Xildhibeen Axmed-Wayne Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa


 

 

Allaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Ibraahin Daahir (Axmed-Wayne), ayaa caawa ku geeriyooday.......

Hargeysa (TNN):-Allaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Ibraahin Daahir (Axmed-Wayne), ayaa caawa ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaalada Harg eysa, ka dib markii halkaa loo geeyey Xanuun deg-deg ahi Wadnaha kaga soo bood ay isla caawa.

llaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed-wayne ayaa ka mid ahaa Mudanay aasha Golaha Wakiillada Somaliland, Marxuumka ayaa laga soo doortay Gobolka Harg eysa (Maroodi-jeex), isla markaana ka mid ahaa Mudanayaashii Xisbiga KULMIYE ugu soo baxay doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka qabsoontay 29 September 20 05.
Marxuum Axmed Ibraahin ayaa ahaa Xildhibeenkii ugu codka sarreeyay Xildhibeenna dii uga soo baxay Xisbiga KULMIYE gobolka Maroodi-jeex.

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland