XISBIGA CADAALADA IYO DARYEELKA EE UCID OO SHIR WE YNE AAD U BALAADHAN KU QABTAY BRISTOL DALKA UK

 

Bristol (Timacade News) Shirweyne aad u balaadhan oo uu kasoo qaybgalay  Gudoomi yaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shalay lagu qabtay Magaalada  Brist ol. Shirkan oo aan loo kala hadhin ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadweyne aad u  bad an oo ka kala yimi gobolada dalkan UK, iyada oo ay joogeen siyaasiyiin, aqoon yahan haween iyo ragba isugu jira kuwaasoo taageeroyaal u ahaa ama xubno ka ahaa  Xisb iga UCID, waxaa sidoo kale joogay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada kale.


Shirkan oo uu xidhiidhinayay Tafatiraha Guud ee Jariiradada Somali Voice Kaysar  Cab dilaahi waxaa qudbado kala duwan kasoo jeediyay masuuliyiinta shirkaas kasoo qayb gashay, ugu horrayn furitaanka shirka waxaa erayo kooban oo soo dhawayn ah  ka soo jeediyay Kaysar Cabdilaahi, ka dibna waxaa hadalka qaatay Mudane Maxamed  S aleebaan weyne oo ahaa wasiir ka tirsanaa Dawlada Somaliland oo dhawaan xilka laga qaaday, waxaana uu Mudane Maxamed Saleebaan uu si balaadhan uga hadlay  taarii khda xisbiga UCID isaga oo tilmaamay in Xisbiga UCID uu yahay badbaadiyaha  Somal iland.


” Waxaad ka war haysaan in Mudane Faysal Cali Waraabe in uu yahay hogaamiyaha  k aliya ee aan marnaba fadhiisan ee qaarad ilaa qaarad u kala socda, waxaana uu  hab een iyo maalinba booqdaa ciidamada qaranka ee xuduudadaha dalka, goobaha  caafi maadka iyo iskuulada isaga oo waxtar iyo dhiirri galin u fidiya, halka aanay labada  hog aamiye ee kale meelna tagin” ayuu yidhi Maxamed Saleebaan.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dawlad ahaan ay been dadka ku maaweeliyaan, isaga oo xusay in Dhagax dhigii Warshada Sibidhka ee Bebera ay ka mid ahayd Beenta ay  d adka u sheegayeen, waxaana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi ” Beentii aan  da dka u sheegay inaan Wershad Sibidh ah dhisayno waxay ka mid ahayd beentii 21kii  sa nadood ee tagay dadweynaha reer Somaliland loo sheegayay, waxaana uu tilmaamay in XISBIGA UCID uu yahay xisbiga kaliya ee daacada ah dadkiisana runta ku dhaqa, is aga oo sheegay in maadaama uu imika yahay muwaadin caadi ah uu go’aansaday inuu Xubin caadi ah ka noqdo Xisbiga UCID”.


Waxaa iyaguna madashaas ka hadlay Xoghayaha Cadaalada iyo Garsoorka ee UCID Mudane Maxamed Ibrahim Aadan oo si aad u qoto dheer uga hadlay Musuqmaasuqa balaadhan ee ka jira laamaha Garsoorka dalka, waxaana uu si balaadhan uga hadlay in Xisbiga UCID uu muhiimada koowaad siin doono sifaynta musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada ka jirta Maxkamada Somaliland, waxaana uu tilmaamay in hadii dadweynaha Somaliland ay Xisbiga UCID doortaan in ay heli doonaan nidaam cadaaladeed oo si xaq ah ugu garsoora bulshada Somaliland. Masuuliyiinta kale ee madashaas ka hadashay waxaa ka mid ahaa Mudane Maxamed Iidle, Mustafe Ismaaciil Aadan, Khadar Ismaaciil iyo , Koosaar Caydiid oo dhamaantood si faahfaahsan u tilmaamay siyaasada uu  Xis biga UCID ku hogaamin doono hadii ay talada dalka qabtaan.

” Waxaa lasoo gaadhay xiligii ay dadweynaha Somaliland samayn lahaayeen go,aan  t aariikhi ah oo ay dalkooda ku badbaadiyaan, waxaa lasoo gaadhay xiligii ay hiil iyo  ho oba isla garab taagi lahaayeen Xisbiga UCID oo ah Xisbigii Brawaaqada, Cadaalada iyo Horumarka ee ay dalkeena gaadhsinayay Aqoonsi iyo isku filaansho” Ayuu yidhi  Muda ne Khadar Ismaaciil oo ah xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga UCID Gudoomi ya ha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe oo madasha ka hadlay ayaa si qotodheer uga warramay siyaasada guud ee Xisbigiisa, waxaana uu tilmaamay in Xisbiga UCID uu horseed ka ahaa aasaaska dimuqraadiyada dalka Somaliland, waxaa kale oo si  qotod heer uga hadlay xaalada guud ee dalku uu ku sugan yahay imika, isaga oo sheegay in baahi aad u balaadhani ay ka jirto dhinaca caafimaadka iyo waxbarashada.

” Dumar badan oo ku nool Somaliland, gaar ahaan deegaamada Bariga sida Ceergaabo waxay ku dhintaan umusha, sababtoo ah ma jiraan goobo caafimaad oo ay ku hirtaan, waxaanay ku dhintaan jidka inta ay Hargeisa kusoo socdaan, Gobolka Sanaag oo ah ka ugu tijaarsan dalkeenu waa go,doon” ayuu yidhi Mudane Faysal.


” Dadweynaha reer Burco waxay kaaryoonayaal ku riixaan lacagtii giimbaarta ahayad oo urteeda ay hargab iyo cudurro ka qaadeen, waxay marar badan dawlada ka  codsa deen in laga bedalo lacagtaas, dawladuna sidii horeba looga bartay Beenta  ballame heeda waxay reer Burco u ballan qaadeen inay ka bedalaan giimbaarta, laakiin waxba may bedelin, mana aha dawlad wax ka bedelaysa, waxaanan filayaa in reer Burco ay imika barteen in Xukuumada Jirtaa inaanay ahayn mid wax usoo wada, waxaana laga sugayaa inay dadweynaha reer Somaliland yidhaahdaan waxaa lasoo gaadhay xiligii Dawlad daacad ah oo dalka wax u qabata la heli lahaa, UCID ahaana waxaanu diyaar u nahay inaanu dalkayaga daacad ku hogaamin doono, horumarna gaadhsiin doono hadii ay dadweynahayagu fursad na siiyaan” ayuu yidhi Mudane Faysal.

” Dalkeenu waa dal qani ah oo isku filan, hase yeeshee waxa uu u baahan yahay  dawl ad daacad ah oo dalkan ku hogaamisa wadada saxda ah, waxaana lasoo gaadhay  xili gii xilka laga tuuri lahaa dawladan musuq-maasuqa, qabyaalada iyo tayo xumida ku  ca an baxday, waxaana naga go’an Xisbi ahaan inaanu dalka ka dhisno dawlad tayo leh oo kooban dalkana ka saarta baahida baaxada leh ee ka jirta” ayuu yidhi  Gudoomiya ha UCID oo ka hadlayay sida ay diyaarka ugu yihiin hogaaminta dalka.

Gudoomiyaha UCID oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan waxa uu xisbigoodu ka qabo tuhumada kasoo baxaya Dilkii Taliyaha Qaybta 12aad ee Somaliland Alle ha u  naxar iistee marxuum Cismaan Yusuf Nuur ayaa waxa uu Faysal yidhi ” Taliyihii Ciidamada  Qa ranka ee Guutada 12aad Marxuum Cismaan Yuusuf waxa uu ahaa Geesi u dhintay  dal kiisa hooyo, waxaana uu ahaa geesi qiimo leh oo ka dhintay Somaliland, waxaanu mar kale ka tacsiyadaynaynaa ehelada iyo qaraabada Marxuumka, Waxaana aanu si adag oo feejigan isha ugu haynaa baadhitaanka arrintaas dilka, waxaana aanu  dalbanayn aa in maxkamada lasoo taago cida ay ku cadaato dilkii taliyahu, hase yeeshee  waxaa nu Xisbi ahaan ku baaqaynaa in laga warsugo baadhitaanka socda, waxaana aanu ku waaninaynaa cid kastaba inay joojiso mala’awaalka, mana rabno inaanu cid gaar ah ku eedayno arrintan, maadaama ay baadhistu socoto” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal.


Gudoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu si faahfaasan uga hadlay arrimaha Tahriibka, Baa hida kala duwan ee haysata Ciidamada Qaranka iyo barnaamujka guud ee u degsan xisbigooda ee ay ku talo jiraan inay dalka ku hogaamiyaan hadii ay talada dalka ku guulaystaan, waxaana madasha ay ku soo bandhigeen Barnaamujka Siyaasada ee UCID oo qoraal ah oo ay dadka madasha joogay u qaybiyeen.


Shirkan oo ahaa mid aad loo soo agaasimay waxaa door aad u balaadhan ka qaatay haweenka Somaliland ee Bristol ku dhaqan, iyada oo intii xafladu socotayna heeso  wa dani ah uu dadka u qaaday Fanaanka reer Somaliland ee Cabdi Cali.
 


Source:Somali Voice