Xisbiga Daryeelka iyo Cadaalada UCID UK shir ballaadhan ku yeeshay Huteelka Blue Ocean

 


 

London, Axad 02/05/10: SHIR aad loo soo agaasmiy oo MADAXDA XISBIGA UCID UK iyo Europe KU QABSADEEN HUTEELKA BLUE OCAEN .

Ugu horayn wax shirka aayado quraan ah ku furay dr abokor cige faahiye

Intaa ka dib waxa shirka furay gudoomiyaha uk ee xisbiga ucid ibraahin rashiid halkaas oo u mahadnaq balaadhn uga soo jeediyay dhamaan gudiga,xubnaha,taageerayaasha ka soo qayb galay shirka isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay gudiga reer awdal ee shirka ka soo qayb galay.

Isagoo hadalka sii watana wuxu yidhi manta waxaynu u baahan nahay oo kaliya dhaqaale maadaama aany foodkka aanay suurto gal inoo ahayn,

Intaa ka dib waxa waxa hadalkii qaatay xasan macalin oo oo warbixin guud ka bixiyay wadankii gaar ahaana xisbiga ucid isagoo sheegay inaan manta haysano fursad aan ku hanan karno hogaanka dalka hadii aynu helno dhaqaale.

Waxa kaloo halkaa ka hadlay gudoomiye xigeenka 1aad ee yurub mudane foosi haaji yuusuf oo sheegay in ucid ahaan loo baahan yahay wax wada qabsi& isku duubnaansho maadaama doorashadii soo dhawaatay

Waaxa isna halkaa ka sii amba qaaday mudane abokor maxamed oo sheegay in talada ucid tahay meel kaliya oo aynu isku ujeedo nahay loona diyaar garoobo doorashada.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay xoghayaha guud ee uk ee xisbiga ucid eng c/laahi hasan camey oo si qoto dheer uga waramay in guushu ku jirto gacmahaeena hadii aynu nahay dadka qurbo joogta ah ee taageersan xisbiga ucid isagoo aad ugu celceliyay in sida ugu dhakhsaha badan dhaqaale degdeg ah loo helo iyadoo aanay doorashadii waxba inooga hadhin.

Intaa dabadeed wax hadalkii qaatay mudane c/raxmaan barkhad oo si qoto dheer uga waramay taariikhda gobolka awdal wuxu yidhi manta reer awdal waxay u baahan yihiin isbedel isbadalkaana waxa keeni kara xisbiga cadaalada & daryeelka ee ucid..

Waxa iyaduna halkaa ka hadashay gudoomiyahay gobolada bari farduus hamashool oo sheegtay in gobolada bari ee aan ka imi ay diyaar u yihiin xisbiga ucid taageero badana u hayaan ,

Waxa kaloo halkaa ka hadlay xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga ucid oo halkaa ka sheegay in hawl badani wadankii taalo loona baahan yahay in in loo diyaar garoobo sidii wadankii loo tagi lahaa

Waxa kale oo halkaa ka hadshay abni maxamed ali oo ka warantay safarkii ay ku tagtay wadamada yurub gaar ahaan jarmalka oo sheegtay in ay diyaar garoobayaan doorashada dhinac walba.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay gudoomiyaha yurub siciid cumar ,gudoomiyaha garabka dumarak caasha x maraykan, gudoomiyaha garabka dumarka kaltuun ibraahin mooge ,gudoomiyaha London Mustafa ismail kanadi xogahayaha xidhiidhka caalamiga ahmed cabdi ciise xoghayaha xidhidhka yurub sainab saxardiid,gudoomiyaha garabka dhalinyarada xasan ahmed cunaaye.

Allaa mahadleh

Xisbiga cadaalada &daryeelka ee ucid(the walfare & justice)