Xildhibaano Muddo Sanado Ah Ku Maqnaa Qurbaha Oo Wakiilada Laga Caydhiyey, Mushaharkiina Laga Jaray

 



Shirguddoonka Oo La Filayo In Komishanka Doorashooyinka Iyo Saddexda Xisbi Ay U Gudbin Doonaan Xubnihii Lagu Soo Badali Lahaa”


Hargeysa, December 2, 2010 (TNN)- Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo muddo  sanad o gaadhaya ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa caydhiyay xubinimadii golahaasi, ka dib markii lagu  eedeey ay inay ku xad gudbeen xeer hoosaadka golaha oo dhigaya in mudanaha labaatan fadhi oo isku xiga  idi m la’aan ku maqnaada inuu waayayo xubinimadiisa.


Sidaana waxa Haatuf u xaqijiyay xoghayaha guddida joogtra iyo anshaxa Axmed Maxamuud Diiriye  (N ac-Nac) oo isagu golah ugu xil saaran anshax marinta mudaneyaasha, waxaanu intaa ku daray in  go’aa n laga gaadhay xildhibaanadaasi oo kala ah Axmed Maxamed Cali Beegsi, Saleebaan Cali Koore iyo  Ikra an X. Daaud Warsame oo muddo sanado ah ka maqnaa golaha guddoomiyuhuna uu siiyay digniin laba todobaad ah kuna iman waayeen.


Xoghaya guddidaasi oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay waxana kaga weydiinay wararka sheegay xildhibaano laga eryay golahooga ayaa waxa u yidhi” Xildhibaanadaa go’aanba laga gaadhay afar iyo toban cisho ayaanu guddoomiyuhu u qabtay inay golaha ku yimaadaan, hase yeeshe kumay iman muddadiina wey ka dhamaatay. Guddi ahaan shirguddoonku wuu noo soo gudbiyay qoraalka  dig niinta ah ee loo diray saddexdaa xildhibaan ee kala ah Md. Axmed Maxamed Cali Beegsi, Saleebaan Cali Koore, iyo Ikraan X. Daaud Warsame wakhtigoodii wuu ka dhamaaday mushaharkiina si rasmi ah ayaa looga joojiyay, waana la eryay”


Mar aan weydiinay xoghayah guddidaasi xidhibaan Nac-Nac in xibiyadii ay ka soo kala jeedeen  xildhibaa nadaasi la eryay loo gudbiyay inay soo buuxsadaan kuraaata banaan iyo inkale, waxa u yidhi “Wali  loo ma gudbini xisbiyadii ay ka soo kala jeedeen iyo komishanka doorashooyinka, balse waa loo gudbin  doo naa kolayna waxa soo buuxin doona xildhibaanadii ku soo cod xigay ee asxaabtooda ay wada  tirsanay een gobolkii laga soo doortay”


Saddexdan xildhibaan ee golaha wakiilada laga eryay ayaa muddo sanado kala duwan golaha kaga  maq an dalalka qurbaha, kaasoo Md. Axmed Maxamed Cali Beegsi oo ka mid ah xidhibaanadii xibiga UCID ee laga soo doortay gobolka Saaxil oo muddo afar sanno iyo dheeraad ah ku maqan yahay dalka Norwey, halka Saleebaan Cali Koore oo ka mid xildhibaanada xisbiga UDUB ee ka soo jeeda gobolka Sool oo  isag una muddo saddex sanno gaadhaysa ku maqan dalka UK iyo xildhibaan Ikraan X. Da’aadu Warsame oo ka mid ah xildhibaanda xisbiga KULMIYE ee laga soo doortay gobolka Awdal ayaa iyaduna muddo laba sannadood ku siman ku maqan dalka UK, taasoo ilo wareedyadu sheegeen in dalkaasi ay si rasmi ah ugu guurtay.


Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka agdhaw golaha wakiilada ayaa Haatuf u xaqiijiyay todobaadkan u gudbin doono komishanka doorashooyinka qaranka iyo saddexda xisbi sidii loo soo badali lahaa  xildhi baanadaasi.


Dhinaca kale waxay ilowareedyadu intaa ku darayaan in Md. Mahdi Xasan Sugaal oo ka mid ah  mudan eyaasha xisbiga UDUB ee laga soo doortay gobolka Awdal oo muddo dheer isaguna ku maqan dalka  Ing iriiska la sheegay inuu iskaga tagay xubinimada golaha, hase yeeshe ilaa hadda si rasmi ah  shirguddoo nku ugamay hadal arinkaasi la sheegay iska casilaadiisa


Source: Wargayska Haatuf