Xisbiga Kulmiye Oo Taageerayaasha Musharixiintiisa Ku Soo Ban-dhigay Gabiley Iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Khudbad Ka Jeediyey
 

 


Xisbiga Kulmiye ayaa si balaadhan cududiisa taageero kusoo khatimey wareeg afraad ee olala ha doorashada golayaash deegaanka........


Gabiley (TNN) Xisbiga Kulmiye ayaa si balaadhan cududiisa taageero kusoo khatimey wareeg afraad ee olalaha doorashada golayaash deegaanka.kumanaan kun oo ka mid ah taageeraya ash xisbiga kulmiye ayaa buux dhaafiyey fagaaraha khayriyada magaalada gabiley.Taageer ayaash musharaxiinta oo ku dhawaaqayey halku dhigyo ay ku taageerayaan musharaxiinta ay taageersan yihiin ayaa kusoo qulqulayey fagaaraha khayriyada oo ah halka loo asteeyey in xisbiyada siyaasadu fariintooda ka gudbiyaan.

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada s/land dr maxamed c/laahi cum ar,wasiirka warfaafinta abiib diiriye nuur,xildhibaan ibraahin axmed haybe,xildhibaan c/laahi xuseen cige,xildhibaan cali gabiley,xildhibaan xasan cawaale caynaan ayaa taageerayaash kul miye kala qayb galey dabaal dag maalinta ay kusoo khatimayaan olalohooda.

Ugu horeyn waxaa khudbad dheer oo farxad ku dheehan tahay ka jeediyey gudoomiyaha xis biga kulmiye aamiin muuse oo taageerayaash kula dardaarmey inay codkooda ugu deeqaan maalinta codeynta musharaxiinta xisbiga kulmiye ee ay taageeran yihiin.

Waxa kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan ibraahim axmed haybe iyo xildhibaan cali gabiley oo sheegay inay maanta xisbiyada kale ku cimro qaataaan wacdaraha ka dhacay magaalada gabiley reer gabileyna ay kulmiye googo,ay yihiin oo ay hore u cadeeyeen.

Waxa kale oo halkaasi ka hadley 21ka musharaxa ee golaha deegaan oo ku tiiqtiiqsadey waxy aabaha ay hiigsanayaa eeay umadood u qabanayaan waxayna soo jiiteen dhamaan dhagaha taageeryaashood.


Waxaa xafladaasi soo afmeerey wasiirka arimahadibada s/land dr maxamed c/laahi cumar wa xaanu yidhi ‘’xisbiga kulmiye waxaa lagu yaqaana xirfada,waayo aragnimo,wadanimo,aqoon dheer oo uu uleeyahay baahida dalka taala xisbiga kulmiye waxa uu ku hanwayn yahay inoo waxbadan kusoo kordhiyo wadanka.waxaan idinku boorinayaa inaad taageertaan musharax iintaa xulka ah ee la idiin soo xuley oo aanu aamin sanahay inay waxa weyn ka tari doonaan baahiyaha dhanta ahee kajir gobolka,degmada,iyo wadankaba si aynu ugaadhno horumarka aynu hiigsaneyno’’

Waxkale oomagaalada wajaale khudbad ka jeediyey wasiirka wasaarada warfaafinta abiib dii riye nuur oo dadweynaha reer wajaale kula dardaarmey in maalinta codka ay la habsaamin ee ay ugu deeqaan musharaxiinta xisbiga kulmiye u sharaxan .

Sidoo kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan c/laahi xuseen cige iyo  xildhibaan xasan cawaale cayanaan oo soo bandhigay waxyaabihii iyo guulihii xukuumadu ka sameysay magaalada waj aale iyo waxyaabaha u qorshaysan dadweynaha kula dardaarmey ilaalinta nabadgalyada iyo in maalinta codeynta ay u codeeyaan xisbiga kulmiye
 

 


Cabdiraxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland