XISBIGA KULMIYE MA QUUSBU KA TAAGAN YAHAY G/AWDAL,MUXU UGA HINSIYAA SERVERKA NATIJADIISA

 

Wareysigii u madaxweyne Rayaal maalintii dhaweyd u siiyay idaacadda bbcda, wareysigaasi waxa ka mid ah maruu madaxweynuhu labad gudoomiy ee mucaridka wuxu yidhi waxakaliya ee eynu xaq ugu leeyihii shacabkeenna inaanu weydisano ama ka codsado iney codkooda noogi deeqan o kaliya, ee maaha in saamo iyo hargo loo garaco shabacaka JSLand oo khalkhal la gayo nabadgalyada.


Somalidu waxay tidhaahda HADALNA LA KALA ODHAN OG ILAAHEYNA LA KALA BARYI OG.


WUXU LEEYAHAY MADAXWEYNE RAYAALe YAA alle TIRO IYO DADba SIIYAYA OO CODkOOda NOOGU YABOOHA, eryadaasi u isticmaaleyo madaxweynuhu waa luqada dublamaasiyaddeed oo runtii u ku kasaban karo taageerayaal badan oo maalintaasi idaacda dhageysanayay.


Ma filayo inay labada gudoomiye ee xisbiyadda mucaridku in ey la iman karan hadaladaasi oo kala ama fahmi karan luqadaasi lagu weydiisanayo shacabka inay codkooda siiyan.


Siyaasadu waxay martid u tahay luqad u khaas ah oo dublamaasiyadeed in ad la timaado oo ad bulshadaada ku soo jeedato islamarkaasan kalsoonidooda ku hantido, luqadaasi dublamaasigu waa in ay anshaxa iyo ixtiraamka shacabka ad codkooda dooneyso raaligalisa,xodxodashada iyo rajada wanaagsan, baaqyada marwalba xoojinta nabadgalyadu waa qodobada muhiimka ah. haddii ay luqadaasi dublamaasiyadu ka leexato dhibaato weyn o weyn bey u yeelan karta mustaqablkaaga siyaasadeed, iyo hogaamintaada xisbi.-


Waxan uga socda qoraalkeygan mudane ka tirsan xisbiga kulmiye oo serverkii diiwaan galinta ee maalintii dhaweyd soo saarey natijadii diiwaangalinta ee cusbeyd ka hadalayay. Ayaa idaacada VOA hadaladii u siiyay ee ku saabsan serverkaasi iyo mas'uulkii gacanta ku hayayba meel fog kaga soo hadhey isagoo isticmaalaya hadalo aan dublamaasiyada ka madhan, kana soo horjeeda anshax siyaasadu leedahey.


Haddaba aakhristow waxan kor ku soo xusey hadaladii iyo wareysigii u madaxweyne rayaale bbcda siiyay markii u boqashad ku marayay dalka ingiriska, sida ay caadeysteen ama ka muuqata madaxda iyo siyaasiyinta xisbiga qaran ee kulmiye waxad mooda inay baal marsan yihiin luqadii u siyaasigu dadkiisa waxa ugu sheegi lahaa odhan, mudanahaasi markii u serverka iyo mas'uulka gacanta ku haya kawaranaya wuxu yidhi gobolka awdal baa loogu kordheyay ninkaasi mas'uulka ka ah ee gobolkaasi na u dusha ka saarey khaladkaasi dhacay ee u sheegayo, nambar badan, gobolka togdheerna waa laga jarey nambar taaso aanu mar na soo ba qaadin goboladii kale ee nambarka hoos looga dhigay sida sool iyo maroodi jeex. haddaba waxan isweydiiya xisbiga kulmiye rajo intee leeg buu ka qaba doorashooyinka fooda inagu soo haya G/awdal ee u masharaxa madaxweyne kuxigneenku ka soo jeedo.

Hadalaadsi anshaxa iyo milgaha dublamaasiyada ka aradan ee qaawani waxey waxweyne u dhima karaan ololihii u hormoodka u aha Inj. Seylici oo ahaa musharaxi madaxweynekuxigneenka kulmiye ee gobolkaasi ka soo jeeday islamarkaana waxakaloo ey niyad jaba ku noqodoonta taageerayaashii xisbiga kulmiye ee hiil iyo hoodaba u haya xisbiga qaran ee kulmiye ee u waliba ka soo jeedo musharax ood madaxweyne kuxigneenka xisbiga kulmiye, hadaladaasi u mas'uulkaasi ka soo yeedhey ee u idaacada VOA siiyay ma noqdoonto mid u xisbiga kulmiye ku kasban doono taageerayaal badan oo gobolkaasi ka soo jeeda doorashada soo socota, sida aan aaminsanahey gobolkaad rajada weyne ka damcasantahey maaha inaad hadalaasi iyo siyaasada qaaawan idaacada uga tabiso una quudho.


WAXAN HADDABA LEEYAHAY XISBIGA AMA MADAXDA KULMIYE WAXAD MOODA SIDII CURIGII BISADIHII U DHALAY MAALINBA MID CUNAYA BAAD MOODA SIYAASIYINTA KULMIYE EE MAANTA HOGAANKA XISBIGA KU FADHIDA, maanta gobolkii awdal ee musharaxmadaxweynaha loo qoondeyay ayey digada ka dhigeen oo ay canbaareyn iyo AFxumo la daba joogan - KARIS XUN IYANA WAX KU LA'.

Idaacadaasi VOAda ee habeenkaasi waxa barnaamjikaasi wareysiga qeyb ka ah mas'uul ka tirsan xisbiga mucaridka ah ee UCI'd, wuxu mudanahaasi kusoo koobay wareysigiisi hadalo siyaasadeed oo runtii gobol iyo mas'uulkii hawsha u xilsaarna midna waxba u dhimin ayuu kaga baxay iyo hadalo dublamaasiyadeed oo runtii qurxu badan, shacabka gobolkaasina ay raali ka wada noqon karan sida u dhacay wareysigiisi mudanahaasi xisbiga UCID ka tirsani ku soo afjarey.

Marka aanu so noqdo xisbiga UCID oo aan odhan karo maanta, wuxu mudanyahay ama lagu talimaami kara xisbiga udub dhexaadka u ah JSLand ee WALIBA dhinca kaste ka dheeli taraya shacabka soomaliland iyo dalka hormarintiisaba, haddii ey tahey nabadgalyada iyo haddii ay tahey hormarka dalku higisanayo, sida ka muuqata habdhaqanka siyaasiyinta xisbigaasi UCID iyo hadalada dublamaasiyadeed e ay ku xodxodanayan taageerayaashooda waa mid taageerayaal badan u soo gacan galin karta.


Waxan ku soo gabagabeynaya qoraalkeygan shacabku waxay u hiilin doona xisbiga la yimaada YAA CODKOODA NA SIIYAY OO LIIBANAY shacabkuna sidii caadada iyo dhaqan u aheyd ayey ugu jawaabi doona oo codkoodan ugu hibeeyn doonan.



soomaliland guul guul guul

 

 



Omar Daarood Hassan

Norway