Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Ku Baaqay In Guddi
Baadhiseed Loo Saaro Fadeexadaha Ka Taagan Genel Enery Iyo Madaarka
Hargeysa
Hargeysa (TNN):-Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada ayaa
ku baaqay in gudi baadhitaan golaha wakiiladu u saaro arrimaha dalka
ka taagan ee ay ugu horeeyaan arimaha shidaalka iyo waliba ma daarka
oo ay sheegeen inay ka dhaceen ceebo u baahan in xaqiiqdooda la soo
baadho.
Xildhibaanadan ayaa xukuumada ku eedeeyay in shirkada sahaminta
shidaalka dalka ka waday ay suuq madaw wax kula saxeexatay isla
markaasna uu madaw badani ku jiro sida loo maamulay dha qaalahii
madaarka lagu dhisaayay ee dalka Kuwayt uu ku deeqay.
Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale,Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo Xildhibaan Maxamed Bulqaas oo u warmaayay wargeyska Geeska Afrika
ayaa sidan sheegay,isla markaasna golaha u soo jeediy ay inay
xaqiiqda arimahaas ay doonaan.
Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo arimhaas ka hadlaayay waxa uu
yidhi“Xalaal iftiin baa la qas haa, meel madaw ayaa la mariyay oo
golaha lama soo marin waana taas Alle maanta qarxiyay ari nkii
shidaalka.waxa jiray qodab ku jira ajandaha kalfadhigan oo ahaa
qiimaynta xaalada dalka wax aan ku rajo weynahay in laba gudi laga
saaro golaha kuwaas oo soo baadha musuq maasuqa qandaraasyadii
gaadiidka ee shirkadii shidaalka ee Genel Energy iyo qaabka ay
shirkadaasu dalka ku timi iyo qaabkay kaga baxday iyo sida oo kale
arrimahii madaarka ka dhacay ee hantida lagu lunsaday ay kaw ka
tahay iyo fashilkii Alle qarxiyay ee markii danbe ku yimi taasna
gudi labaad in aan u saarno ayaan doonaynaa oo galahu labada
dhinacba soo baadho xaalada dhabta ah ee dhacday.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog ) oo isaguna dhankiisa
ka hadlay mawduucyada n, oo Geeska Afrika, la hadlaya ayaa yidhi,
“Waxa u weyn ee isoo gaadhayaa waa in ay diyaaradii Itoobiya uga
tagtay madaarka arimo amaan iyo in aanu lahayn gidaarkii ka
celinaayay dadka iyo xoolaha,dhabadii diyaaradu ay ka haadaysayna ay
qabyo tahay iyo in markii ay madaarka diyaara du timi ay iska soo ag
istaageen gawaadhi ay wataan kuwii samaynaayay madaarka arintaas oo
aan fiicnayn. Markay timaado shirkadan shidaalka ee Genel Energy
iyadana sharciyadeeda nalama soo marsiin ee qol madaw ayay iyaga iyo
xukuumadu wax ku kala saxeexdeen,runtiina wali lama samayn xeerkii
shidaalkaba, xeerar baana dadka kala qabtee hadaanay xeerarba jirin
waa laysku laynayaa uun. Markaas waa in gudi qaran loo saaraa oo
xildhibaanada dadku doorteen ah oo xaqiiqo raadis ah la sameeyo, Wax
uun baa naloo sheegayaa warbaahintiina waxbay qoraysaa
baarlamaankiina waxba kama oga markaas gudi xaqiiqo raadin ah ayaa
loo baahan yahay oo lagu ogaanayo waxa ka jira ceebahan dhacay.”
Ugu danbayntii xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo isaguna
fikirkan oo kale qaba ayaa ku ta liyay “Arinkan madaarka iyo shirkada
shidaalkaba waxaan aaminsanahay waa in gudi loo saaro baadha oo
madaxbanaan oo ka war keenata siday wax u dhaceen,siday ku
bilaabmeen iyo siday wax u socdaanba.”
Waa markii u horaysay ee ay xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladu
soo jeediyaan in guddi baadhiseed loo saaro labadan caqabadood ee
soo waajahay dalka oo saamayn ku yeeshay qaranka.
Source:Geeska
|