Xisbiga KULMIYE Oo Dhoolatuskii Ugu Weynaa Ka Sameeyay Bariga Hargeysa Iyo Taageereyaashii Ugu Badnaa oo Ku Biiray
 


Xukuumada Oo Ku Guul Daraysatay Inay Horjoogsato Xafladaas


Hargeysa(TNN) - Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa Dhoolatuskii ugu ballaadhnaa ka  sam eeyey Xaafadaha Bariga Hargeysa ka dib markii uu Xaflad aad uu ku qabsaday Hotelka Kaahin ee cidhifka Bari ee Caasimada Hargeysa.

Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa uu xisbigu ku soo dhaweynayey Taageerayaashii ugu badnaa ee mar keliya ku soo biira, kuwaasoo hal-ku-dhigeedu ahaa  isbe del-doonka Aqoonyahanada, Siyaasayiinta, Ardayda jaamacadaha iyo culimo awdiinka Beesha Habar Yoonis, waxana ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha KULMIYE, Guddoomiye Ku Xigeenkiisa Koowaad, labada sarkaal ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan olalaha doorashada iyo in ku dhow kun qof oo ka tirsan beesha Habaryoonis kuwaasi oo sheegay inay ku biireen xisbigaasi waxaanay xukuumada ku eedeeyeen inay ku fashilantay inay wax ka qabato adeegyada bulshada ee Gobolka Oodweyne iyo guud ahaan deegaanada ay beeshaasi degan tahay, oo ay xukuumada ku eedeeyeen inay ka baxday balan qaadkii ay u samaysay doorashadii madaxtooyada ee hore.


Maxamed Xasan Dirir iyo Mustafe Ibraahim, oo ka mid ahaa dhalinyaradii ku hadlayay magaca ardayda Jaamacadaha dalka ee ku biiray xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in wadanku uu u  baa han yahay isbedel siyaasiya waxaanay xukuumada ku eedeeyeen inay ku fashilantay oo ay ka baxday balanqaadyadii hore ee ay samaysay xiligii la galayay doorashadii hore. Waxaanay  tus aale u soo qaateen lacagta Giimbaarta ah oo aanay ka bedelin gobolada bari iyo Biriijkii labaad ee Hargeysa oo sanado badan dunsan ummaddana dhibaato badan ku haya.

Dhalinyaradaasi waxay sheegeen in Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee beeshooda kaga jira Xukuumaddu ay isku dayeen inay dhalinyaradaasi si dhalanteed ah u sasabtaan isla markaana ay u qaadaan balamo kale oo ay xuseen inaan la fulinaynin.

Guddoomiyaha Olalaha doorashada ee gobolada barriga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay taageereyaashaasi ku soo biiray oo uu tilmaamay inay u baahnaayeen


Dr. Gaboose wuxuu sheegay in Wasiiro ka tirsan xukuumadu ay Madaxweyne Rayaale been u sheegi jireen kuna odhan jireen dhab libaax ayaad ku fadhidaa taasi oo uu tilmaamay inay  been owday.

Guddoomiyaha olalaha doorashada xisbiga KULMIYE ee gobolada barriga Somaliland wuxuu  she egay in xukuumadu taayiro iyo dhagaxaan ay wadooyinka u dhigto Guddoomiyaha KULMIYE  hal kii looga fadhiyay inay ummadda wax u qabato.

Dr. Cabdi Aw- Daahir, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay  taageerey aasha aadka u faro badan ee ku soo biiray KULMIYE oo uu xusay inuu muddo badan isagu  bees hiisa kaga jiray maantana lala arkay wixii uu Xukuumada iyo UDUB kaga biyo diiday.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka ha dlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo taagereyaashan ku soo biiray oo isugu jiray  Aqoony ahano, waxgarad iyo arday Jaamacadeed, waxaanu si weyn ugu mahad celiyay mulkiilaha  Hute elkaasi oo uu sheegay inuu gaashaanka ku dhuftay dalabkii xukuumadu ku doonaysay inay ka hor istaagto xisbigiisa xafladan.

Guddoomiyuhu wuxuu u balan qaaday dhalinyarada in Barnaamijkiisa siyaasadeed ay ugu jirto sidii wax badan oo ugu qaban lahaa isla markaana uu ka horqaadi lahaa caqabadaha dhinaca sharciga ee ka hortaagan inay ka qeyb galaan Goleyaasha hoggaaminta.

Md. Axmed Siilaanyo wuxuu xafladaasi kaga dhawaaqay haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada inuu furi doono ururada siyaasada si tallada dalka cid waliba uga qeyb qaadato.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu Taliyaha Booliska uga digay inaan loo adeegsan burburinta iyo xadgudubyada loo geysanayo Xisbiyada mucaaridka ah.

Dhinaca kale, waxa abaaro 3:30 galabnimo la xidhay wadooyinka u dhow Hudheelkii Xafladan lagu qabanayay ee KAAH oo ku yaala bariga Magaalada waxaana halkaasi la dhigay Dhagaxaan faro badan oo ay masuuliyiintii KULMIYE gacantooda kaga gureen. Iyadoo Huteelka Hortiisana ay gaaf wareegayeen Ciidamada Booliska.


Mulkiilaha Huteelkaasi oo gaashaanka ku dhuftay amar Boolisku ku siiyeen inaan lagu qaban shirar siyaasadeed, waxaanu sheegay inuu xor u yahay ganacsigiisa isla markaana xisbigii u yimaadaba uu ka kirayn doono.



Source:Golis