Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

Xisbiga kulmiye wuxuu dib u habayn ku sameeyay doorka saraakiishii SNM ta ee xisbiga, waxaanu soo qaddimayaa rag leh maskax wax kale hagta. Halgankii wuu dhammaday, taariikh uun ladaba socon maayo. Taariikhda waa la qoraa, waa la xurmeeyaa, waana loo dabaaldagaa- ee iyadu dadka ma hagto. Waxaa waxa lagu hogaamiyaa maaha wixii tagay ee waa waxa taagan markaa iyo waxa loo maleeyo inay soo socdaan. Isbeddelada cusub ee Kulmiyana arrintan ayay ku salaysan yihiin.

Muddo shan billood ah gudahood ayay u suuragashay masuuliyiinta iyo hawlwadeenada xisbiga Kulmiye inay qabtaan shirwaynihii xisbiga iyo shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga. Shirwaynaha waxaa lagu doortay hoggaanka sare ee xisbiga waxaana lagu ansixiyay xeerka iyo barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga. Shirka Golaha Dhexena waxaa lagu ansaxiyay laguna lafaguray xeer hoosaadka xisbiga, waxaana lagu doortay shirguddoonka Golaha Dhexe iyo Musharxiintii xisbiga uga qaybgali lahayd doorashooyinka madaxwaynanimada ee dalka ee sanadka soo socda. Waxaa kaloo shirka Golaha Dhexe lagu magacaabay laguna ansixiyay xubnaha Golaha Fulinta ee xisbiga oo qaarkoodna loo magaacanay xilal sare.

Haddaba marka loo fiirsado sida uu xisbiga u xushay musharxiinta tartanka madaxwaynanimada, iyo xubnaha golayaashiisa fulinta iyo golaha dhexe, waxaa ka muuqda isbeddel hor leh oo dadka badankiisu aanay hore ugu aqoon xisbiga Kulmiye. Waxaa kuu muuqanaaya in kornayladii SNM ta laga fogeenaayo talada siyaasadda xukuumiga ah ee xisbiga. Isbedelkani imika ayuu bilaambay waxaana muuqata inuu durba imika guulo gaadhay.

Waa marka hore waxaa meesha laga saaray in laba mujaahid wada noqdaan musharaxa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaana laga horyimid damacii jagadan ee mujaahidiintii militariga ahaa ee SNM ee ay ka mid yihiin Kornayl Muuse Biixi, Kornayl Ibraahim Dhagawayne Kornayl Cabdiraxman Aw Cali. Waxaa isna kaambaynkiisii iyo taageradiisi si aad ah ugu guul daraystay Kornayl Maxmed Kaahin. Kornayladani, inkastoo yihiin geesayadii dalka naftooda u huray, waxay ku guulaysan waayeen inay isu bedelaan siyaasaiin aragti hogaamineed oo caafimaad qabta leh, waxayn ku sifoobeen iska horimaad dhexdooda ah, macangagnimo iyo hogaamin xumo.

Haseyeeshee, saraakiishani waxay xisbiga iyo dalkaba ka mudan yihiin ixtiraam iyo soo dhawayn. Waxaana muuqata in xisbigu aaanu tuurayn raggan oo ay noqon doonaan qaar meel culus kaga jira talada xisbiga. Waxayna u egtahay in kaalin hogaamineed ay ka gali doonaan xagga xisbiga ama dawladaba. Imika Muuse Biixi waa guddoomiyaha ku xigeenka 1 aad ee xisbiga, waxaana la filaaya inuu bisha April wixii ka danbeeya noqon doono guddoomiyaha xisbiga. Cabdiraxman Aw Cali, Maxamed Kaahin, Ibraahim Dhagawayne iyo Mohamed Xasan Jidhif waxaa hubaal ah inay noqon doonaan madaxda gaanshaandhiga sida hogaamiyayaasha ama abaanduulayaasha ciidamada qalabka sida, kuwa nabadgalyada, nabadsugidda iyo asluubta iwm.

Ugu danbayntii waxaa muuqata in xisbiga KULMIYE uu dhisi doono dawlada kooban oo u badan mutacaliim leh aqoon sare oo ka saara dalka dib u dhac dhinacayada badan ee ku yimid muddooyinkii danbe, waxana la filaayaa inuu dalku heli doono hoggaan casri ah oo la jaanqaada isbedelada wanaagsan ee bulshada Soomaliland qaaday iyo isebedlada ka socda adduunka.

Haddii uu Kulmiye ku guulaysto doorashada, waxaa awoodda siyaasadeed ee dalku ay gacanta u gali doonto rag leh aqoon farsamo, mid siyaasadeed iyo mid maamulba oo aan askar ahayn si dhakhso ah dalka u horumarin kara. Waxaa si wayn loo saadaalinayaa in dadkaasi ay ugu horeeyaan Prof Ismaaciil Aare, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Cali Guuleed, Dr.Cabdi Aw Daahir, Maxamed Muuse Abees, Prof Hussein Saleebaan, Maxamuud Xaashi, Maxamed Yoonis Cawaale iyo qaar kale. Arrintaasina waxay keeni doontaa in dalka ay u soo baxaan jiil siyaasiin cusub oo ku qalabaysan aqoon, waayo aragnimo, hibo hogaamineed iyo farsamo hawleed casri ah oo dalka horumarisa, adduunkana ku xidha. Kulmiye hadduunbuu cagta saaray dhabbadii horumarka dalka.

 

 


C/casiis Xirsi Cumar

abdicazizomar@yahoo.com