Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Xukumada Digniin U Diray
 



Hargaysa (TNN)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay Mooshinka a y wadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Wakiiladu uu yahay mid wax lagaga badalayo xeer  hoosa adka Golaha balse aanuu ahayn mid qas lagaga abuurayo dalka.


Xildhibaanadan oo shirjaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland ayaa xukumada uga digay inay farogalinta ka dayso shaqada Golaha Wakiilada.


Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in la  yid haahod waxay ridayaan Shirgudoonka Golaha isagoo tilmaamay waliba inay yidhaahdaan wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland oo uu ku tilmaamay inay yihiin niman laga keenay dalka  Marayka nka oo aan wax halgan iyo dhibaato ah u soo galin sidii uu Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye  u gu guulaysan lahaa hogaanka, waxaana uu xusay in xildhibaanada sidaasi lagu eedaynayaa ay yih iin kuwii u soo halgamay Xisbiga Kulmiye, waxaana uu yidhi “Waxaan ka xumahay aniga oo ah  xildhi baanadii mudada badan la soo halgamay Xisbiga Kulmiye, dhibaatada adag u soo maray in wasiir ka tirsan Xukuumada oo laga keenay Maraykanka uu yidhaahdo waxay ridayaan Shirgudoonka, Madaxweyne ninkan kula hadlayaa waa siciid ee hanalaga daayo faragalinta nalagu wado”.
 

Xildhibaan C/qaadir Jirde oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si cad u sheegay in Mooshinkan  yah ay mid wax lagaga badalayo xeer hoosaadka Golaha Balse aanuu ahayn mid lagu abuuryo Dhibaato isla markaana wakhtiga xaadirka loo baahan in wax ka badal lagu sameeyo xeer hoosaadka kale.
 

 


Source:Togdhnews