Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U diraya Marxuun
Eng.Xuseen Cabdi Cali

 



 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dh exe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa  qoy ska, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi M areeye-ku-xigeenkii hore ee hay’adda Waddooyinka Somaliland Marxuun Eng. Xuseen Cab di Cali oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa saaka (09/05/2016).

Marxuum Eng. Xuseen Cabdi Cali waxa uu ka mid ahaa haldoorka iyo aqoonyahanka bart ay cilmiga Injineernimada, isla markaana wax badan uga faa’iideeyay dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo soo qabtay xilka Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Qorshaynta ee Dawlada Hoose ee Hargeysa xilligii Maayirka uu ahaa Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, hadda geeridiisa ka horn a waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu ku sifeeyey marxuum Eng. Xuseen Cabdi Cali shakhsi dul qaad, aragti iyo caqli badan u saaxiib ahaa.

Ugu dambayntii, waxa uu Marxuumka uga baryey Alle inuu jannadiisa Fardowsa ka waraa biyo, qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
 

 


Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE