Xisbiga KULMIYE Ma Hanan Karaa Hogaanka Somaliland?
Mida kale xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye oo had iyo jeer udub ku eedayn jiray dimuqraadiyad la’aan, ayaa maanta waxaad moodaa inuu noqday mid bilaa mabda’ ah, oo aan sal lahayn, isla markaana wax yaabaha baryahan danbe ka muuqdaa ay ku tusayso in wax yaabo badan oo lagu xaman jiray xisbiga ay imika soo bax baxayaan, kuwaas oo ay ka mid tahay in uu jecelyahay in beelo dalka dib loogu celiyo. Waxa kale oo jirta in dalka somaliland ka wayn yahay xisbi meel ku shira iyo rag is qabqabsada, taasna waxa tusaale inoogu filan ragii guurtida ahaa ee dhexda u xidhay sidii ay somaliland nabad buuxda uga dhalinlahaayeen oo maanta qaarkood ku hawlan yihiin arimo beelaysan. Waxan xasuustaa 1992-gii, wakhtigaas oo runtii ay aad u adkayd in dad meel la iskugu keeno haba yaraadaane, ayaa waxay ku guulaysteen guurtidu inay isku keenaan dhalinyaradii qoryaha sidatay, arintaas oo fajac iyo qaadan waa ku noqotay dad badan oo ay ka mid yihiin reer koonfureedku. Waxay ahayd arin aan la ilaabi karin oo mucjiso ah, laakiin waxan odhan karnaa rag baa wakhtigoodii oo dhan siiyay oo dhexda u xidhay, waanay ku guulaysteen. Waxan xasuustaa sheekh Ibraahim Sheekh Yusuf Sheekh Madar (AHU) iyo rag badan oo kale, oo habeen iyo maalin u soo jeedi jiray sidii ay dalka nabad uga dhalin lahaayeen, geed dheer iyo mid gaabana u fuulay sidii ay wiilashan qoryahay uga dhigi lahaayeen. Waxaan leeyahay ragaasi qaar badan baa ka jooga oo nool, mana rabaan in dalkan in yar oo dhibaato ahi soo gaadho. Waxa kaliya ee dalkan lagu aamini karaana waa rag daacad ka ah qaranimada somaliland. Markaad hadaba dib u yara eegto wax yaabihii ay ku guulaysteen xisbigan talada haya, (Udub) marka laga yimaado dadaalkii guurtida waxa ka mid ahaa: * In xisbiga Udub ka dhigay
somaliland, mid aad loogu amaano dimuqraadiyada ay sameeyeen iyo
waliba sinaanta ka muuqata beelaha dalka wada daga, taasoo soo
jiidatay dad badan oo adduunka ka socda. * Iyagoo intii ay xilka hayeen
runtii xooga saaray sidii ay ugu shaqayn lahaayeen dadwaynaha
somaliland, iyaga oo isla markaana ina tusay hawlkarnimo badan iyo
masuuliyad aan la soo koobi karin, mudnaanta koowaadna siiyay sidii
ay nabadu u hana qaadi lahayd. * In siyaasadeena dibada aad
moodo in maanta adduunku ina soo eegayo, oo aanay dhabarka inoo
jeedin, il gaarana aad moodo in la inagu soo eegayo, diyaarna
adduunku u yahay in wax badan la inala qabto. Marka aynu hadaba dhinaca kale iyana yara eegno, waa (xisbiga Kulmiye), Sababta dadka badankiisu u jeclaayeen inay codkooda siiyaan kulmiye, doorashadii hore waxay ahayd, waxay u arkayeen xisbi is beddel-doon ah. Waxayse markii danbe ogaadeen inuu yahay xisbi sedbursi iyo xoog wax ku doonaya, oo halis ku ah nabadgelyada iyo qaranimada somaliland. Waayo, waxay arkeen hogaanka xisbiga oo wax nabad galyada khal khal galiya mooyaane aan wax kale ka hadlayn, taasaana keentay in ay taageero badan waayaan. Mida kale shacbiga Somaliland
waxay xasuusnaayeen tuduc ka mid ah gabaygii Gaariye ee "Daba Taxan",
taas oo ahayd "midho daray hadaan bari duu duub ku liqi jiray,
doorkan waxaan hubsanayaa dirxi inuu ku hoos jiro". Shacbiguna maanta waa mid bislaaday, mana dhacayso in la majara habaabiyo oo been loo sheego, dagaal iyo dhibaato danbena ma qaadi karaan, waanay garanayaan sida ay maslaxadoodu ku jirto. Sidaa daraaded, waxan maqaalkaygan ku soo gabgabaynayaa tuduc ka mid ah Gabaygii Hadraawi ee DurDur:
|