WAR-SAXAAFADEED

 



Ujeedo/XUBIN KA QAADID XISBIGA UCID


Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Waxaa Maanta Oo Taariikhdu Tahey 21/12/20 13 Shir Ay Isugu Yimaadeen Gudida Fulinta Iyo Xubno Ka Mid Gudida Anshax Marinta Xisbiga Ucid


Warbixin Dheer Iyo Dood Gaaban Ka Dib Waxa ay Xubinimadii Ka Qaadeen Axmed Ad en Keyse Oo Hore U Ahaan Jirey Xoghayihii Guud Ee Xisbiga Balse Dhawaan Iska Casil ey,Lagana Aqbaley

Axmed Keyse Oo Mudooyinkan Danbe Ku Kacayey Talaabooyin Ka Dhan Ah Xisbiga UCID,Maalmahan U Danbeeyeyna Si Is Daba Joog Ah Ugu Kacayey Falal Xad Gudub Ku Ah Xeerarka Iyo Nidaamka Xisbiga Ucid

Hadaba waxa Uu Axmed Keyse si cad oo badheedh ah u jebiyey xeer hoosaadka xisbi ga

UCID Qodobadaas Oo Kala Ah:-

,Qodobka 7 aad,Farqadiisa,1,2,4,8 ——– Qodobka 8 aad Farqadiisa 3aad

Qodobka 35aad Farqadiisa 1 aad Xarfihiisa a,b,c

Sidaa awgeed Waxaanu Warbaahinta La Socod Siineynaa In Aanu Sheegan Karin Xis biga Ucid Isla Markaana Aanu Matali Karin Xisbiga Ucid

Cida Ku Qaabishana Xisbiga Ucid U Aqoonsan doono Cid Qawaaniinta Iyo Shuruucda Xi sbiga Ucid Ku Gaftey

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Isaga Oo Ixtiraama Weyn U Haya Ninkaa Odeyga Ah Waxa a Uu Ku Waaninayaa In Aanu Sheegan Karin Xisbiga Ucid



Ku Xigeenka Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Ucid

Md: Xuseen Xasan Badmaax