Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida Somaliland Oo Lagu Weeraray Koob Shaaha Oo Kulul Oo Dusha Lagaga Shubay

 


Xildhibaanka may soo gaadhin wax dhaawac ah oo gubasho ....


Hargaysa (TNN):-Abwaan/Xildhibaan Jaamac Riyo ayaa waxaa lagu weeraray koob shaa ha oo kulul xili uu ku sugnaa golaha guurtida dhexdeeda.


Warar ay helaan qaar kamid ah warbaahinta ayaa xaqiijinaya in ninkan soo weeraray xil dhibaan riyo uu shaah ka soo iibsaday maqaaxi ku dhex talla xarunta Golaha ayaa xildhib aanka kala hortay shaah kulul oo dusha kaga shubay.

Xildhibaanka may soo gaadhin wax dhaawac ah oo gubasho ah marka laga reebo kulaylkii shaaha ,ilaa iyo hada lama oga sababta rasmig ah ee uu ninkani u weerary xildhibaanka balse waxa loo anaynayaa in ay daba socotay hees uu tiriyey midhaheeda oo uu warbaa hinta ku baahiyey taasi oo duraysa siyaasada xukuumadda madaxwayne silanyo,isla mar kaana ka cadhaysiisay xukumadda silanyo.

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee xildhibaan weerar loo gaysto iyado o dhawr bilood ka hor uu isku day dil ka bad baaday xildhibaan Qabiile,taasi oo ilaa hada ay guddi xildhibaano ah ku hawlan tahay sida uu falkaasi ku dhacay

 


Timacade News Desk
Hargaysa,Somaliland