Xildhibaan Sh. Axmed Dayib oo falanqaynaya guushii mad axweyne Biixi iyo waxa sababay.

 

 

Dareenka iyo filashadu halkii Shalay ma joogaan.

Waxay ila tahay in aanay:

1- Madaxweyne Biixi hal arrin hodin.
2- Musharrax Madaxweyne Cirro hal arrin hodin.
3- Beesha Sacad Muuse hal arrin seegin.
4- Beesha Habar-yoonis hal arrin seegin.
5- Somaliland inta kalena hal seegin.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa in aaney hodin guushii ballaadhneyd ee uu ku haaneeday qasriga looga arrim iyo Jamhuuriyadda Somaliland 13 Nov. 2017kii, oo ku timid shan arrimood oo kala ah:

1- xukuumaddii xilligaa oo xisbiga Kulmiye hogaaminayey.
2- Beelweynta Habarjeclo oo si har la'aan ah uga abaal celineysay dhismihii Beesha Sacad Muuse dhistey Madax weyne Siilaanyo.
3- Beelweynta Ciise Muuse oo si har la'aan ah uga abaal celineysay dhismihii Sacad Muuse dhisay Madaxweyne Cigaal Rabbi Jannatul-firdawsa ha ku galladee.
4- Beesha Sacad Muuse oo aan marna Somaliland Madaxweyne ka noqon oo lahayd waa markayagii.
5- Bulshada kale ee Somaliland oo filasho-weyn ka qabtey hoggaamin taariikhdu xusi doonto Madaxweyne Muuse Biixi.


Haddaba intaas oo isbiirsatey ayaa dhalisay guushii Mar la aragteyda ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi talada dalka ku haaneeday.

Waxayse tahay su'aashu:

1- Madaxweyne Muuse Biixi muxuu ugu abaal guday dadkii sida hagar la'aanta ah ugu maamuusay kursiga looga arrimiyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ?!!!.
2- Ma dhabawday filashadii mugga lahayd ee reer Somaliland ka qabeen hogaaminta Madaxweyne Biixi ?!!!.
3- Maxaase keeney afar Sano ka dib in uu raadiyo taageerayaal laxaad leh oo uu geeska galiyey markuu guusha hantiyey 13 Nov. 2017kkii?!!.


La soco ...
Qaybtii 2aad

 


Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden kucadeeye