Xisbiga KULMIYE Oo Kulan Qado-sharaf ah Ku Qaabilay Aqlabiyada Xildhibaanada Wakiiladda





Hargeysa (TNN):- Hoggaanka xisbiga KULMIYE ayaa maanta xaflad balaadhan oo qado-sh araf ah ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee Hargeysa, 11-kii Xildhibaan ee todobaadkan ku soo biiray xisbigaasi.

Xafladan oo ahayd mid albaabadu u xidhnaayeen waxa ka soo qeyb galay Hoggaanka xisbi ga KULMYE, Xildhibaanada ka tirsan isla markaana taabacsan xisbiga, Wasiirro iyo Guddoo miye ku xigeenka labaad ee aqalka wakiiladda.

Ma jirro wax war ah oo ka soo baxay kulankaas qado-sharafta ahaa, hase yeeshee waxa sarkaal ka tirsan Hoggaanka xisbigu uu noo xaqiijiyay in lagaga hadlay sidii gacan looga geysan lahaa horumarinta dalka iyo qaban-qaabada shirweynaha saddexaad ee xisbiga tallada haya.
Sarkaalkaasi waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo qodobadii kale ee lagu soo qaaday.

Xisbiga KULMIYE waxa uu todobaadkan xaqiijiyay inuu haysto aqlabiyadda Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda, taasina ay sii xoojinayso doorkii wada shaqayneed ee ka dhaxeeyay Xukuumadda xisbiga KULMIYE iyo Aqalka Wakiiladda.
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland