Xisbiga KULMIYE oo soo bandhigay khasaaraha dib lomaasiyadeed ee Somaliland ka soo gaadhay go’aamada Rayaale
 

War-saxaafadeed


Talaabooyinka uu Daahir Rayaale ka qaatay natiijadii diinwaangalinta iyo eryiddii hay’adda Interpeace waxay Somaliland u soo jiiday magac xuma  iyo khasaare siyaasadeed oo culus. Waxay arrintani keentay in adduunku dib u eego fikraddii ay hore uga haysteen Somaliland ee ahayd bulsho ku dhisan wadatashi iyo xeerar, kana hortagta xaaladaha xumeeya  nabad g alyada. Dareenka bulshada caalamku maanta ka qaadatay siyaasadda  xu kun maroorsiga u eg ee Daahir Rayaale waxay fogaysay rajadii aynu ka  la hayn inaynu iskaashi iyo xidhiidh la yeelano wadamada reer galbeedka.

Matalan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiku waxay todobaadkii  ho re u sheegtay xisbiga KULMIYE inay joojinayaan mucaawinada ay  siiy aaan Somaliland haddii dawladdu heshiis deg deg ah kale geli waydo xisbiya  mu caaradka ah arrimaha hortaagan in doorasho xor ah oo xalaali ka  dhacaa n dalka. Dawladda Maraykankuna waxay nagu wargalisay in ay  hakina  ya an taageerada ay u fidiyaan Somaliland ilaa inta ay Daahir Rayaale dib ugu soo noqonayo hanaankii wadajirka ahaa ee lagu heshiiyay in loo maro  doo rshooyinka Somaliland. Ergayga u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika  daw ladda Sweden- oo hadda madax ka ah ururka Midowga Yurub- Mawro  Ma rika Vallen, ayaa iyana todobaadkan caddaysay in wadamada Midowga  Yu rub ay aad ugu xun yihiin sida xukuumadda Somaliland uga leexatay dariiqii doorshashada ee heshiiska lagu wada ahaa, waxayna ku tilmaantay  go’a anka Rayaale mid aad looga xumaado, Somaliland aan dan u ahayn.

Dhinaca kale, talaabada uu qaatay Daahir Rayaale waxay dhabar wareen ku noqotay badigoobkii ay Somaliland ugu jirtay inay hesho aqoonsi  siyaa sadeed. Hawlagaladii ay wadeen qaar ka mid ah saaxiibada Somaliland ay ku leedahay dibadda ee ku jahaysnaa aqoonsiga way wada joogsadeen. Waxay dhamaantood muujiyeen warwar ay ka qabaan xaaladda  Somalil and, iyo sida Daahir Rayaale kalidii u boobay aaya ka talintii  qaranka  Wax ayna arrintani ku kaliftay inay hakiyaan hawgaladii dhinacyada badnaa ee ay ku taageeri jireen Somaliland.

Waxaan dhawaan kulamo aan la yeeshay qaar ka mid ah madaxda  Baarl amaanada Maraykanka iyo Ingiriiska iyo masuuliyiin ka tirsan  wasaarad daha arrimaha dibadda ee labadan dawladood. Waxaa wadahadaladan ka soo baxay in xidhiidhka xukuumadda Somaliland la leedahay wadamadani uu hadda marayo meel aad u hoosaysa oo kuba dhaw burbur. Xisbi ahaan waxaanu hadda ku dhex jirnaa hawlgallo aanu ku hagaajinayno  xidhiidh adan ay xukuumaddu kharibtay, gaar ahaan kii ka dhaxayn jiray Somaliland iyo Maraykanka.

Xidhiidh cusub oo ay xukuumaadu dhisto waxaa ugu denbeeyay xidhiidhadii ay samaysay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Marwo Edna Aadan. Xi dhiidhka Somaliland iyo wadamada Yurub iyo Maraykanka waxaa samaysay Edna Aadan. Xidhiidhka Itoobiya iyo Koonfirta Afrika ay Somaliland la  leeyi hiinna waxaa dhidibada u taagay xukuumaddii Maxamed Ibraahim Cigaal. Rayaale iyo Cabdillahi Ducaale umay samayn Somaliland xidhiidh  siyaasad eed oo dibadeed.

Waxaana hadda muuqata in xukuumaddu ku fashilantay maamulidda  xidhii dhadii hore u jiray, kuwa kaloo sameeyaan iska daayoo.Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland wuxuu  gaad hsiiyay dhaawac wayn, wadamada midawga Yurubna lama xidhiidhaan  Ca bdillahi Maxamed Ducaale, ee waxay Hargeisa u soo diraan safiiradooda  jo oga Nairobi iyo Addis Abeba si ay u maamulaan xidhiidhkooda Somaliland. Waxayna arrimahani markhaati u yihiin in Somaliland hadda go’doon ku  jir to, siyaasad dibadeed oo u shaqaysaana aany jirin.

Xidhiidhada qudha ee Rayaale iyo Cabdillahi Ducaale ay sameeyeen waa  k uwa dhex maray iyaga iyo shirkado ganacsi oo shisheeye ah oo ku  saa  bs an iibgaynta khayraadka dalka iyagoon soo marin golayaasha qaranka. Waxaanu caddaynaynaa in marka KULMIYE xukunka ku guulaysto uu  dham aan heshiisyada ganacsi ama maalgalineed ee uu Daahir Rayaale sida  shar ciga baalmarsan ee qarsoodiga ah uu ula galay shirkadaha shisheeye dib u eegi doono. Wargalin arrintan la xidhiidhana waxaanu dhawaan u gudbinay qaar ka mid ah shirkadaha uu Daahir Rayaale sida aan wafaqsanayn  shar ciga uu ula heshiiyay.

Aanagoo ka duulayo go’aanadii dhawaan ka soo baxay Golaha Wakiilada  S omaliland ee ku saabsanaa talaabadii ay qaadeen Guddiga Doorashada  So maliland iyo Xukuumadda Daahir Rayaale, kana turjumayna dareenka iyo xuquuqda shacabka Somaliland, wadahadallo iyo la tashi balaadhanna la  galay saaxiibada ay Somaliland ku leedahay Bulshada caalamka, waxaanu ugu baaqaynaa madaxwayne Daahir Rayaale inuu ka soo noqdo  go’aam adan uu kalida ku yahay oo u muuqda qaar jar iska tuur ah, qaraanimada Somalilandna dhabarjab ku ah, lana fadhiisto labada xisbi qaran ee kale si loo galo doorasho xor ah oo xalaal ah oo wakhtigeedii ku dhacda.
 

 



Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar