa hawl-weyn oo muhiim ah oo ay libinteeda If iyo Aakhiraba ay iyagu ugu  mud dan yihiin, waana aanu ku balbalyeynaynaa.” Ayuu yidhi Jaamac Yaasiin,Waxa ana uu ugu ballan-qaaday dhalinyaradaas ku soo biirtay xisbiga UDUB oo uu  yi dhi “Sidaa aad maanta ugu soo biirteen xooga waddaniga ah ee UDUB, firfirco onidaas aad ku soo kordhinaysaan iyo tayadaas, insha’alaahu waxaanu  noqon aynaa annaguna kuwii sida wanaagsan u hanta, si wanaagsanna idiinka qayb-geliya hawsha guud ee Qaranka Somaliland ee ah in xasillooni iyo nabadgelyo lagu gaadho masiirka Ummada ee ah inaynu kursigeena xaqa ah ee aynu ku leenahay Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa aynu ku fadhiisano.”

“Waxaa inoo ballan ah dhedig iyo labood-ba intii hore UDUB u sii joogtay iyo  int a soo socota ee aanu ognahayba, waxaa inoo ballan ah kifaax, midnimo iyo  wa da-jir inaynu ku hawl-galno ayaa inoo ballan ah, si aynu u gaadhno masiirkaa qaaliga ah.” Ayuu hadalkiisii ku soo afmeeray Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax.

Waxaa isna xafladaas soo dhawaynta ahayd ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Maroodi-eex Maxamed Cabdi Daa’uud, oo sheegay inay tahay wax lagu farxo dhalinyaradaas isa soo abaabushay ee ku soo biirtay xisbiga UDUB, isla  marka a na waxa uu tilmaamay inay dhalinyaradaasi yihiin kuwii uu xisbiga KULMIYE u adeegsan jiray muddaharaadyada iyo rabshadha nabadgelyada waxyeelaya.
Gudoomiyuhu waxa uu aad ugu dheeraaday qiimaha wax-ku-oolka ah ee  nab ad-gelyada u leedahay shacabka iyo sida loogu baahan yahay in meel looga  so o wad-jeedo, “Waxaad in badan maqasheen nabadgelyada shacabka ayaa  ilaa liya, waa run laakiin haddii aan la helin maamuul haga oo la ilaaliya way  wiiqma ysaa, waxaana tallaabadaas aad ugu mahadsan Booliska Qaranka Somalilan, oo a kuwa hadh iyo habeen u soo jeeda ilaalinta nabadgelyada waddanka.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa’uud, Waxaanu ku baaqay oo uu yidhi “Waxaan  shaca b ka Somaliland ugu baaqayaa inay Booliska la shaqeeyaan.

Waayo nabadgelyada horumarkeena ayaa ku jira. Waxaan kaloo mucaarad iyo muxaafadba in jiritaanka Somaliland meel looga soo wada-jeedo.”

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga UDUB Cismaan Waxar oo isna halkaas hadal kooban ka soo jeediyey, ayaa ku bogaadiyey dhalinyaradaas ku soo biirtay xisbiga, isla markaana u sheegay inay garteen meeshii ay dandtoodu ku jirtay.

Waxaana uu tilmaamay in xisbiga UDUB yahay xisbi qaran oo aa la kala lahayd, isla markaana ka dhexeeya guud ahaan bulshoweynta reer Somaliland, isaga oo tibaaxay in cid kasta oo kuu soo biirtaa ay yeelanayso xuquuqda ay  leeyihi in kuwii hore uga tirsanaa.

Waxaana iyaguna xafladaas kelmedo koobkooban ka soo jeediyey Khaalid  Cab dilaahi Maxamed, Maxamed Xasan Samatar, Faysal Daahir Cismaan Cismaan, F aysal Axmed Jibriil iyo Khaalid Cabdi Nuur oo dhamaantood ahaa  dhalinyarada as ku soo biirtay, oo sheegay inay xisbiga UDUB ugu soo biireen ka dib markii ay ku hungoobeen xisbiga KULMIYe, isla mar aahaataana waxa ay ballan-qaadeen inay hiil iyo hooba la garabtaagnaan doonaan xisbiga ku soo biireen ee UDUB.
 


Source: Oodweynenews