WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo,
waxa digr eeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2823/102014,
Xilkii uu qaran ka u hayey kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore
ee Gobolka Buuhoodle, isla marka asina waxa uu madaxweynuhu Gudoomiye
Cusub u magacaabay Gobolka, halka Gudoomiy e ku xigeenkii Xilka laga
qaaday aan weli la soo magacaabin masuul buuxiya madaxweyn uhuna uu
dib ka soo magacaabi doono.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Garwaaqsaday: In baahi loo qabo buuxinta xilka Gudoomiyaha
Gobolka Buuhoodle;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu ku qancay: In uu hanan karo xilkan;
Wuxuu go’aamiyay
In Mudane, Cismaan Ciise Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaadoGudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Cabdi-qani Cabaas Muuse
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle
Mudane,
Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba
cid hanan karta loo dhiibo shaqada Qaranka.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka
Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.
|