XILKA IYO XUDUUDDA XUKUUMADDA IYO XISBIYADA MUC AARADKA "Xukuumadda maantu waxay noqon kartaa M ucaaradka berrito,Xisbiga Mucaaradka ah ee maantuna wuxuu noqon karaa Xisbul-xaakimka berrito".

 


Inkastoo ay caddahay xilka iyo xuduudda ay kala leeyihiin waaxyaha Dawladdu ka kooban tahay oo xeerku uu qeexayo. Haddana waa mas'uuliyad wadareed (collective responsibility) oo saaran saddexda dhar-dhaar ee Dawladda (Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka) inay yeeshaan qaab ay wada jir ugu wada adeegaan danta Ummadda, iyadoo laga dheeranayo shaqsiyadaynta iyo muqaal Xisbiyahannimo ama beeleysan in loo kala safto. Kuwaas oo ah waxyaaba ragaadiya Qaranka .

Walow mid walba uu u madax bannaan yahay hawshiisa, waxa lama huraan ah in ay is garabsadaan oo midna aanu awooddiisa gaar ula jeesin. Waxana reebban in midna uu midka kale faragelin ku sameeyo ama Xilkiisa maroorsado.

Dimuqraayidda caafimaadka qabta waxa furo u ah in la abuuro jawi lagu dhaliyo kalsooni iyo is- faham ay danta Qaranku ku jirto, taas oo lagaga baxo mabda' ah KU JIQ-SII laguna bedelo wax dhisid (Constructive Opposition).

MARKAY CEELALYO HESHIISO AYEY XOOLUHU BIYO CABBAAN

Xukuumadda (Executive Branch) iyo Xisbiyada mucaaradkuba (opposition parties) waa in ay qaadaan tallaabooyin muuqda oo la dareemi karo sidii ay u wajihi lahaayeen qaab wada shaqeyneed ee xilalkooda isa-saameynaya ama is kaabaya u gudan lahaayeen. Xukuumadda iyo mucaaradku waa inay isku arkaan inay yihiin danwadaag, waana inay gacmaha isku qabsadaan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta danta dalka ugana midha dhalin lahaayeen himilada qaranka.

Xisbul-xaakimka (Ruling Party) maantu wuxu noqon karaa mucaaradka berrito, xisbiga mucaaradka ah ee maantuna wuxuu noqon karaa xukuumadda berrito. Sidaa daraadeed waa in laga feejignaadaa macaamil xumo mustaqbalka saameyn taban ku yeelata Xukuumadda cusub iyo mucaaradka cusub.

Shakki kuma jiro, Xukuumadda lagu soo doorto hannaanka Dimuqraadiyadda (Elected Government) ayaa u idman inay dalka maamusho, laakiin iyadana waxa waajib ku ah in ay yeelato hab-dhaqan kobcinaya dimuqraadiyadda. Ku guulalysashada doorashadu ma aha macnaheedu in ay Dalka mulkiday oo la waayo cid aan Xisbul-xaakimka ahayn (Winner Takes All) taas oo ah in xisbiyada mucaaradka KHADKA laga saaro, halkii laga wada shaqeyn lahaa. Malaha, Weli dad badan bay ka degi la' dahay in mucaaraddku kaalin sharci ah ku leeyihiin hawlaha qaranka !!!.

Nidaamka Xisbiyada Badan (multi-party system) waa daruuri in la siiyo fursad ay ku kobcaan xisbiyadu, Dimuqraadiyadduna ku hanaqaaddo. Xukuumaddu waa inay garwaaqsataa muhiimadda ay leedahay in la helo mucaarad dhab ah oo mas'uulnimo ka muuqato. Waana Waajib Xukuumaddda saaran inay Xisbiyadda Mucaaradka ah u fidiso wixii dhaqaalo ay u baahan yihiin, waana in ay qeyb ka helaan Warbaahinta (fair access to the media), fursadna loo siiyaa gudasha waajibaadkooda.

waa muran ma doon in Dimuqraadiyaddu ay ka fiican tahay Keli-Talisnimada (Dictatorship), laakiin ma aha in ay dalka u horseeddo xasilooni darro siyaasadeed. Mucaaradku waa inuu garawsadaa oo aanay ka hoos bixin in Codbixiyayaashu ay ka codeeyeen oo ay Xisbi kale door-bideen oo xilka FULINTA u igmadeen.

Mucaaradku waa muraayadda Dawladda, laakiin haddii uu ku sifoobo mid mayal adag oo uu caadeysto "KU JIQ-SII" iyo mar walba inuu is-hortaago barnaamijka Xukuumadda, Dadweynuhu waxay u arkaan dar curyaaminaya horumarka waddanka. Mana aha mas'uuliyadda in looga faa'ideysto qaab Dastuurka baal marsan, is-beddelna (change) laguma sameyn karo in la inqilaabo hannanka iyo milgaha dawladnimo.

Waxa Codbixiyayaasha looga baahan yahay inay ku baraarugsanaadaan in cidda codkooda ay siinayaan ay ahaadaan qaar danta guud ee Qaranka ka hor marinaya danta yar ee gaarka ah ee Xisbinimo. Bulshadu ma aqbali karaan in caqligooda la caayo oo been iyo borobagaandha lagu kaambeyn gareeyo si xukunka loogu fuulo. Waxa keliya ee Shacbiga lagu kasban karaa oo ay wax ku dooranayaan waa Barnaamij fiican iyo wax-qabad dhab ah.

WIXII INDHO ARKAAN AYEY ILKO GOOYAAN

Mararka qaarkood, Mucaaradku wuxuu qaadtaa doorka ah inuu noqdo Xaalad-Abuur, isagoo fursad kasta oo uu helo ku hagardaameeya Xisbiga Talada haya, isagoo badanaa aan garaneyn kala soocidda waxyeelaynta Xukuumadda iyo dhibta ay Qaranka gaadhsiinayaan.

Reer Koonfureedku waxay ku maahmaahaan "RAG ISKA DHICI IYO RABBI KA CABSO MEEL MA WADA GASHO".

Waa in Xisbul xaakimka looga dambeeyaa Talada waddanka, laakiin ma aha inuu isna u dhaqmo hab Keli-Talisnimo ah oo awoodda Qaranka oo dhammi isaga ku soo ururayso, taas oo uu ku duudsiyayo xuquuqdii Mucaaradka. Murti baa tidhaa "marka kuwa tirada yar codkooda la ogolaado in ay sheegtaan , ayaa kuwa tirada badanna had iyo goor la ogolaadaa in jidkooda loo banneeyo" (while the minority must be allowed to have its say, the majority must always be allowed to have its way).
Xisbiyada mucaaradka ahi haddii ay Fadhiid noqdaan (habrasho ama laaluush qaadasho darteed) waxay taasi dalka dhaxalsiisaa in xukuumaddu noqoto AWR DABAR LA'AAN DHACAY.

Ma jirayo Qaran mideysan oo xasiloon haddii aan la helin Mucaarad Daacad (loyal opposition) u ah dalkiisa iyo dadkiisa. Haddii waddanka uu ka aloosmo is-qab-qabsi Siyaasadeed, waxa dalkaasi ku suntanaadaa dal ay dhibaato ka dhisaalan tahay oo aan xasiloonayn.


Kuwa haya talada dalka iyo kuwa hungureynaya xukunka waa in ay yeeshaan qaab waxtar leh oo ay ku wada shaqeeyaan iyagoo haddana cabbiraya afkaartooda kala duwan.

´´ Dhisa qaranka dheelliga ka jira dhidibbada u taaga,
Sharafteenna wixii dhuminayaan dhaafa leeyahaye ´´



Wa Billaahi Tawfiiq



Qalinkii Cali Xaruuri
Rotterdam, Holland
E-mail Adam.32@live.nl