Xisbiga Kulmiye Oo Maanta In Ka badan 18 Xafiis Ka Furay Magaalada Hargeysa



Hargeysa (TNN)- Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa maanta isku kala bixiyey  mag aalada Hargeysa, waxaanu saaka aroortii hore dar dar aan kala go’o lahayn ku  qaad ay degmooyinka magaalada Hargeysa, wuxuu furtay maanta xisbiga Kulmiye 18 xafiis oo si gooni gooniya xadhiga looga jaray.

Masuuliyiinta xafiisyadaasi xadhiga ka jaraayey waxaa hormuud ka ahaa Xildhibaan  A xmed Maxamed Diiriye (Nac Nac) oo ah gudoomiyaha ololahada ee maroodijeex, xogha yaha guud ee xisbiga Md Kayse Xassan Cige, Xil Xuseen Axmed Caydiid, iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badan.

Masuuliyiinta kulmiye ee xafiisyadaasi ka hadashay ayaa sheegay una balan qaaday  r eer Axmed Dhagax hadii ay codkoogada siiyaan Xisbiga Kulmiye in guud ahaan la  dabo oli doona baahiyaha aas aasiga ah ee nolasha sida, waxbarashada, caafimaadka, biya ha iyo kor u qaadida bilicda degmada,

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid waxaanu  shee gay in aanay shacabka somaliland ku lug go’in mar dambe halkii ay hore (Xukumada  m adaxweyne Riyaale) ee ay ay ku khasaareen aanay ku ridin codkooda, kana  tashadaa n sida ay xukumadu uga tashatay oo kale, waa sida uu u dhigay hadalkiise.

Taageerayaasha xisbiga kulmiye ee degmada Axmed Dhagax ayaa ku dhawaaqayey ereyo ku lida xukumada Madaxweyne Riyaale, waxaana ka mid ahaa hadaladoodii

“Doonimayno ina Riyaale, Beeshu way haraadee caynaanka hay kulmiyo iyo eryo kale oo la mida.

Geesta kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee xisbiga Md Kayse  Xas an Cige, waxaanu hoosta ka xariiqay in shacabka reer Axmed Dhagax ay hore ugu  hu ngoobeen talada madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, Kayse wuxuu intaas ku daray in maalita jimcaha xukumada iyo Madaxweyne Riyaale indhahooda wax la tuso, waa sida uu dhigay hadalkise.

Isku soo wada duuduuboo waxaa maanta guud ahaan magaalada hargeysa laga  dare emayey magaca iyo muuqa labada xisbi mucaarid waa Kulmiye iyo Ucide, waxaanay  sh acabka reer hargeysa qaarkood ay labisan yihiin calanka labada midab ah ee Kulmiye.


Source: Waryatv