Xildhibaan Ismaaciil Timir oo Baydhaba Lagu Dilay

 


Xildhibaan Ismaaciil Xassan Timir oo ka mid ah xildhibaanada KMG Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba caaawa waxaa toogasho ku dilay sadex nin oo la sheegay inay bastoolado ku hubeysnaayeen.

Xildhibaanka Marxuum Timir ayaa la sheegay in lagu ag-dilay agagaarka gurigiisa oo ku yaala Isha-Baydhaba isagoo markaasi ka dagay baabuur uu saarnaa. Marxuunkaasi ayaa la sheegay in kooxihiii dilay aysan wax alaab ka qaadan, balse goobtii ka tagay markii ay dilka geysteen.

Wararka ayaa waxay sheegayeen in ciidamada Booliska ay markiiba soo gaadheen goobtii lagu toogtay Xildhibaan Timir. Magaaladan Baydhaba ayaa waxaa sidoo kale dhawaan lagu toogtay xildhibaan ka tirsan xildhibaanada Soomaaliya.

Xildhibaan Marxuum Ismaaciil Xassan Timir ayaa waxaa uu ka tirsanaa xildhibaanada barlamaanka KMG ee ku fikirka ah Raisal-wasaare Nuur Cadde.

 



Source: VOA