WAR-SAXAAFADEED

Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE kulan uu maanta oo taariikhdu
17/03/2013 isugu yimi xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa,
lagagana wadahadlay muddaynta qaba shada shirweynaha caadiga ah ee
xisbiga KULMIYE waxa uu ku go’aamiyey waqtiga rasmi ga ah ee
qabashada shirweynaha xisbiga.
Hoggaanka xisbigu KULMIYE, kadib:-
Ø Markii uu la tashaday Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE.
Ø Markii uu arkay soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
ee ku saabsanayd dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xsibiga
KULMIYE, iyadoo la waafajinaayo sharciga iyo nidaamka xisbiga, soo
jeedintaas oo Madaxweynuhu uu warqad rasmi ah oo sumadeedu tahay JSL/M/1654/032013,
kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga
KULMIYE.
Ø Markii uu garwaaqsaday, si buuxdana ugu qancay sababaha iyo
duruufaha waaqiciga ah ee Madaxweynuhu ku saleeyey soo jeedinta
dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xisbiga.
Ø Markii uu arkay go’aanka sumadiisu tahay GDUSAASQ/17/2013 ee ku
taariikhaysan 16/03/2013 ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta
Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland,
go’aankaas oo guddigu ku aqbalay dib-u-dhigista muddada shirweynaha
xisbiga KULMIYE (Guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo
Ansixinta Axsaabta Qaranka waa hay’adda awoodda sharciga ah u leh ku
kaantaroolida axsaabta, hannaanka iyo waqtiga qabsoomida shirweynaha
caadiga ah ee xisbiyada qaranka Somaliland).
Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE si rasmi ah u go’aamiyey in
qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga oo hore ugu beegnayd
March 31, 2013 dib loogu dhigo December 25, 2013, waqtigaas oo uu si
rasmi ah u qabsoomi doono shirweynaha xisbigu.
Xasan Siciid Yuusuf
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE |