Xirsi
Cali Xaaji Xasan Oo Si Ba'an U Weeraray Wasiir
Cirro
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee
koomiishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,
oo dhawaan laga sii daayay xabsi uu muddo bil ah ku xidhnaa ayaa si
rasmi ah ugu dhawaaqay inuu maxkamad sharci la tiigsan doono
Wasiirka arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), oo
markii la xidhay ku eedeeyay inuu ka tirsanyahay oo uu xidhiidh la
leeyahay shabakadda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Somaliya.
Md. Xirsi, oo xalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu hadalka
Wasiir Cirro ku tilmaamay mid aanu ka fiirsan oo meel ka dhac ku ah
xaqiisa muwaadinimo, “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo xadhigaygii iyo
eedayntii la ii soo jeediyay, ee aan xidhnaa 30-ka cisho, runtii
xadhigaa aan xidhnaa sida aad ka wada war qabtaan waxa la i qabtay
04-08-2008-da, waxaana la igu qabtay tuulo ka shishaysa Burco aniga
oo si caadi ah u dhaafay kaantaroolka Burco iyo ka Beereedba, oo
aanay Bilaysku i joojin, ayaa gaadhi Laanguruusal ah oo Siikaawi
saaran yahay iga daba yimid,.
Sida caadado tahay Laydhka iima
ridin haduu doonayo inuu i joojiyo, manuu samayn Hoonka inuu garaaco,
oo uu igu ogaysiiyo inuu i doonayo, gaadhigu wuu iga danbeeyay oo
anigu maan garanayn inuu I doonayo, markaana waxay igu rideen laba
xabadood oo rasaas ah, oo la idulmariyay, markaasaan gartay inuu
gaadhigu I doonayo, ka dibna waan isku taagay si caadi ah waxay igu
yidhaahdeen waanu ku doonaynay oo waa naloo kaa soo diray, ka dibna
waxaan ku idhi waad I haysaan hadaad I doonaysaan, waxaan u soo
raacay si caadi ah, waliba aniga u dhiibay qorigaygii iyo
Baaskooladaydii oo sharciyaysan, waxay I keeneen Burco salaadii
cishaa’i ka bacdi, waxyar markii aanu joognay ayaa gaadhi la ii
keenay dabadeedna guure ayaa la igu keenay Hargaysa.”
Xirsi oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in mar la geeyay
Maxkamada Gobolka Hargeysa, si loogu qaado kiiska, balse ay
Maxkamadu horjoogsatay soona saartay qaraar sheegaya in ayna iyadu
xaq u lahayn “Sidii maalintaa la ii xidhay ilaa maalintii aan soo
baxay wax Hay’addaha garsoorka ah oo la igeeyay ma jirto, marka laga
reebo maalintii koobaad ee ay I geeyeen Maxkamadda Gobolka Hargaysa,
taas oo waydiisay in la igu qabtay fal-dambiyeed iyo in kale,
kadibna ay ku jawaabeen CID-du fal-dambiyeed aanu ku qabanay ma
jirto, waxay waydiiyeen waaran iyo meesha la iga soo qabtay, waxayna
u sheegeen in la iga soo qabtay Burco, kadibna Maxkamadu waxay ku
tidhi Buro haddii laga soo qabtay Maxaa loo soo dhaafiyay?
Dabadeedna Maxkamadii waxay soo saartay qaraar ay leedahay meeshii
laga soo qabtay ayaa xaq u leh ee anaga dhankayaga way ka
baxsantahay, maalin dambe maxkamad la imagaynin ilaa intiina waxaan
ku xidhnaa CID-da.”
Mudane Xirsi oo Hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in uu xadhigiisu
la mid yahay kuwii hore ee ay xukuumadu u xidhay haldoorka shacabka,
“Xadhigayga runtii waxaan ku fasiri karaa uun sidii in badan oo
haldoorka bulshada ka mid ah ay ku fasileen in uu ahaa aargoosi
siyaasadeed, oo la iga daba joogo Komishanka Doorashooyinka markii
aan ka tagay iyo haddaladii adkaa ee aanu is waydaarsanay xukuumadda
ayuun baan filayaa.
” Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa
kale oo sheegay inuu xadhigan u dareemay inuu ahaa aargoosi
siyaasadeed oo la xidhiidha hadalo ay hore isku waydaarsadeen
xukuumada, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waayo,
su’aalihii ay iwaydiinayeen CID-du waxa ay u badnaayeen waxii ka
horeeyay 15 May iyo asbaabihii aan uga tagay Komishanka iyo wax la
mid ah, markaa runtii waxaan dareemayaa midhkaa ay bulshada
haldoorkeedu ku fasileen oo ah inay ahayd aargoosi siyaasadeed, mana
aha wax kow ah ee xukuumada hore ayaa looga arkay mar iyo lababa,
laakiin xadhigo mushkilad ma leh oo ragu wuu gayaa oo rag badan oo
iga shafar badan oo karaamo badan aya la xidhay, laakiin xadhigu
haduu noqdo xadhig aan xaq kugu ahayn xasuus buu kugu reebayaa”
Xirsi oo shirkiisa jaraa’id kaga hadlay dhinacyo badan oo la
xidhiidha xadhigiisa, ayaa eedaynta Wasiirka ku tilmaamay wax layaab
leh “ Runtii waxa ka sii mihiimsan in aan caawa ka hadlo oo
mihiimada koowaad ii leh eedayntii Wasiirka Arrimaha guduhu ii soo
jeediyay ee ahayd in aan Al-shabaab xidhiidh la leeyahay, wax layaab
leh bay ahayd.
Runtii waxa igaga filan in aan
caawa anigu isku sheego caynkaa ma ihi, waxa ka muhiimsan waxa
bulshadu kugu sheegto, bulshaduna way ku dafirtay, ilaa iyo
xukuumadda halka ugu saraysa way ku dafireen in ay la qabaan
wasiirka eedaynta uu ii soo jeediyay, waxay ii sheegeen odayaal ka
soo jeeda beeshayda oo la kulmay Madaxwaynaha in uu xaal ka siiyay
arrinkaa Cabdillaahi Cirro, oo uu yidhi isaga ayay ku koobantahay,
xukuumadduna Xirsi uma haysato in uu yahay Al-shabaab, taana waxa
sii cadaynaysa iminkaba in la isii daayay iyada oo aan Maxkamad iyo
meelnaba la imarin.
Waxaan ku fasili karaa hadalka Cabdillaahi Cirro hadal aanu ka
fiirsan oo muujinaysa god-dalooladiisa, ama la odhan karo
masuuliyadda uu qaranka u hayo sida aanu ugu fiirsan, masuuliyaddana
qof uma hayo ee qaran buu u hayaa, masuuliyadda uu qaranka u hayo ee
aanu ka fiirsan maxay keeni kartaa, waxaan isleeyahay malaha
Cabdillaahi Cirro shaqadiisu waxay ahaan jirtay NSS, markaa luuqadii
basaasnimada mooyaane luuqadii dublamaasiyadeed ee uu u baahnaa
xafiiska Arrimaha Gudduhu ee dibad iyo gudaba saamaynaysay malaha
umuu dhug yeelan, waxaan odhan karaa Cabdillaahi Cirro iyo rag badan
oo Wasiiro ahi, waxa ku kalifay, waxaanay garanayn waxa uu doonayo
Madaxwayne Daahir Rayaale mayaqaaniin, waxaana ku adag ama aanay
awood u lahayn in ay ka dhaadhiciyaan waxa ay doonayaan, taas ayaa
kaliftay in uu wax sii sheego aanu garanayn in ay yihiin wax
shacabka iyo xukuumadda raali gelinaya loona helayo wax daliil ah.
Waxaan odhan karaa Cabdillaahi
Cirro arrintaa Al-shabaab ee uu yidhi, anigu waxaan u arkaa in uu
iigu talo galay shirqool, waana shirqool shaqsi ah, markaa waxa aan
u dib dhigi doonaa in aan wakhtiga ay gaadho Maxkamad iyo dariiqo
sharci ah oo lagu kala sad qaado ay yimaadaan oo ku haboon in aan
waydiiyo, kamana hadhi doono, waxaanan la socodsiiiyay iminkana la
socodsiinayaa wax badan oo ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah iyo
adduunyada ciddii u fiirsata waxyaabaha noocan ah.
Anigu Al-shabaab meelna kama soo galo, lama xidhiidhin, waligay ma
noqon, waxna nagama dhexeeyaan, bulshaduna way itaqaanaa, ilaa iyo
1987-kii oo aan u talaabay SNM, ilaa intii ka dambaysay waxaan ku
noolaa wadanka gudihiisa. Hadalkaasina waa hadal uun ALLE ka sii
qaaday Wasiirka.
Wasiirka sida ka muuqata markan uu hadlayay iyo marar badan oo kale,
marka uu saxaafadda hor yimaado ayuu malaa khalkhalaa oo ay iskaga
darsantaa, oo dabadeeto waxa u sahlanaatay in uu yidhaahdo waa Al-shabaab,
ma aaminsani qof Al-shabaab ah in uu joogo Somaliland, aniga iyo
qayrkayna daa, Haddaan anigu ahay Al-shabaab waxa iswaydiin leh oo
aanu Wasiirku ka fiirsan, nidaamkii dawliga ahaa ee aan ka tirsanaa
ee Komishanka Qaranka, muddo afartan cisho ah ayaan ka maqnaa, waxa
isoo magacaabay Xisbiga Kulmiye, waxa iswaydiin leh Kulmiye ma Al-shabaab
ayuu soo magacaabay, waxa magacaabistii dhabta ahaas isii magacaabay
oo Baarlamaanka ii gudbiyay Madaxwaynaha, Madaxwaynuhu ma Al-shabaab
ayuu magacaabay, dee isagana isku kiis ayaanu nahaye waa in isagana
la yidhaahdaa waa Al-shabaab, Golaha Baarlamaanka 54 mudane ayaa ii
codeeyey, waxaan filayaa in ay iyaguna kiis gelayaan, waxa ka daran,
waxa madaxwaynaha hortiisa ugu dhaariyay Maxkamadda sare ee wadanka,
waxaan ka sii gudbay intaa Komishanka oo Hay’ad qaran ah waxa ay ii
doorteen Guddoomiye-ku-xigeen, intaas oo dhami ma qof Al-shabaab ah
ayay doorteen oo ay meesha keeneen, haddii uu Cirro ka fiirsado wuu
ka joogsan lahaa, markaa hadda maalintii la isoo daayay waxaa laga
joogaa 7 maalmood, waxa ii yimi ergo, la ileeyahay Wasiirkii wuu ka
noqonayaa mawduucii noocaas ahaa, waan sugay oo waxaan is idhi
jaanis sii oo ninkii masuulka ahaa yidhi waan ka noqonayaa, intaa
waan sugayay kamanuu noqon, taas ayaa keliftay in aan anigu ka hadlo
oo haddii uu cadayn waayay isagu aan anigu caddeeyo in aanan meelna
ka soo gelin Al-shabaab, bulshadana u meel dhigo, haddii uu ka noqon
lahaana sharaf iyo karaamo ayay u noqon lahayd, taasina malaha rag
badan way ku adagtahay.
Waxaan leeyahay haddii uu Wasiir Cirro ku tababartay nidaamkii
Siyaad Barre ee qabta iyo ii haya, xidha, wuu xujoobay iyo xabad ku
dhufta, haddii ay tii tahay, halkani waa Somaliland, xisaab baa ka
dambayn doonta, waana la is waydiin doonaa, weligiina kursiga ku
fadhiyimaayo, godobaha siyaasadeed ee noocan lagu galaa waa ta
Afrikaanka ku kelifta in uu kursiga isku sii dhejiyo, ee uu isaga oo
xor ah mari kari waayo banaanka aad aragto, wasiirka waxaan leeyahay
ha isku gelin godobaha siyaasadeed ee noocan oo kale ah ee ka
digtoonow.
Waxa kale oo layaab lahayd oo
masuuliyad darrada wasiirka ka mid ah, markii la isoo daayay ee la
yidhi orad iska tag, illaa hadda gaadhigaygii, Mobile-kaygii,
Qorigaygii iyo baaskooladaydii sharciga ahayd ee aan anigu shakhsiga
u lahaa way xidhan yihiin, wasiirku waxa uu yidhi waraaqdii
Madaxwaynuhu soo qoray oo cadaynaysa meesha la iga xidhay in ay
madaxtooyada ahayd, kumay qornayn gaadhiga iyo Mobile-ka siiya ee
Madaxwaynaha ha la soo waydiiyo, qofka maxbuuska ah iyo alaabtiisuna
ma kala hadhaan, waana waxyaabaha layaabka leh, sidee buu masuuliyad
qaran u qaadi karaa qofkaa la sii daayay alaabtiisi raaci, waanay ku
maqantahay ilaa hadda, waana masuuliyad darrada wasiirka ka haysata
wasaaradda Daakhiliga. Waxaan bulshada uga tacsiyadaynayaa hadalka
qadhaadh ee ahaa in caalamka indhihiisa lagu soo jeediyo iyo in
dadka mudanka ah la yidhaahdo waa Al-shabaab maalinba qof inta la
qabto, waana arrin fool xun.
Xirsi Cali Xaaji Xasan, markii uu shirkiisa jaraa’id dhammeeyay waxa
la weydiiyay su’aalo kala duwan oo u dhacay sidan:
Xirsi waxaad sheegtay in xadhigaasi uu yahay mid xasuus kugu reebaya,
markaa dacwadda aad furanayso ma xukuumadda hadda jirta ayaad u
gudbinaysaa, mise waxaad la sugaysaa in xukuumad kale dhalato, mise
marka isaga xilka laga qaado ayaad isaga oo shicib ah aad
dacwaynaysaa, bal caddee?
Xukuumadda hadda jirta ayaan u bandhigayaa dacwaddiisa, haddii ay
suurtowdo in dacwaddiisa si xaq ah oo xalaal ah u qaadaan, dadka
xukuumadda ku jira oo dhami ma wada xuma, markaa waan u bandhigayaa
xukuumadda jirta, waanan ku qancayaa haddii ay si xaq ah u qaadaan.
Haddii ay qaadi waayaana waxaan la sugaa ciddii ku haboon.
Xirsi waxaad sheegtay in Wasiirku kugu shaambadeeyay wax gef ku ah
shakhsiyadaada, isla markaana aanad ka hadhayn, markaa talaabadan ta
xigta ee aad uga gudbaysaa maxay noqonaysaa?
Waxaan u bandhigayaa Hay’addaha Garsoorka, haddii ay tani [xukuumadani]
wax ka qabanwaydana dawladdii ay suurtagal noqoto in ay dacwadayda
qaadi karto ayaan u bandhigayaa.
Source: Wargeyska Geeska Afrika
|