XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY
MIISAANIYADDA-QAYBTII 3
"MA LUMO XAQ NINKII LAHAA DABO SOCDO'
Waxaynu soo afjari doono si ku meel gaadh ah maqaaladan muujinaaya
xatooyada loo badheedhay een haysan cid xakameysa iyo cid dabo
gashaba. Waxaan haya xugo ay ii soo direen laba mas'uul oo
Wasaaradda Maaliyadda ka tirsan laakiin aad u culus oo u baahan
hubsiimo iyo xili la helo cid wax ka qaban karta. Waan hayn tan iyo
xiligaas. Waxaan ka codsanayaa cid kasta oo haysa xoggo xatooyo iyo
hanti boob ha ii soo direen iyana meel adag oo aamin ah ha ku hayaan.
Waxa iman doonta maalin lala xisaabtamo dambiilayaasha. Dambiga
xatooyadu ma duugoobo oo muddo kasta ha qaato ee waxa la gaadhi
maalin laga jaro oo xaqaa lumay la soo celiyo, iyadoo waliba lagu
xisaabin doono inta xoolahu maqnaayeen waxay faa'iido keeni
lahaayeen. Hore ayaa loo yidhi ma lumo xaq ninkii lahaa dabo socodo.
Ha daalin oo ha niyad jabin uruuri xogaha oo kaydso.
Waxaynu hore u soo qaadnay qaabka nidaam darrada ah ee
miisaaniyaddii 2013 loo ansixiyey oo laga dhigey mid aan Wasiirna
ogayn Wasiirka kale miisaniyadiisa loona afduubay si ayna cidina ula
socon Miisaaniyadda buux dhaaftay ee Wasaaradda Maaliyadda. Taas
aynu si wadno. Waxa iyana ka mid ah xisaabaha caqligu qaadan waayey
kuwan:
IIBKA GAADIIDKA oo ahaa 2012, lacag dhan 660 Milyan, waxuu ka dhigay
2013, lacag ah 2,540 Milyan Korodhsiimo ah 1,880 Milyan una dhiganta
285%
XAFIISYADA WASAARADDA oo aha 2012, lacag dhan 840 Milyan, waxuu ka
dhigay 2013, lacag ah 1,500 Milyan, korodhsiimo ah 660 Milyan oo u
dhiganta 79%
DHARKA IYO DIREYSKA oo aha 2012, lacag dhan 60 Milyan, waxuu ka
dhigay 2013, lacag ah 260 Milyan, korodhsiimo ah 200 Milyan una
dhiganta 334%
MARTIQAADKA oo aha 2012 lacag dhan 50 Milyan, waxuu ka dhigay 2013,
lacag ah 200 Milyan, korodhsiimo ah 150 Milyan, una dhiganta 300%
Isugeynta afartan xisaabood waxay yihiin sidan. 2012, waxay ahaayeen
1,610 Milyan, waxuu ka dhigay 2013 lacag ah 4,500 Milyan,
korodhsiimo 2,890 Milyan una dhiganta 180%.
Ma tahay wax macquul ah in intaasi si hawl yar oon naaqish iyo
tafaasiil lahayn ay Golaha Wakiiladu ansixiyaan. Haa maayo mabay
arag ee duuduub ayey ku ansixiyaan, waana xil gudasho la'aan.
Dadweynow kala xisaabtan cidaad doortay ee baylahdaada u diratay
halkey mariyeen.
Hoosna waxaan idinku naqilay seddex maqaal ee hore oo dhammaan ka
hadlaaya mawduucan si ayna waxba idiin dhaafin.
Aan ku celiyo ee ciddii haysa war la xidhiidha hanti-boobka dalka ka
socta meel kasta mid wasaaradeed, gobol, iyo degmaba ii soo dir si
aynu dadka ugu bayaamino, xogtana haya oo ilaaliya maalin ayaa iman
dib loo xisaabtamo ee fadlan kayd adag galiya. Intiina emailka ii
soo dirtay ee igu dhiiragelisay arrintan waad mahadsantihiin, ninka
cayda ii soo dirayna wuu mahadsan yahay oo dareenkiisa iyo
caqligiisa ayaan hawl yaraan ku helay ajarna waan ka heley. Waxaan
se ogaaday in dadkeenu yahay midho xariir ah oo jecel wanaaga
necebna musuqa. Samaale qof ahaan ma necbi oo dambi khaas ah igama
gelin, waxaan u arkay nin ka fog amaanada loo dhiibay. Walow wax
badan uu fagaraha ka akhriyey ayadaha ammaanada ka hadla. Waana
ayaan darro ninka ayadahaas akhriyayaa inuu noqdo hormoodka
musuqmaasuqa.
Samalow Alle u toobad keen, ummadana xaqooda u soo celi, intaad
haysan u ilaali, ammaantaada kolkaas igu eeg ani iyo inta wanaagaaga
iyo wanaaga ummadda jecel.
Madaxweyne waan kuu duceeya, ee Alle ha ku tuso heshiisyada qarsoon
ee kheyradka dalka ee Genel ugu dambeysay, Alle ha ku tuso lacag xad
dhaafka ah ee ku baxda xafladaha iyo socdaalada aan macnaha lahayn.
Alle ha ku tuso miisaaniyadda magacaaga ku baxda eedan waxba kala
socon.
Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com
XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY
MIISAANIYADDA-QAYBTII 2
Waxaynu ku eegnay qaybti kowaad seddex xisaabooh oo WAsiir Samaale
buuxsaday si uu u helo hanti aanu cidina weydiisan oo sida uu doono
ugu tagrifalo. Waxa ayaan darro ah in Golaha Hurda ee Wakiiladu
yahay wax matare aan meeshan banayn. Waxa hubaal ah in halka
Soomaliland ka socon ladahay tahay jileeca ku jira Golaha ood moodo
inay isagu tageen aqoon yarri iyo dhoohanaan. Miisaaniyaddu waa tan
kaliya ee Golaha awood u yeeleysa hadday u maamulaan sida dauurku
oggolyahay. Cidda daba galka u lihi waa iyaga. Cidda dalban karta
xisaab xidh iyo warbixin sedddex biloodle ihi waa iyaga, cida
hantidhowrka hawlgelin karta waa iyaga. Intaas oo dastuurku u
oggolyahay ayey ka hurdaan. odhan maayo waa la laaluusha ee
masuuliyad darro ayaa ku habsatay.
Maantana waxaan idin horkeeni seddex xisaabood oo kale oo Sheekheena
ayadaha quraanka ku muraadsadaa uu buux dhaafsaday si uu u helo
xantoobin xeeladaysan.
KHRASHKA SAMEYNTA MIISAAANIYADDA oo ahayd 2012, lacag dhan 462
Milyan waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 962 Milyan, korodhsiino 500
Milyan una dhiganta 108%
DHIIRIGELINTA IYO ABAALMARINTA oo ahayd 2012, lacag dhan 200 Milyan,
waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 500 Milyan. korodhsiimo ah 300 milyan
una dhiganta 150%
HABEEN DHAXA TRAVEL ALLOWANCE oo ahayd 2012 lacag dhan 219 Milyan,
waxuu ka dhigay 432 Milyan, korodhsiimo ah 213 Milyan una dhiganta
97%.
Kolkaad isu geyso seddexdan xisaabood oo keliya halkay 2012 ahaayeen
881 milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 1894 milyan, korodhsiimo
ah 1013 milyan una dhiganta 115%.
Haddaba ma tahay wax maquul ah in labajibaar iyo wax ka badan ay
xisaabahani hal sano ookaliya isu bedelaan. Meedey se xisaabtii
dhabta ahyd ee 2012 la khrashgareeyey. Sabab la' aanta loo kordhiyey
lacag intaas leeki waxay ina tusaysa masuuliyad darraanta ciddi
horjoogsan lahayd boobkan cad oo ah Madaxweynaha iyo Golaha
Wakiilada.
Khrasha loo bixiyey sameynta miisaaniyadda maxa ka dhigey inay laba
jibaar iyo siyaade noqoto illeyn awalba waa la sameyn jiray oo waa
shaqo maalmeedka wasaaradde..
Sheekha hadalka macaani bal heyno bayaamiyo waxa kalifay inuu
lacagta intaas leeg ku darsado miisaaniyadda oo uu si guracan u
isticmaalo lacagta ay ka ooman yihiin kuwii laga soo uruuriyey, kuna
baxaysa meel ayna oggayn.
Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso inta wanaagga kula jecel
eed eryanayso iyo inta xumaanta ku maleegeysa eed hoosta gashanayso.
Alle ha ku tuso hanti boobka la farsameeyey iyo baahida dalka taala.
Aamin.
Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@gmail.com
Hoos ka akhri qaybti KOWAD
XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY
MIISAANIYADDA-1
Waxa hore aan idinku sheegey sida iga soo gaadhay masúul wasaaradda
maaliyadda ka tirsan sida uu Samaale uu miisaaniyaddii 2013
dhismaheeda uga dhigey mid aan cidi kale aqoon oo uu wasiir walba uu
gaar ula gorgortamay siiyeyna inta isaga khuseysa oon wasiirna ogayn
kan kale miisaaniyadiisa, taasina ay dhantaashay doodi laga yeelan
laha miisaaniyad qaran oo u dan ah ummadda. Haddaba hadafka uu taas
ka laha waxa ay tahay inuu helo xisaabo uu keligii miisaaniyadda
gashado oon cidi ku ogaan. Waana kuwan qaar ka mid ah oon halkan
idiinku soo gudbin doono.
Xisaabahaasi dhamman waa qaar uu Wasaiir Samaaale keligii Maamulo
oon cid kale awood u lahayn kana war hayn sida loo bixiyo iyo cidda
la siiyo toona. Waana mid ka baxsan habaka loo maamulaa nidaamka
dawladda. Waxa Samaale uu Wasaaradda la yimid boob iyo dhac qaawan
oon cidina ku haysan. Waana mid ayaan darro ah in la waayo cid
dhacan joojisa. Waxa muuqata inuu helay awood qarsoon oo uu ku
jaahwareeriyey xukuumadda, hantidhowrkuna noqday mid wasiirka u
shaqeeya halkuu noqon laha kan wasiirka xisaabiya.
IJAARKA GAADIIDKA, GURYAHA ...oo aha 270 milyan sanadkii 2012, waxuu
ka dhigay 600 milyan SlSH korodh ah 330 MILYAN
KHRASHKA LACAG URUURINTA aha 600 milyan 2012, waxuu ka dhigay 1500
milyan korodh ah 900 milyan
LA-DAGAALANKA KONTRABAANKA aha 219 milyan 2012, waxuu ka dhigay 1150
milyan korodh ah 931 milyan
Xisaabaha kale ayaa ka cajiib badan oo qaarkood aad la yaabi doonto
magaca ay sitaaan iyo khrashka ku jira, ee bal isu geeya
korodhsiimada seddexdan xisaabood oo keliya. halkey 2012 ka ahaayeen
isugeyn 1089 milyan waxuu ka dhigay Saamaale 3250 milyan una
dhiganta korodhsiimo 300% ah. Lacagtaas lama naaqishin Golaha
Wasiirada, waayo lamaba keenin oo Saamale isaga ayaa Wasaarad kasta
la xisaabtamay si gooni ahna u siiyey miisaaniyadda WAsaaradiisa oo
keliya, tiisna cidi mey arag mana naaqishin xata Madaxweynaha waxba
lagama weydiin.
Ma tahay wax macquul ah in sanad keliya khrash intaas leegi kordho ,
maxay asnsixiyeen Golaha hurda ee Wakiiladu, bal wareysta oo heli
mid keliya oo xata idiin qira inuu arkay lambaradan, is daa inuu
naaqisho amba oggolaadee.
Waa ayaan darro ina haysata.
Waxaa inoo xigta xisaabo kuwana ka yaab badan ee la soco.
Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso halka maalkii maataada
iyo danyarta laga uruuriyey halkey ku baxday. Waan kuu duceeya ee
Alle ha ku siiyo caafimaad.
Cabdi Xaaji Axmed.
Hargeysawi@ymail.com
WAXAYNU IFTIIMIN DOONAA SIDAAY UGU SUURTOGASHAY IN SAMAALE SI HAWL
YAR U DHACO HANTIDA UMMADDA
Waxaan maqaal hore idinku sheegay in uu ila soo xidhiidhay sarkaal
ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo tafaasiil iga siiyey hab-dhaqanka
yaala Wasaaradda Maaliyadda iyo tabaha qaloocan ee Wasiir Samaale ku
soo biiriyey. Maanta waxaan idiin soo bandhigi sida loo maamulay
Miisaaniyadda sanadkan 2013. Waxaanan ka codsanayaa Wasiirada iyo
ciddi kale ee igu beenineysa inay soo qoran si gaar ah amba si guud.
Waayo waa arrin la yaab badan oo muujineysa oday Axmed inaanu meesha
joogin iyo inayna jirin Gole Fulineed ee ay yihhin koox aan wada
shaqayn nin walibana tiisa shakhi aanu dhaafsanayn, cid isku xidha
oo hawl galisaan jirin, dalkuna ku socda fawda iyo ilaa hadda oo
badbaado Alle iyo ummad soo daashay oo samir badan.
Waxba yaanan waqtiga idinka qaadin. Waxa dalka lagu maamula oo lagu
hogaamiya waxa la dheehda miisaaniyadda. WAxay ku timaada odor
xoogan oo laga yeesho dabcan arrimaha dhaqaale bulsho iyo
siyaasadeed. WAxa lagu saleeya baahida iyo siyaasadda xukuumaddu ka
leedahay hogaaminta dalka. WAxa lagaga dooda Golaha Wasaaradda oo
leysla garta halka la marinaayo iyo xisaabta Wasaarad kasta iyo
khrash kasta maraayo, deedna uu madaxweynahu intuu sexxo u gudbiya
Wakiilada.
Ayaan darro waxa dhacday inuu Wasaaradda loo magacaabay Samaale oo
ilaa maalintii Siilanyo madaxweynaha noqday doonaayey inuu Wasiir ka
noqdo Maaliyadda. Waxa la yaab ah inuu nin maalin walba akhriyaaya
ereyo diini ihi doonto shaqo aanu garanayn oo waa khiyaamo inuu
qofku xil doonto uu ogyahay inaanu ka soo bixi karin aqoonteedna u
lahayn. Marna ma dhacdo inaad dareewal iska daa wax kale doonato
adoon haysan leysan.WAxa taasi kuu cadeynaysa inuu leeyahay damac
qarsoon oo guracan guntiisuna tahy dhac iyo boob.
WAxa uu markiiba abaaray halkuu rabay, illeyn waxa u qorshaysnaa
dhaca iyo boobka oo uu muddo ka soo shaqeeyey. Waxuu la yimid arrin
ku cosob dunida. WAxuu fadhiisaty Hotelka mAANSOOR OO UU QOL KA
KIREYSTAY.WAXUU WASIIRADDA HAL HAL UGU YEEDHAY INUU KALA HADLO
MIISAANIYADDA WASAARADDA.
Nina ninka kale ma oga. Waxa uu ula dhaqmaa inuu u eexanaayo oo
dalku aanu qaadi karin khrash badan. Wasiir waliba gacmaha ayuu
hoorsaday illeyn ma oga kan kale waxa leys yidhi. Miisaaniyaddi
waxay noqotay mid gooni u aha shakhsi keliya oon Gole waxba ka ogayn
oon Samaale cidi ku wehelin.
WAxa ka yaab badan kolkii Golaha la keeney lama keenin Miisaaniyad
dhan oo sida cadada ah buuga miisaaniyadda Golaha laguma qaybin.
WAxa wasiir kasta la hordhigey Miisaaniyadda isaga u khaas ah, midna
midka kale waxa hor yaal ma oga. Deedna waxa la yidhi Wasiir waliba
hoos ha u akhristo miisaaniyada Wasaaradiisa oo uu hore uga
dhaadiciyey Samaale inuu u eexday. Cabaar markay aamusnaayeen ayaa
Xirsi yidhi...Madaxweyne waxa la gaadhay xiligii
codeynta..Madaxweynah oon erey kale ka soo bixin ayaa yidhi..Gacanta
ha loo taago ansixinta Miisaaniyadda...Hal diidan ma leh. Maxay se
ansixiyeen illeyn miisaaniyad ay arkeen ma jirto oo mid waliba sidii
seddexda dumarka ahaa ee garabka uu taabtay ninkii qabay ee is
mooday inay mid waliba uu kaligeed taabtay, ayey dhammaan is
leeyihiin Samaale wuu kuu exxday ee shibtaada..
Miisaniyaddu sidaas ayey ku hirgeshay. Waxa muuqatay inuu Wasiir
Xirsi yahay ninka keliya ee la oggaa Samaale arrinta sida uu u soo
dhigay. Waxana cad sida Madaxweynahu meesha uga maqanyahay. Waxaynu
maqaalka kan xiga ku eegi doona Miisaaniyada Wasaaaradda Maliyadda
een cid kale arag sida uu Saamle ugu ritay khrashyo u gaar ah oo ah
kuwa uu maanta dalka ka dhacay uba fushada danahiisa gaarka ah.
Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku siiyo caafimaad, iyo inuu ku
tuso sida lagagu hoos dusayo. Dulmiga dalka ka tagan adaa ka mas'uul
ah ee duceyso, salaada badi Allena bari inuu ku waafajiyo hogaanka
suuban. Caawa salaada subax ka hor maydho, laba ragcadood tuko oo
Alle bari inuu Alle ku siiyo awood aad ku maamusho dalkan sida
habboon.
Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com
WASIIR SAMAALE OO WASIIRADII SILAANYO KA WADA CADHEYSIIYEY
Waxa la yaab ku noqotay ooy ka siman yihiin Wasiirada siilanyo istus
iyo shaashada TVga ooy iska daawadaan. Taas oo ay ku kala badan
yihiin waxa ay horseeda inay fariimaha iyo talooyinka ay si rasmi ah
oo gooni ah uga wada hadli lahaayeen inay Warsaxaafadeed ku dhiiba
iyagoo dhinaca iska dhigey nidaamkii dawliga ahaa.
Haddaba nuddooyinkan waxa si joogta ah u muuqday Wasiirka Maaliyadda
oo sheegaya arrimo ay ahyd in Golaha Wasiiradu ka shiraan. Taas wuu
dhaafay oo waxuu u gudbey inuu dhammaan Wasiirada iska baalmaro oo
uu toos ula xidhiidho Agaasimayaasha Guud ee ka hoos shaqeeya
wasiirada. Waxa la yaab noqotay isagoo siyaasaddii miisaaniyadda ee
Golaha Wasiiradu u xilsaarnaayeen kala shiraaya Agaasimayaasha.
Hadda Wasaaradda Maaliyaddu Agaasino Guud ayey leedahay oo ahaa
kolka Golaha Wasiiradu dhammeystiraan qaabka iyo qaybinta
miisaaniyadda inuu hoos ugu daadajiyo agaasimayaasha. Kaasna wuu ka
dul booday oo isagaa keli noqday Golaha Wasiirada, isagaa isla
markaasna ah Wasiirka Maaliyadda haddana noqday mar kale Agaasimaha
wasaaradda Maaliyadda.
Waxa dunida lagu akay ma aha nin keli isau xilsaaray hawlo ay cid
kale ku magacaabantay, isla markaas aan helin ciqaab kaga timaada
cida u xilsaaran ilalinta nidaamka iyo sharciyada u dejisan dalka.
Xilkan waxa gabay waa oday Axmed Madaxweynaha oo kaalintiisi ka
maqantay iyo Xildhibaano aqoon darro ay u weheliso calooshood u
shaqaystinimo ka dhigatay doqonno aan dareen lahayn.
Waxa haddaba soo baxaaya warar sheegaaya in Wasiirada inta
waxgaradka ihi ka gadooday arrintan ooy u arkaan inay dhabar jab ku
tahay wada shaqaynta xukuumadda iyo kala xadeynta xuduudaha
Wasaaradaha. Waxa la sheegey inay rag dareenka lihi ay aad uga
cadhoodayn, bal se qaboojiyaal Wasiiro ah oo la wadaaga qardajeexa
Samaale ayaa isku dayaaya inay arrintan dambabasaan kana dhigaan mid
aan sidaas u cuslayn, waayo iyagaa iyana sidan ku dhaqma.
Aan u digu wadaadka midabka badan ee is leh Xirsiga Labaad noqo.
Ogow xirsi meesha dhalasho ayuu ku joogaam tabtaad heysaana waa tii
cayshisay Wasiir Duur oo waliba halka haynta ay marwada islaamo
wadaagaan. Meesha barqab qudha looga baahan yahay ee aasha soco,
haddii kale hebeen badhka adoon waxba laguu sheegin ka dhageyso
idaacadda amba foon degdeg ah ayaad ka helo qaar aad saaxiibo u
haysato bal se maalintaas ku farxi doona. Alle maxaa munaafaq kugu
xeeranm waaba kuwii bur kasta ka soo boodaym cid walba la saftay,
laabtooda iyo afkuna ayna isba aqoon.
Madaxweyne waan kuu duceeya oo kaala hadhimayo tan iyo inta Alle ku
tusaayo kuwa aad xilka u dhiibtay dhibta ay nagu hayaan iyo sharciga
sidey ugu tumanayaan.
Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com
SAMAALOW WASIIR WAXAAD QARISAY WAXA KA MID AH
Maxamed Xaashi markuu Wasiirka noqday waxa ididiilo soo gashay
shaqaalihii koluu salka dhigeyba uu boqolkiiba boqol u kordhiyey
uuna balan qaaday inuu sidaas ku wadi doono. Waxa ayaan darro ah in
kooxda wasiirada ugu tuka weyne ka diidiin ooy ahayd isku dhicii uhu
horeeyey, iyagoo dalbay horta in Golaha Wasiirada la foodh yeelo.
Kolkii aad xilka la wareegtay Samaalow waxaad tidhi mushahrkii
Wasiirku iguma filan oo waxaan qaadan jiray lacag 2, 300 doolar ah.
Kolkiiba waxaad soo jeedisay in Wasiirada mushahrla mar labaad loo
laban laabo. Daahir Riyaale waxuu ka tegey Wasiirka oo qaata 650
doolar, deedna Maxamed Xaashi oo shaqaalahoo dhan laban laabay ayaa
ka dhigey 1,300 doolar bishii. Waxaad adigoo naftaada eegaay ka
dhigatay musharkii Wasiirada 2,300 doolar bishii shaqaalihii
danyarta ahaan ganbo umaad kordhin.
Waxa haddaba la yaab leh in mushaharka intaas la gaadhsiiyey halkii
tirade Wasiirada la soo koobi lahaa iyana la kordhiyey. Waxa
Siilanyo Golahiisu ka badan yahay kii riyaale oo uu laba dheer
yahay. Haddaba Golaha Wasiirda ee Riyaale oo ahaa 52 ( Wasiiro, Ku
Xigeeno, iyo Wasiir Dawlayaal) waxa ku bixi jiray bishii $ 33,800
doolar , Golaha Wasiirada Siilanyo waxa ku baxa 124,200 doolar
bishii taas oo ka dhigan afar labanlaab tii Riiyale.
Siilanyo haddu ummadda u naxaayo sidan ma yeeleen, isagoo ku hadaaqi
jiray waxaan dhisayaa dawlad teyo leh oo kooban. Hadduu ku deyn laha
tirade dawladii uu soo dhisay bilowgii oo ahayd 26 xubnood waxa
umaada u baaqn lahaa 63,000 doolar bishii.
Samaale iyo Xirsi iyo dhammaan wasiiradu walaba kuwa aamusan ee aynu
sacabka u tuna sida Dr. Sacad iyo Xuseen Gurayga Macdantu waxay ka
siman yihiin inay u diriraan jeebkooda danta guudna ka aamusaan.
Labadan aqoon yahan waxaan u soo qaatay jaceyl aan u qabo oo waan
kala hanweynaa qaar ka aamusa danta guud iyo dareenka shacbiga,
waxaan ka doonaayey inay ku dhiiradaan inay Samaale iyo Xirsi ka
qabtaan hantida ummadda iyo malafsiga, waxaan ka filaayey inay hoos
u eegaan danyarta iyo inay qorsha ay qoreen ku xakameeyaan khrashan
aan sal fadhiya lahay.
Haddii Golaha laga waayo cid qaladka gudaha ka sixi weyda waxa soo
bixi cid debedda ka saxda.
Saamale iyo habdhaqankiisa miisaaniyadda waxaan idinka haya warbixin
xiise leh oo uu ii soo gudbiyey sarkaal ka tirasan Wasaaradda
Maaliyaddu, meelaha qaar oon iska hubsanaayo ayan dib ugu celieyey
suaalo intaas aan sugayaa.
DADKA KII DHARGAA U DARAN DILAAL IYO MALAAL IYO DIBU SOCODNA WAA
ISAGA
WAA DANAYSTE BAL DAYE MA DOWBA MA WAX LOO DUL QAATAA.
Cabdi Xaji Axmed
hargeysawwi@gmail.com
WASIIR SAMAALE OO CADDEEYEY INAANU DALKA SIILANYO KA TALIN
Waxa ayaamahan socota is-labarog iyo istus tii ugu sareysay ee uu
sameeyo Wasiir Samaale. Waxaad maqlaysaa isagoo ayna jirin kulan
lagaga hadlay hadafka miisaaniyadda oo golaha Wasiiradu qabtaan uuna
guddoomiyo Madaxweynahu, ayoo keligii bidix iyo midig u kala
dhigayaa miisaaniyadda 2014 oo balano been ah dadka ku
madadaalinaya. Waxaan jirin hab dawladbimo oo lagu joojiyo beenta
iyo baal marinta maamuuska dawladnimo waayo waxaan jirin cid dalka
ka madax ah.
Waxa muuqata inayna jirin miisaaniyad qaran oo ay Golaha Wasiiradu
ka shireen iyo ujeedo ay leedahay, waa malo awaal iyo rabitaan qof
oon dhaafsanayn hadal afka ka soo baxay. Si loo aamino waxa samaale
shegayo bal ha la helo warbixin taam ah oo dhab ah oo inoo sheegta
miisaaniyaddii 2013 waxa ka rumoobay.
Lambaro meel leyskaga qoro oo la yidhaahdo intaas ayaanu gaadhnay,
maxaa u daliil ah. Miyeyna garaadkeena ceeb ku ahayn nin aynu naqaan
sida ay ula hawl yartay beentu, iyo xataa iska yeelidda wadaadnimo,
kolka la yidhaahdo wadaad ayaad tahayna yidhahda xaasha ma ihi,
ummadey u fiirsada baal marka nidaamka dawladnimo ee aan kow iyo
laba ahayn ee uu baal marsan yahay si badheedh ah Wasiirka
maaliyaddu.
Waxa jirta in nidaam ahaan wax walba ay tahay in laga ansixiyo
Golaha Wasiiirada, deedna madaxweynahu oggolaasho ku sexeexo, taas
waxa baal marsan hab dhaqanka wasiirka oon haysan nidaam iyo
maaamuus toona. Waxa uu inoo sheegaya inaanu dalka ka jirin nidaam
dawladeed, iyo inaanu Siilanyo ahayn nin hoggamin kara Golahiisa
iska daa dalka oo dhan.
Waxa ay tahay in hadday dhaamaan Golayaasha Sharcidejintu ay
arrimahan ka hadlaan oo waliba guddiga miisaaniyaddu ay xilkooda
gutaan. Iyagaa ka liita oo waa meesha kale ee Samaale ka ilmo
dhaliyey. Waxa Guddiga miisaaniyadda Guddoomiye u aha Xil. Maxamed
Maxamuud Cumar Xaashi oo seedi u ah Samaale, ahna nin aqoon yahan ah
bal se xididnimo xayirtay. Waa ninkii kolkii horeyna u sharxnaa
Guddoomiynimada Golaha ee Samaale dartii uga hadhay. Waxa maanta la
gudboon inuu guddigan iskaga baxo amba hawsha qaran xidid ma taqaane
uu dalka eega iyo danta guud.
Waxa Wasiirku la wareegaya balqaadyo shakhsi oon waxba ka jiri
doonin bal se uu uga jeeda xil doonista Kulmiye gudihiisa. Waxuuna u
isticmaalaya miisaaniyadda qaranka sidii mid uu shakhsi ahaan
leeyahay, ninkii qaban lahaan muuqaal mooyee maskax ahaan waa
maqane.
Waxa iyana ayaan darro ah in Wasiirka Qorshaynta oo inagu maaweeliya
Qorshaha Shanta sano iyo 20 sano aanu waxba ka odhan miisaaniyadda
aan hadafka lahayn ee maalinba cid Samaale la kulmo uu ugu balan
qaadaayo miisaaniyaddaan ku darayaa taas oo ah mid aan xidhiidh la
lahayn qorshaha Dr. Sacad uu ummadda waraabiyey kharash badanina ku
baxay.
Ciid Mubaarak Madaxweyne waan kuu duceeya.
Ciid Mubarak Soomalilandeeey.
Cabdi Xaaji Axmed
|