Xildhibaan Ibraahim Kacaan Oo Cirro Ku Eedeeyay Masuuliyadda Dib u dhaca doorashooyinka


 


Hargeysa (TNN):- Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha W kiillada Somaliland ayaa ku eedeeyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro inuu sababay carqal ado keeni kara in doorashadu waqtigeeda dib uga dhacdo.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ay wax ka weydiisa warbaahintu sida uu u arko go’a ankii Guddoomiye Cirro ku sheegay inaannu aqoonsan doonin galaha iyo xukuumadda haddii la gaadho 26 June ee fooda innagu soo haysa. “Horta Waxaan u arkaa arrintaasi ka soo ye edhay guddoomiyehayaga arrin ka fog Dastuurka iyo shuruucda dalka u taalla, waxaannu fadhinaa muddo toban sanno ku dhow, waxaa nala doortay shan sanno, waxaana is weydi in leh afartaa sanno iyo dheeraadkaasi ka baxsan muddo xileelkayaga maxay ku timi?, had dii ay xaaran tahay guddoomiyahayagu muxuu u arki waayey, haddii ay sharci darro tahay muxuu maanta u ambabaray miyuu isakaga tago, Golaha Wakiillada lama kala diri karo, lama na eryi karo, golaha aan fadhiyana waxaa badeli kara gole la soo doortay, markaa waxaan leeyahay guddoomiye Cirro maxaa ceebta moos kaaga taala magane kuu geeyey .”

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, oo la waydiiyey sida uu u arko dawladda ku meel-gaadh ka ah ee ay sheegeen mucaaridku inay soo dhisi doonaan haddii doorashada waqtigeeda l agu qaban waayo, waxa uu ku jawaabay; “Kollay xukuumadda KULMIYE, waxa la doortay waqti, waqtigiina muu dhammaan, waxay ku fadhidaa codkii shacabka reer Somaliland. wa xa meesha lagaga qaadi karaa waa cod buuq iyo qaylo iyo fawdo kursiga laga qaadi maayo Siilaanyo.

Waxa leeyahay guddoomiye Cirro iyo mucaaridka, haddii ay doonayaan in ay la wareegaan dal degan oo nabad ah si xasilooni ah bay wax ku dooni lahaayeen, haddii kale taariikh xum o ayey faa’iidayn doonaan. Waxa aan soo dhawaynayaa hadalkii Guddoomiyaha xisbiga KU LMIYE Muuse Biixi Cabdi uu ku sheegay in aan xisbigiisa iyo xukuumadduba ku baqayn in do orashada dib loo dhigo, annaguna doorashada dib ha u dhacdo ma lihin, wixii carqalad ka d hasha doorashadana waxa masuul ka ah Cabdiraxmaan Cirro, sababta oo ah iyadoo ay gol aha hortaallo ansixinta miisaaniyada iyo Guddida Doorashooyinka ayuu na fasaxay laba b ilood, haddana wuxuu muran geliyey xeerka diiwaangelinta.”

Xildhibaan Ibraahim waxa uu ka hadlay saamayta ay golaha ku yeelan doonto haddii Gudd oomiye Cabdiraxmaan iska casilo, waxaannu yidhi; “Horta golahani sharci iyo nidaam ayuu leehaya nin kasta oo is casila amma dan kale yeesha jagadiisa waa uu joogaa ninkii buuxin lahaa, cidna loo joojin maayo.
 


Source: Somaliland.Org