Xirsi Xaaji Cali Xasan oo ka soo dagay Gegida Dayaaradaha ee Heathrow Airport London
 



London (TNN):-Waxa soo gaadhay magaaladda London Hogaamiyaha Xisbiga Mucaraad ka Waddani, Xirsi Xaaji Cali Xasan oo kasoo dagay Gegida Dayaaradaha ee Heathrow Airport Maanta oo Taariikhdu tahay 14/03/2017. Waxa kaga hortagay tageerayaasha xisbiga Waddani Iyo qaar ka mid ah bulshada Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska

Waxa Hogaamiye Xirsi uu ka war bixiyey safarkiisa dalka Ingiriiska,Xaalada guud ee Som aliland oo uu sheegay in wakhtigan ay ka jiraan abaaro aad u ba’an una baahan in Allah loo baryo si raxmaan loo helo,Waxa uuna kula dardaarmay shacabka Somaliland in ay da dkooda caawiyaan oo gargaarna gaadhsiiyaan.IMG_7894

Waxa uun shalay iyaguna soo gaadhay wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey Mushara xa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo beri oo Arbaca ah kulan ku leh xarunta Chatham House ee magaaladda London,Halkaas oo la filaayo in G/Ciro khudb ad ka jeediyo laguna weydiinaayo su’aalo.