Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Shacbiga Somal iland Ugu Baaqay Inay Mudaharaad Ku Muujiyaan Dareen kooda

 

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka tirsan Mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Saaxil, ayaa masuuliyada dib u dhaca doorashada ku eedeeyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay dareenkooda ku muujiyaan mudaharaad.

Mudane Siciid Cilmi, wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta golaha wakiilada Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxaanu ka waramay in xukuumada Somaliland ay kooto cid gaar ah ugu xidhay shiidaalkii, xoolihii, baddihii iyo ganacsigii kaleba.


Md. Siciid Cilmi Rooble, oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa dhaliilay komishinka doorashooyinka Somaliland, oo uu sheegay in kharashkii doorashada diiwaan gelinta loo xanibay markii ay EU-da u gudbin waayeen xisaab xidhkii diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi "Midowga Yurub, waxa la sheegayaa inay yidhaahdeen dhaqaalihii doorashada madaxtooyada lama soo gudbinayo illaa Komishinku ay soo gudbiyaan xisaab xidhkii kharashaadkii hawsha diiwaan gelinta codbixiyeyaasha. Waxaa muuqata in komishinkii laga waayay xisaab-xidhkii, nidaamka xukuumadeena ayaan xisaab xidhka aqoon, haddii Madaxweynihii iyo Wasiirkii maaliyaduba aanay keenayn xisaab xidhkii qaranka ma komishin baa keenaya."

Xildhibaanku wuxuu Guddiga doorashooyinka ku eedeeyay inay lumiyeen kalsoonidii EU-da, tii xisbiyada isla markaana ay shacbigu ku wareersan yihiin siday u shaqaynayaan.


Md. Siciid Cilmi wuxuu beeniyay hadalo ka soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inay khal khal gelinaan dalka, waxaanu tilmaamay inaanu jirin cid wax qas ah wadanka ka samaynaysaa.

"Wax allaale iyo wax dhibaato ah oo dalka ka dhacaysaa ma jirto, wixii dhinaca sharciga la xidhiidhana waxaana daboolaya labada gole ee baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada, maxaa labada gole looga qeylinayaa? Waxba may soo saarine oo iskumay imane,"ayuu yidhi yidhi Md. Siciid Cilmi.

Xildhibaanka wuxuu ku dooday in berigii hore labada gole la kala ilaalin jiray inay is raacaan, hase ahaatee ay imika is raacayaan oo shaqadooda qabsanayaan, isagoo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi "Labada gole Weligayaba waa nala kala haya oo rag baase noo degay maanta ayaa noogu horeysa inaanu meel wada marno, awood baanu u leenahay haddii uu Madaxweynuhu dalka cirka ula baxayo inaanu ka qabano."


Mudanuhu oo daba socday rag uu sheegay in habeen walba la soo fadhiisiyo TV-ga qaranka, oo xukuumada difaaca, wuxuu yidhi "Qofka waa la eegaa oo waxa la yidhaahdaa siddee ayuu abaalka u guddaa, raga maanta hadlaya ee dawalada difaacaya ee hadla lagu yidhaahdo waxaan leeyahay, ragii doorashadii KULMIYE Jabiyay ee abaalka weyn ku lahaa Madaxweynaha waxa kow Ka ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan, Ismaaciil Yare laba , Cabdilaahi Darawal sadex iyo ninka Sandoon la yidhaahdo oo komishinka doorashooyinka fadhiyay oo cidiyaha ku dagaalamayay, halkee ayuu dhigay raggaasi maanta xidhiidhka ka dhaxeeyaa waa sidee?".


Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, wuxuu xukuumada ku eedeeyay inay kooto cid gaar ah ugu xidhay shiidaalkii, dhoofkii xoolaha, iyo baddihii oo xusay inay ka kalluumaystaan maraakiib waaweyn oo ugxanta xaadhaysa.

Mudane Siciid Cilmi, wuxuu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay dareen kooda ku muujiyaan mudaharaad salmi ah, waxaanu yidhi "Shacbigu waxay dareenkooda ku muujin karaan mudaharaad, mudaharaadku ma aha in wax la jajabiyo waxa ka mid ah laamida oo la fadhiisto yaa ku odhanaya ka kac laamida, Ganacsatadeena oo illaahay ha u barakeeyo Ganacsige’e oo laba saacadood albaabada inoogu xidha ganacsatada. Waxa kale oo dareenkiina aad ku muujinaysaan iyadoo aad garoomada cidlada ah u baxa waa dareen waxaana idiinku imanaya saxaafada. Waa haddii uu jiro dareen dadweyne illaahayna wuxuu inoo naxariisanayaa markaynu waxa xun aynu diidno"

 

 


Ramaasnews