Xisbiga Daryeelka iyo Cadaalada UCID UK shir ballaa dh an ku Yeeshay
waqooyi-Galbeed Magaalada London
London Sabti 24/04/2010 (TNN)-
Xisbiga Daryeelka iyo Cadaalada UCID UK oo shir ballaad han ku
yeeshay waqooyi-Galbeed magaalada London wadanka ingiriiska.
Shirkaas oo si fii can loo so abaabulay waxa ka soo qeyb galay
Gudiyada Xisbiga ee Gobolada oo dhamaan ka kala yimid UK, Gudida
Xisbiga Europe iyo xubno ka socod gudida sare ee xisbiga
Imaara dka { Gudoomiyaha garabka haweenka ee Imaaradka Mrs Safia
Da'uud}iyo xubno ka socda gudida fulinta xisbiga UCID heer qaran,
Shirkaa oo qudbado ku saabsan doorashada Soma liland madaxda
xisbiga UCID halkaa ka soo jeedisay. . Hadaladii iyo doodihii shirka
laga soo jeediyey oo xidhiidh ah lana soo koobay waxay u dhaceen
sidan hoos ku qoran.
Shirka ugu horeyn waxa lagu furay aayado quraano, waano iyo wacdi.
Xafalada waxaa si habsami ah u xidhiidhinayey, Mustafe Ismail
gudoomiyaha London UCID UK , Mustafe wuxuu hadalkii ku soo dhaweeye
Gudoomiyaha xisbiga UCID UK Mudane Ibrahim Rashiid.
Ibrahim Rashiid: Gudoomiyaha UCID UK ayaa shirka furay, gudoomiyaha
wuxuu ugu horeyn tiiba salaan iyo mahadnaq ku saabsan sida
fiican ee ay uga soo qeybgaleen shirka u soo jeediyey gudiyada
xisbiga UCID ee ka yimi Gobolada Uk, xubnaha xisbiga UCID UK
dhamaant ood, Madaxda xisbiga UCID heer europe iyo heer qaranba ah
ee madasha fadhida caawo iyo xubno ka socod gudida sare ee xisbiga
Imaaradka { Gudoomiyaha garabka haweenka ee Imaaradka Mrs Safia
Da'uud iyo dadweyne fara badan oo sharaf leh oo reer Somaliland ah
oo ka soo qayb galay xaflada. Mudane Ibrahim Rashiid wuxuu si
qotadheer uga waram ay waxa qabadka xisbiga UCID UK iyo
hormarka uu sameeyey bilihii u dambeeyey iyo sida xisbigu u
ballaadhay hada gudo iyo dibedba, Ibrahim-Rashiid wuxuu sheegay
xisbiga inay si baaxad leh dad badani ugu soo biirayaan taas oo ay
sabab u tahay qorshaha siyaasadeed ee xisbigu doorashada ku galayaan
iyo ayagoo u arka in xisbiga UCID yahay xisbiga keliya ee isbedel
dhab ah oo ummada Somaliland wax u tara keeni kara. Ibrahim Rashiid
wuxuu si qotodheer uga waramay kuna soo bandhiga qorshaha
siyaasadeed ee xisbiga UCID dooras hada ku galayo, waxaanu
halkaa ka sheegay Laga soo bilaabo wakhtigii la aasaasay xisbiga ee
2001dii ilaa hadda xisbigu wuxuu gaadhay guulo la taaban karo,
waxaana guulahaas ka mid ah;
.Xisbiga UCID inuu ahaa ururkii ka badbaadiyey dalka JSL, door
muhiima oo la taaban karan a ka qaatey sidii looga gudbi lahaa
qaab-beeleedkii looguna gudbi lahaa nidaamka casriga ah ee
dawladnimada ee ku dhisan axsaabta badan.
· In xisbiga UCID mar walba uu yahay ka kaliya ee horseeda xallinta
khilaaf kasta oo siyaasi ah oo dalka ku yimaada, isla markaana
horseed ka noqda hormarinta danta guud midda gaar ahaaneed.
· In xisbiga UCID yahay mid qayb laxaad leh ka qaata hawlaha
daryeelka iyo horumarinta addeegyada bulshada, isla markaasna si
gaar ah uga war haya qaybaha bulsho ee jilicsan.
· In xisbiga UCID noqday mid taariikh lama ilaawaan ah ku yeesha
arrimaha ictiraaf raadinta iyo xidhiidhka dibada (mid goboleed,
qaaradeed iyo caalamiba)Waxaa xusid mudan tusaale ahaan, 6-dii
qoddob ee saldhiga u ahaa heshiiskan maanta taagan, in xisbiga UCID
uu ka qaatey kaalinta koowaad.
· Maanta xisbiga UCID, waxa uu u taagan yahay in uu horseed ka noqdo
nabada, cadaaladda, horumarka iyo ictiraf-raadinta Jamhuuriyadda
Somaliland.
· Barnaamijkan uu xisbigu usoo bandhigayo umadda waa mid ka
tarjumaya qoddobadan kor ku xusan isla markaana xisbiga UCID ka
dhigaya mid ay u cadahay talladii iyo qorshihii uu ku fulin lahaa
kagana midho-dhalin lahaa.
Maamul wanaag iyo hoggaanku fiican oo daacad ah waa waxyaabah ugu
muhiimsan ee loo ga baahan yahay Somaliland . Xisbiga UCID
waxaa uu aaminsan yahay in dhibaatada ugu weyn ee maanta Somaliland
haysataa tahay hoggaan xumo. Dhibaatadani waa mid soo ta neyd
ilaa maalintii Somaliland xorriyada qaadatey, 1960kii. UCID waxay
ballanqaadaysaa inay amuurtaas wax ka beddesho. Si loo helo
maamul-wanaagna, UCID waxay la imanaysaa hoggaamin han iyo himilo
leh; hoggaamin ku tamarisa aragti-dheer, daacadnimo iyo Alle ka
cabsi. Xisbiga UCID waxaa uu hirgalin doonaa maamul-wanaag iyo is-xukun
casriya, dimoqr aadiya isla markaana ka sallaysan qiyamkeena iyo
horumarka dalku hiigsanayo, waxaa aan nu u aqoonsanaynaa 10-ka
sannadood ee soo socda, 2010-
2020, 10-sannadood ee horumarka iyo barwaaqeynta Jamhuuriyadda
Somaliland. Mudane Ibrahim-Rashiid, waaxa uu halkaa ka sheegay in
xisbiga UCID yahay xisbigii ugu horeeyey ee soo bandhiga Barnaamijka
siyaasadeed Xisbiga UCID { UCID Plitical Manifesto }. Ibrahim waxa u
sheegay inay barnaamijka xisbiga ka akhrisan karaan kana daabacan
karaan web site ka xisbiga UCID oo ah { http://www.ucidparty.com/ }.
Mohamed Iidle, oo ka tirsan gudida fulinta xisbiga UCID UK, wuxuu ka
hadlay xisbigu halku maraayo iyo sida ugu haboon ee looga
tabaabushaysan karo doorashad soo socot xag ab aabul iyo xag
dhaqaalaba, Mohamed wuxuu carabka aad ugu adkeeyey in xisbigu maanta
uu u baahan yahay taagero dhaqaalo oo lagaga qayb galo doorashada
sidaas darteed tag eerayaasha dibdeda jooga in xil gaar ah
iska saaran sidii dhaqaalaha loo soo ururin lahaa. Xisbiga UCID waxa
uu muhiimad siinayaa doorka ururada aan dawliga ahayn (Nonstate
ac tors) ku leeyihiin dib u dhiska waddanka dhinac walba, dhaqaalaha,
xuquuqul insaanka, cilmi baadhista, kobcinta aqoonta iyo xoojinta
doorka haweenka iyo dhallinyarada. Xisbiga UCID waxa uu u arkaa
ururada bulshada rayidka ah mid ka mid ah tiirarka dawladnimo ee
dalku ku dhisan yahay. Sidaas daraadeed, Xisbiga UCID waxa uu
tixgalin mudan siin doonaa xoojinta iyo taageerada ururadaasi iyo
qorshayaasha ay la yimaadaan.
Asha Hussein Maraykan, Gudoomiyaha Europe UCID garabka haweenka;
Asha waxay u soo jeedisay dumarkii shirka fadhiyey iyo guud ahaan
dumarka Somaliland inay codkooda siiya an Xisbiga UCID
Sababtoo ah, xisbiga UCID wuxuu rumaysan yahay in haweenku yahay
asa aska bulsho kasta. Sidaa darteed xisbiga UCID waxa uu garawsan
yahay oo aaminsan yah ay in haweenka Somaliland yihiin
halbawlaha nolosha iyo nabadda Somaliland ka jirta hore na
qaybta ugu weyn uga soo qaateen nabadaynta iyo horumarinta dalka.
Sidaa darteed, xisbigu waxa uu ahmiyad u qalanta siin doonaa
ururrada haweenka ee heer walba si loo sii kordhiyo waxqabadka ay u
hayaan dalka. Waxa kale oo xisbigu xoogga saarayaa xirfadaha shaqo
iyo baayac-mushtar ee haweenka u gaarka ah. Xisbigu wuxuu haweenka u
samayn ayaa xarumo iyo naadiyo cilmi iyo bulsho u gaar ah oo ay
hawlahooda ku qabsadaan.
Mrs Safia Da'uud, Gudoomiyaha garabka haweenka ee Imaaradka, Marwo
Safia ugu horayn waxay sallaan iyo mahadba u gudbinsay xubnaha
xisbiga UCID, iyo dhamaan dad weynaha ka soo qeyb galay shirka,
Marwo Safia waxay si mug leh ugu warrantay sida xisbiga UCID uga
hirgalay Imaaradka carabta iyo sida xisbigu u ballaadhay oo loogu
soo biirayo maalin kasta. Maro Safia waxay sheegtay in Xisbigu waxa
uu si gaar ah u korinayaa kaalinta haw eenku kaga jiraan
siyaasadda
shaqadda, maamulka iyo waxbarashadda; si taas loo helona waxa aannu
haweenka kaalin mug leh ka siin doonaa maamulka dalka, sida
goleyaasha xukuumada, deegaanka, gobolada iyo guddiyada dalka. Waxa
aannu aaminsanahay in haddii garaadka, aqoonta iyo fikirka ha
weenka la kobciyo, la heli karo bulsho toosan oo kasoo jeeda qoysas
wanaagsan una dhis an ruux ahaan iyo aqoon ahaanba (spritual
and intellectual), sidaas daraadeed xisbiga UCID waxaa uu
ballanqaadayaa in uu siyaasad dhammeystiran oo daryeelka iyo
horumarinta haweenka JSL lagu suurto-galiyo.
Keysar Abdillahi Mohamed, Xoghayaha warfaafinta Xisbiga UCID: Mudane
Keysar wuxuu war bixin qotodheer ka bixiyey xaalada saxaafada iyo
warfaafinta ku saabsan ee Somalila nd ku jirto, Keysar wuxuu
halkaa ka sheegay Saxaafadda noocyadeeda kala duwani waxay nuxur u
yihiin nolosha dawladnimo;
Xorriyadda saxaafaddu waxa ay ka mid tahay xorriyaadka asaasiga ah
ee dustuurka Som aliland dammaanad-qaaday. Iyadoo la
tixraacayo qawaaniinta ku saabsan warbaahinta eek u xusan distoorka
iyo xeerarka saxaafada, ayaa aannu samaynaynaa gole saxaafadeed
agaasima isla markaana horumariya saxaafadda waddanka si loo tayeeyo;
golahani waxaa uu u taagnaan doonaa arrimahan hoos ku qoran:-
1- warbaahinta waddanku noqoto mid ku socota distoorka iyo xeerarka
saxaafada
2- ayna marnaba imanin cabudhin ku timaada saxafiyiinta, si looga
horistaago waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin ee sharciyada dalku
damaanadqaaday
3- la helo saxafiyiin tabobar sare leh oo ka tirsan dhinaca
warbaahinta dawladdu maamusho iyo tan gaarka loo leeyahayba (public
and private media)
Dhinaca kale, waxa aannu si xisaabtan leh u ogolaanayaa idaacado
madaxbannaan sida FM ka, isla markaana waxa aannu ballanqaadaynaa in
aannu
ballaadhino oo aannu tayeyno Idaacadda iyo TV qaranka si ay waddanka
oo dhan ay u wa dda gaadhaan. Warbaahinta dawladdu (Radio, TV
and Newspapers) waxay guud ahaanba noqon doontaa mid meel kaliya
laga hago, siyaasad cad oo wadaniyana ku shaqeysa. Warbaahinta
dawladda UCID waxay noqon doontaa mid umadda u tabisa warar deg deg
ah oo suggan, barnaamijyo ku qotoma cilmi, wacyigalin iyo jihayn
umadeed iyo madadaalo hab boon waxtarna leh. Xisbiga UCID waxa
ka go’aan ah in saxaafadda qaranku u sinnaato muwaadiniinta iyo
xisbiyada qarankaba; sidaas daraadeed, waxaa aannu soo afjari doonaa
warbaahintii dawladda ee ku sallaysneyd rabitaanka iyo hirgalinta
danaha gaarka ah ee shakhsiyaad xukuumada ka tirsan.
Mohamed Ibrahim Aden, Xoghayaha Arrimaha gudaha iyo Xidhiidhka
Gobolada: oo shirka hadal ka soo jeeday wuxuu si qotodheer uga
warramay marxaladaha Somaliland soo mar tay iyo xaalada adag
ee ku jiro wadanku maanta. Mohamed wuxuu sheegay in Dalkeenu yahay
dal khayraad badan leh oo isku filan, hase yeeshee waxa uu u baahan
yahay hogaan iyo dawlad u adeega shacabka oo daacad ah , Xisbiga
UCID wuxuu doonaya inuu wixii xumaa ee jiray maamul wanaagsan ku
bedelo, xisbiga UCID hadii doorashada ku guuleysto wuxuu dhisi doona
dawlad tayo leh oo kooban, ummada Somaliland ka dulqaadi doono
dhibaatada iyo baahida haysata. Waxaanu dadwaynaha madasha fadhiyay
u iftiimay inay ku shaqeeyan aragtidooda iyo taageeradooda taasina
tahay mid ku salaysan siyasadada xisbiga UCID, Mohamed waxa kale oo
war bixin ka bixiyey sida loo galayo doorashada iyo in la bixin
doono kaadhadh cusub sidaas darteed loo bahan yahay in dadka lagu
dhiiri gelyo inay kaadhka qaatan si ay u suurtogasho inay codeeyaan,
codeyntaa oo ah wax muwaadinku xaq u leeyahay inay doorto
hogaamiyihiisa. waxa kale oo uu soo jeediyey ina sidii lagu
heshiiyey in loo baahan yahay in lagu qanco dhamaaan saddexda xisbi
natiijada ka soo baxda servre ka, si doorasho xalaal ahi inuugu
dhacdo. Shirkii qaybtii hadalka iyo qudbadaha madaxda waxaa soo
gabagabeeyey soona xidhay Mudane Mohamed Ibrahim.
Waxa kale oo shirka ka soo qaybgalay oo ka hadalay, Gudoomiye ku
xigeenka UCID UK Kos ar Aideed Abdi, Nur Hussein Cumar Xashi
oo ka tirsan gudida fulinta UCID heer qarran, Wa siirkii hore
warashadaha Somaliland Mohamed Suleiman Weyne, Mohamed Haybe
Gudoomi yaha Bristol, Kaltuun Ibrahim Mooge Gudoomiyaha garabka
haweenka UCID UK.Khalid Has san gudoomiyaha Xidhiidhka
dhalinyarada Europe. {Birmigham}. Saynab Mohamed Omar Gudoomiye ku
xigeenka garabka haweenka UK . Mohamed Suleiman Guray.
Gudoomiyaha UCID Shafield, Saeed Omar Gudoomiya Europe UCID, Saynab
Saxardiid Gudoo miyaha Xidhiidhka Europe . Shiine Koodbuur
gudoomiyaha Maaliyada UCID UK , Fardowsa Osman Farah {Hamishol}
gudoomiyaha gobolada bariga, Engineer Abdillahi camay xogha
yaha xisbiga UCID UK, iyo Dr Aborkor Fahiye Gudoomiye ku xigeen
Europe UCID, Mustafe Ismail Gudoomiyaha London UCID., Hassan Ahmed
Gudoomiyaha Dhallinyarada UCID UK. Sa’caad Mohamud Gudida UCID
Bristol
Qudbadaha kadib waxa halkaa lagu soo bandhigo madadaalo iyo cawys ay
soo bandhigeen Abwaano iyo fananiin caan ah oo ay ka mid yihiin Nimo
Yasiin, Xudaydi, Yusuf dheere, Moha med Suleiman Guray iyo abwaano
uu ka mid yahay Mohamed Beeldaaje oo halkaa ka tiriyey gabayo ku
saabsan doorashada Somaliland iyo fanaani kale oo badan.
Allah Mahad Leh
Xisbiga Caddaalada & Daryeelka
UCID UK , London . { Justice & Walfare Party }
|