Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire Oo Maamulka Gobolka Saaxil U Soo Jeediyay Inay Marxuum Cigaal Ugu Magac Daraan Goob Muhiim ah Oo Lagu Xusuusto

 


Berbera (TNN)- Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ahna maamu laha Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee Gollis ,qaybteeda Berbera, ayaa masuuliyiinta Gobolka Saaxil u soo jeediyay inay ugu magac-daraan meel ka mid ah Berbera Madaxweynihii hore ee Somaliland Marx uum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.


Xildhibaan Naasir Shire oo xalay ka hadlay munaasibad loo sammeeyay xuska sannad-guurada sagaala ad ee ka soo wareegtay geerida Madaxweynihii hore ee Marxuum Cigaal oo ay soo qabanqaabiyeen sh ebekadda Berbera news iyo ururka dhallinyarada SOMEDO, laguna qabtay Hoolka Ururka YOVENCO, ay aa maamulka Saaxil u soo jeediyay inay ugu magacdaraan meel lagu xusuusto oo Berbera ku taala, ma adama Marxuumku ka soo jeedo Gobolka Saaxil.

“Waxaan ku talin lahaa, maadaama meesha keliya ee lagu xasuusto Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ay tahay Garoonka Diyaarada Hargeysa ee Cigaal International Airport, waxaan maamulka Gobo lka Saaxil u soo jeedinayaa in loogu magacdaro meel lagu xusuusto, gaar ahaan Gobolka uu ka soo jee do ee Saaxil, maxaa inoo diidaya inaanu u bixinno, oo qofkasta oo Somaliland yimaadaa uu u aqoonsado aabihii Somaliland, sida taalada shuhadada Hargeysa.”ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire waxa uu xuskaa kaga dhawaaqay in mid ka mid ah hoolasha Jaamaca dda GOLLIS ee Bebera uu u bixin doono Marxuum Cigaal, “Ka jaamacad ahaan waxan halkan ka ballan qaadanaynaa mid ka mid ah hoolasha waweyn ee jaamacadda inaan u bixin doono hoolkii Cigaal.” Ayuu yidhi.



Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxame Xaaji Ibraahin Cigaal, ayaa 03, May 2002 ku geeriyoodey cisbitaal Milateri oo ku yaala dalka Koonfur Afrika, geeridaasina waxay saamayn iyo wer wer gelisay shacbiweynaha Somaliland oo wadnaha farta ku hayay, halka uu dalku ku danbayn doono.





Source:Berberanews.com