Xildhibaanadii caawa
la kulmay madaxweyne Siilaanyo oo wax la’aan kaga soo laabtay
Hargeysa, (TNN)- Waxa caawa kulan ballaadhani uu dhexmaray
madaxweyne Siilaanyo iyo kow iyo to ban xildhibaan oo ka kala tirsan
wakiilada iyo guurtida, kuwaasi oo ka soo jeeda beesha Habaryoonis.
Xubnahani waxa ay caawa madaxweynaha ay hor dhigeen dalab ah in
jagadii gudoomiyaha maxkama da sare ee
dhowaan xilka laga qaaday in dib loogu
magacaabo shaqsi ka soo jeeda deegaanada xildh ibaanada laga soo
doortay, waxana ay madaxweynaha hor dhigeen aqoonyahano ay la
doonayaan in jagadaasi loo magacaabo, kuwaasi oo ay madaxweynaha ka
codsadeen in uu ka xusho qofkii uu isagu doonaayo oo uu arko inuu
xilkaa qaban karaayo.
Cabashooyinka kale waxa ka mid ahaa in uu madaxweynuhu uu wax ka
qabto cabashooyinkii dhowaan ka soo yeedhay hogaamiye dhaqameedka
galbeedka Burco, sidoo kale waxa ay cabashooyin ka muuji yeen in
deegaanada laga soo doortay ee ay ka soo jeedaan ayna wax xil ah ku
lahayn hogaanka sare ee ciidanka qaranka iyo ka booliskaba, waxayna
ka codsadeen in si cadaalad ah loo qaybiyo qaybaha asi ay sheegeena
in wasaaradihii ay xitaa hayeen xubno ka soo jeeda deegaankooda la
qayb qaybiy ay oo wax laga wada jaray xaga aan kuwo kale aan la
taaban.
Madaxweyne Siilaanyo oo si fiican hadalkooda u dhuuxaayay ayaa ku
gacan saydhay in aanu jagada asi gudoomiyaha maxkamada sare aanu
hada diyaar ula ahayn beeshaasi Habaryoonis isla markaasi na uu
beel kale uu siiyay oo bixiyay jagadaasi, sidoo kale
madaxweynahu waxa uu sheegay in cabash ooyinka kale ee ay
tirsanayaan uu dib u eegi doono una seexan doono una soo toosi doono,
oo aanu halkani waxba kaga aqbalaynin hadda.
Kulankaasi xaga madaxweynaha waxa ku wehelinaayay oo garab fadhiyay
wasiirka madaxtooyada Xirsi oo aan weli la ansixin iyo wasiirka
arimaha gudaha Dr Gaboose, madaxweynahu waxa uu ergadii
xildhibaanada ahayd ee u tagtay uu diray faro madhnaan waxana markii
uu arinku uu halkaasi taagan yahay hadalka la wareegay wasiir Xirsi
oo sheegay in aan beesha Habaryoonis ayna waxba ka maqna yn oo ay
rabaan sadbursi, isla markaasina ay haystaan xilalkoodii.
Taasi oo hadalka ku soo celisay madaxweynaha uu sheegayna in
xukumadiisa ay beesha Habaryoonis ay kaalinta labaad kaga jirto xaga
xilalka xaga beeshiisu ay tahay ta saddexaad beesha Awalna ay ku
jirto kaalinta koowaad, kaftan dheer oo adhaxda la isu geliyay ayaa
caawa lagu soo caraabiyay xildh ibaanadii cabashada u tagay
madaxtooyada, iyada oo wasiirka arimaha guduhana uu hadalka ku soo
gunaanaday in aan beesha Habaryoonis ayna mucaarid ku ahayn xukumada
Siilaanyo.
Isku soo wada duuboo kulankaasi caawa loogu tegay madaxweynaha waxa
uu ahaa mid aan waxba ka suurto gelin isla markaasna caawa suuqyada
Hargeysa iyo Burco aad looga hadal hayey dadka qaarkoodna ay
sheegeen in kulankaasi uu u dhacay sidii ay filayeen oo ay xukumada
Siilaanyo markii horeba ay badheedhay oo sidan la iska wada ogaa.
Dhanka kalena waxa berrito kulan qado isugu imanaaya Hotel
Ambasadoor xubnihii wakiilada ahaa ee u codeeyay in gudoomiyaha
maxkamadu uu joogo kuwaasi oo ah mucaarid hor leh oo isu urursanaaya
sidii ay u tashan lahaayeen.
Source:Qaran
|