Xildhibaan ka Tirsan G.D ee Hargeysa oo sheegay inuu u taagan yahay Musharaxa Madaxweynenimada

 

Xildhibaan Axmed Sandoon oo ka tirsan golaha deegaanka ee Caasimada Hargeysa, kana mid ah xubnaha gudida fulinta ee xisbiga UDUB ayaa shaaca ka qaaday inuu inuu u taagan yahay una tartamayo jagada madaxweynenimada ee Doorashada soo socota isaga oo iska sharaxaya Xisbiga UDUB,

Xildh. Axmed Sandoon ayaa sidan ku sheegay maanta shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada HArgeysa, isagoo tilmaamay in dalku u baahan yahay Isbedel siyaasadeed isla markaana ay taasi ku kaliftay inuu is sharaxo, guul iyo guul darana calafkiisa ka qaado sidii uu u gaadhi lahaa hamigiisa siyaasadeed .

Xil. Sandoon ayaa xubnaha gudida fulinta ee Xisbiga UDUB iyo dhamaanba golaha dhexe ee xisbiga ugu baaqay inay si cadaalad ah uga xaqsooraan tartamayaasha jagada Murashaxa madaxweynaha u taagan ee xisbiga dhexdiisa , isaga oo intaa ku daray inuu labaynayo Cabdillaahi Darawal oo isagu shalay ku dhawaaqay musharaxnimada jagadaas inuu u taagan yahay.

Xisbiga UDUB ayaa ilaa iyo hadda waxa ka sharaxan Jagada madaxweynenimada laba Siyaasi, halka murashaxa madaxweyenekuxigeenkana uu u taagan yahay Siyaasiga Mr. Jawhari.
Xil. Sandoon ayaa ah musharaxii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa inuu ka qayb galayo doorashada isla markaana Sandoon waa shakhsigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada ee ku dhawaaqa inuu is sharaxo.
Shirweynaha Xisbiga UDUB oo la filayo inuu Qabsoomo Bishan dabayaaqadeeda sida ay Shabakada Qarannews u tibaaxeen Xubno miisaan culus leh oo ka tirsan UDUB, waxa ilaa hadda la dhawrayaa in musharaxiinta u tartami doonta labada jago ee dalka ugu sareeyaa ay inta hadda ku dhawaaqday ku ekaan doonto iyo in cid kale isa soo sharaxi doonto.

Axmed Sandoon waxa uu ahaa xildhibaan ka soo baxay urur siyaasadeedkii Hormood ee uu hogaaminayay Siyaasiga Cumar Carte Qaalib, ururkaas oo ka mid ahaa seddexdii urur siyaasadeed ee ku hadhay Doorashadii golaha deegaanka ee la qabtay 15-kii Dec. 2002, seddexdaa urur oo kala ahaa Hormood oo uu hogaaminayay Cumar Carte, Sahan oo uu Hogaaminayay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo ASAD oo uu hogaaminayay Md. Saleebaan Maxamuud Aaden (Saleebaan-gaal) oo isagu haatan ah gudoomiyaha Golaha odayaasha ee Guurtida Somaliland.

Sidoo kale Xildh. Axmed Sandoon waxa lagu xasuusan karaa inuu ahaa Xildhibaankii la tartamay Gudoomiyenimada Golaha Deegaanka ee Caasimada kula tartamay Maayarka hadda ee Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, tartankaas oo uu Eng, Jiciir kaga guulaystay maayarnimada iyo Gudoomiyenimada Golaha Deegaanka ee Caasimada.

Hadaba shuruuda ugu horaysa ee ay tahay in shaqsi uu isu soo sharaxo in uu galo tartanka jagada noocani oo kale ah, ayaa ay tahay in uu marka hore tartamuhu uu ka tirsanaado golaha dhexe ee xisbiga UDUB, sidaasi waxa noo sheegay masuul ka mid ah xisbiga UDUB.

 

 

 

Qarannews