Waxaa haboon in Xisbiga talada hayaa Muujiyo xilkasnimo

 

Salam calaykum ,

Waxaa haboon in Xisbiga talada hayaa Muujiyo xilkasnimo iyo inuu yahay mas’uulka huwan

Sharaftii ummada una tudhaa shicibkan abaaruhu faraha kulul hayaan kana waan toobo wax kasta

Oo dhantaali kara geedi socodka nabadan yar ee Somaaliland ku nooshay. Markasta oo doorasho soo

Dhawaato UDUB waxay bilaabaan talaabooyin ay carqaladeynayaan ama ay ku doonayaan mudo kordhin . Arrintan waxaa isla markaaba ka biyo diida 2xisbi ee kale, kana bixiya qeylo aad u dheer iyaga oo u tilmaamaya sida cad ee dastuurkii iyo sharcigii ummada kala hagi lahaa loo dulmiyaayo.



Tan kale markasta oo dagaal siyaasadeed qarxo siiba xaga qabashada doorashooyinka, Salaadiint, Cuqaasha iyo wax garadku waxay isku duubaan 2 xisbi ee kale oo khaati ka jooga munaafaqada UDUB.

Kuna muslaxaan inay markale ogolaadaan mudo kordhointa, waa yaab iyo lama arag. 2xisbi ee kaleiyaga oo daneynaaya lexejecelna ka qaba ummada iyo dalkaba waxay okda siiyaan ergada. Waana amaan ay mudanyihiin.


Hadaba xsibiga udub ee isla weynidu ka muuqato ee aad arrintooda moodo aniga waxba igama gelin, waxaa loo baahan yahay cidii qaban lahayd, una sheegi lahayd inay dulmig ka daayaan ummada, xisbiyada kale iyo weliba udub dhexdiisa , hadii la qaban waayo oo weliba garab lagu siiyo arrinta meel xun ka eeg (ogo dikteytarka dadkaa abuura).


Runtii xisbig udub in la dafiro wixii ay dalka u qabteen ma aha, intii kartidooda ahayd wey dadaaleen

Laakin waxaad moodaa in arrintoodu tahay kani waa dhul oo kama kaco.

3da xisbi qaran waxaa fiican in xisbi weliba soo bandhigo, siyaasada uu dalka ku hogaaminaayo , anigu tallo ahaan waxaan soo jeedinayaa in 3da xisbi (debate) isugu yimaadaan mid welba ku cadeeyo siyaasadiisa.



Sidaa iyo nabadgelyo.
 

 

 

Maxamed Yuusuf Buux
Holland