WAR-SAXAAFADEED

 




Wefti ka socda dawladda Somaliland iyo xisbal-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo Gud doomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo safar hawlo shaqo ah ku maraya dalal ay ka mid yihiin kuwa gobolka, ayaa kulamo la yeeshay safiirro iyo dublamaasiyiin ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Weftiga Somaliland waxay kulan ballaadhan xarunta Safaaradda Denmark ee magaalada N airobi kula yeesheen qaar ka mid ah safiirrada waddamada Midowga Yurub ee ka caawiya Somaliland dhinacyada horumarinta iyo doorashooyinka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya, kuwaas oo ay ka mid yihiin; safiirka Denmark Amb. Mette Knudsen, safiirka dalka Finland A mb. Tarja Fernandez iyo ku-xigeenka safiirka safaaradda Holland ee Nairobi iyo weliba Mada xda hay’adda mucaawada dibadda u qaabilsan dalka UK ee DFID, ahna guddoomiyaha guddi ga beesha caalamka ee arrimaha dimuqraadiyadda kala shaqeeya Somaliland Mr. Angus Mill er.

Guddoomiyaha KULMIYE iyo wasiirrada Somaliland waxay safiirrada ay la kulmeen wadahad al iyo xog-warran ka wadayeesheen guud ahaan xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka socota dalka, u diyaargarowga doo rashooyinka, abaaraha iyo taakulaynta dadka ku waxyeeloobay, shaqo la’aanta dhallinyar ada iyo sidii loo heli lahaa fursado shaqo oo wax lagaga qabto tahriibta iyo arrimo kale.

Qodobadaasi lagu lafaguray kulanka waxa dhammaantood laga gaadhay is-faham, iyadoo weftiga Somaliland iyo safiirraduba isla qaatay in dhinac waliba dardargeliyo wixii ka khuse eya arrimaha laga wadahadlay.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxay hore shirar ugu soo yeeshee n magaalada Addid Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo sidoo kalena Wasiirrada Khaarajiga iyo Madaxtooyada – Dr. Sacad Cali Shire iyo Maxamuud Xaashi Cabdi ka soo laabteen waddank a Turkiga maalmo ka hor oo ay hawlo shaqo u tageen, waxaanna la filayaa in kulamo kale oo dheeraad ah ay dublamaasiyiin iyo masuuliyiin kale ku dhexmaraan magaalada Nairobi.

ALLAA MAHAD LEH.



Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

_________________________________

Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyemanager@gmail.com

Telephone: +25263 4026659, +25263 4426677,

Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.