XIRSI WAAN DIIDANAA WAXA LAGA SHEEGI JIRAY MAANTAAN SE XAQIIQSADAY

 

 

 


Sidaan maqaaladii horeba idiinku sheegay Madaxweynaha ha loo duceeyo inoo Alle ka furfuro dadkan uu u afduuban yahay, intaas dabadeed aan abaaro nuhurka maqaalkan.

Labadii qudbadood ee u dambeeyey iyo gabaygii oo London ka tiriyey waxa ay iftiiminayaan nin kibir dhaamiyey oon indhah wax ka arag, raggan waxba iskaga tirin. Waxa iga yaabisay sida uu ugu hanjab aayey rag milgo iyo maamuus ummadda ku leh.

Sharcigu ma aha mid gacanta wasiirka ku jira, hadday dambi galeen ma aha ninkii isagu u hanjabi laha a.Waxuu u hadlayaa sidii uu isagu yhay sharciga oo waxa uu diido ay thay sharci darro oo uu gacantii sa wax ku xukumaayey.

Waxuu meel kaga dhacay garsoorka madax bannaan iyo haybadii boliska.. Waxuu muujiyey waxa inta badan la sheego e ah inaan awood kale jirin tan Xirsi mooyee.
Dalka Wasaaradda Madaxtooyadu wey jirtay ilaa maamulkii cigaal waxayna lahayd masuuliyad cad iy o awood xadidan. Waxa ayaan darro inaynu Golaha WAkiilada ee ay ahyd inay eegaan awood ballaad hsigan bal marsan xilka Wasaaradda loo igmaday ay ka amuusan yihiin, nin wax walba la wareegay.


Hadaladiisa waxa ku jira faan wax qabad iyo rag aan xil hayn oo uu leeyahay maxaad qabateen. Xirsow intaan Wasiirka laga dhigin maxaad ummadda u qabatay. Ma lacagtan maatida laga soo uruu riyey eed inta badan khasaariso wax yar aad muujiso ayaad ugu faanisaa ragga 40 sano iyagu isu xilsaaray horumarinta dalkana. Ma Mxamed Xaashi oo liinta qabow ku caba Sacuudiga Xaramkana ku cibaadeysta oo mushahar aadana weli u xaadirin qaata ayaa intaas uga tegey oo duurka u galay inuu naftiisa u huro xoreynta ummadan, Ma Ibraahim Dhegaweyne ayaad is ag dhigeysa oo ilaa maalintii uu qoriga qaaday een qqabiil iyo nin jecleyso midna lagu aqoon oo wax walba loo ogolaa Wasiirnimada aad ku faneysan dhowr jeer diiday oo aaminsan inuu mabda guud ku dagaalmo. Waad u marag furtay oo Cigaal oo adeerkiis ah iyo Mdaxdii kaleba wuu mucaariday waana sharaf ee cey ma aha, muu noq on sidada inaad Madxweynhii horeyna ka gaadho waxaan doonay inaan togto adeerkan ceeb ka salii m ka dhigto, Ma Xasn Ciise oo London licenkii barristaha heystay oo heli karaayey bishiiba boqolaal kun oo doolar dhinacna isaga tuuray ayaad is ag dhigeysaa, Ma Faysal Cali Waraabe oo ah furaha dim uquraadiyadda iyo nin ummadan badbadiyey boqolal jeer, laf dhabarna u ahaa nabadeentii beelaha dhexe iyo xataa soo bixidda Siilanyo.

Waxaad qabatay waxaad khasaarisay iyo waxaad gees marisay ayaa ka badan, waxaana la ogaan doonaa kolka aad oggolaato in hantidhowr la geliyo Wasaardda Madaxtooyada oo weliba uu ahaado mid madaxbanaan. Kolkaad leedahay kalsoonibaan ummada ka haysataa waa beenta ummaddu kum ey dooran cidi kuumey codeyn waxa ku magacaabay hal qof kaas ayaad heysata kalsoonidiisa.

Isagagiina ma ixtiraameysid oo waadigan ku celcelinaya Siiranyo Siirayo halkaad ku ixtiraamilahayd eed odhan lahayd Madaxweynha. Weli maan maqal wasiira sida liidnimada ah ugu yeedhaaya madaxw eynihiisa. Waa ceeb iyo kibir ku madax maray.

Madaxweyne
Siiranyo ceeb kale ma leh waa cidda uu magacabay oo magaciisa dileysa iyo isaga oo u muuqda nin maafiyo xero ugu jira una baahan in la badbadiyo. Madaxweynhu waxuu u afduuban yahy Xirsi iyo kooxdiisa.

Allow yaa dooxa haddana aan dilin oo qalbigiisa daalacda.

Xirsi Soomaliland waa ku dheeraad.


 



Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com