XISBIGA KULMIYE MA HELI DOONAA MASUUL KALE OO
BUUXIYA HALKII MARXUUM CALI MAARSHAAL?
Boorama (Longlivesomaliland
News)-Dadweynaha Somaliland qaybihiisa kale duwan ayaa sanadahan
dambe waxa mashquuliyey arrimaha siya asadeed ee dalka isla
markaana qaar badan illawsiiyay dedaalkii ifka iyo aakhiradaba lagu
xusuusan lahaa in qof kastaa maalin uun ka tegi doono adduunyadan
safarka lagu joogo. Waxaan inta badan geerida ku baraa rugnaa
marka qof aan aad u jecelnahay ama aan qaddarinno wakhtigiisu
dhammaado .
Si aan ogaanno in Ilaahay dadka
iyo duunyada caalamka ku nool yahay aan u xusuusanno ,ayaa Ilaahay
awooddiisa innagu tusaa inaynaan hay san karin ,ama aynaan
wedka ka celin karin marka uu innaga qaadayo shakhsiyaadka ,
cuqaasha, culimaauddiinka, madaxda iyo siyaasiyiinta aan aadka u
dhegeysanno, waxana sanadahan dambe xisbiyada qaranka soo maray
naxdimo lagu xusuusinayo inay siyaasadda barbar wadaan xusuustaasi
iyo tan ilaahay .Waxan ognahay in saddexdda xisbi qaranba ay labadii
sanoo ee u dambaysayba ka baxeen rag qaaali ahaa .xisbiga UCID ayaa
waayey Marxuum Sanab oo arrimaha debedda u qaabilsanayd Gebileyna
lagu aasay, waxaan ognahay xisbulxaakimka UDUB oo waayey Marxuumm
Maxamed Ismaaciil Bulaale iyo xisbiga Kulmiye oo afar casho ka hor
waayey Marxuum Cali Guuleed (Cali Marshall ).
Dadkaasi oo dhammaantood qaali ku
ahaa reer Somaliland , dawladdoo da iyo shacbigoodaba ayaa
Ilaahaybaa innagu tusayaa inaan hawlaha adduunka ee siyaasadda aan
la iksu illoobin, sidaa darteeedna aan la isku iloobin xumaanta
siyaasadeed, masabidka, nacaybka iyo cadaawad da.
Haddaba markaan usoo noqonno siyaasigii iyo aqoonyahankii ugu
damb eeyey ee ka baxa Somaliland xisbiyadeeda iyo siyaasaddeeda ayaa
ahaa Cali Guuleed kaasoo in badan dadweynaha reer Somaliland
xusuusnaan doonaan taariikhdiisii, hadalkiisii, shaqadiisii iyo
waxtarkiisii. Waxa uu geeriyooday wakhti aad ugu adag reer
Somaliland iyo xisbiga Kulmiye isagoo marayey badhtamaha jid dalkani
ku hoggaamin lahaa wanaag iyo horumar, isagoo ku jira dagaal
siyaasadeed oo uu kaga soo horjeeday xukuumadda maanta, isagoo
dhinaca kalena guulo badan usoo hooyey xisbiga uu ka tirsanaa ee
Kulmiye, codka mucaaradkana ku toosiyey kumaankum qof oo codkooda
siiyey xukuumadda maanta dalka xukunta, isagoo ku talo jiray in
kumaankum kalena kusoo hanuuniyo siyaasadda xisbigaasi .
Cali Guuleed oo aan maalin keliya arkay ayaa Boorama u yimid aaskii
Mar xuum Cabdi Xasan Buuni Inkastaanan aqoon fiican aanan u lahaynna
waxa tusaale cid walba ugaga filan kumaankumka qof ee reer
Somaliland ee dhegeysan jiray khudbaddihiisa, akhriyina jiray
qoraaladiisa, kuwaa soo ku salaysnaa cilmi bani aadam barto
kan ugu adag oo dhaqaalaha ah iyo qorsheynta umad horumarkeeda .
Waxyaalaha lagu xusuusto Cali Maarshaal ayaa waxa ugu weyn sida uu
siyaasadda Somaliland u kuleyliyey isla markaana shacbiga iyo
xisbiyada mucaaradka iskugu xidhay kuwaasoo uu ka dhaadhicin jiray
in xoriyaddu tahay shayga keliya ee Ilaahay qof kasta oo dunidan ku
nool haybada u siiyey , waajibna ku tahay in qof kasta ay waaib ku
tahay in xoriiyad diisa, noloshiisa iyo mustaqbalkiisana u
dagaalamo .Waxaya reer Soma liland xusuusan yihiin sidii
Marxuumkaasi umadda ugu sheegi jiray xaqa kaga maqan dawladda iyo
dawladdu waxay xaq u leedahay .wuxu ka hadli jiray musuqa iyo ku
takrifalka cashuuraha isagoo dhinaca kalena hadaladiisu ahaayeen
kuwa uu toos ugu abbaari jiray cid kastoo uu arkayey inay shacbigan
ku hayso dulmi iyo caddaalad darro.Cali Guuleed ayaa sidoo kale u
muuqday ragga aadka u yar ee isku xidha reer Somaliland gudaha iyo
debeddaba, laga bilaabo gurigiisa la ii sheegay in ku yaallo
magaalada San Jose ee dalka Maraykanka ilaa gurigiisa ku yaalla
Hargeysa aanay dadka reer Somaliland u kala soocnayn had iyo jeerna
laagu soo ururo meesha uu joogo.
Haddaba su’aasha la isweydiin karo ayaa ah xisbiga Kulmiye ma ku
jiraan rag caynkaas oo kale ay u balladhan tahay aqoontooda
siyaasadeed, midda bulsho iyo midda dhaqaaleba ? jawaabtu waa haa oo
way ku jira an Rag la mid ah Cali Guuleed balse weli bannaanka
laguma arag ama iya guba bulshada reer Somaliland iyo xisbiga
ay ka tirsan yihiinba uma muu jin sifooyinkaasi inay leeyihiin,
wakhtiganse aanu kulmiye ciyaar ku illoo bayn doorkii Cali
Marshall ku lahaa xisbigaasi iyo shacbiga.
Qiimaha caynkaas ah ayaad ka garan kartaa tacsidii madaxweyne
Raya ale xisbigaasi uga tacsiyeeyey geerida Cali Guuleed iyadoo ayba
iska yarayd ama aanay innasoo marinba tacsi madaxweyne Rayaale u
diro xisbiga Kulmiye madaxdiisa.
Haddaba iyadoo maanta uu dagaalka siyaasadeed ee Somaliland marayo
meel xasaasi ah isla markaana loo baahan yahay caqli iyo aqoon in
xisb iga kulmiye iyo Somalilandba kaga qayb galaan xallinta
mashaakilka siya asadeed ee Somaliland ka jira ayaan ilaa
imika la ogeyn cidda uu Kulmiye ku buuxin doono kaalinta uu ku
banneeyey Cali Guuleed sidaa darteedna loo baahan yahay in dib loo
eego taaiikhda siyaasiyiinta xisbigaasi ku jira, lagana soo xulo
ninka ay is leeyihiin wuu buuxin karaa kaalintaasi. Waxase
xisbigaasi mucaaradka ah guul u keeni kara cid wax u wadda sidii uu
wax u wadi jiray Cali Guuleed taasoo ku salaysnayd qarannimo balse
aan ku salaysnayn qabyaalad iyo gobolaysi kala gogeyn kara xisbiga
iyo reer Somaliland.
Source: Wariyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed
Cumar
|