Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye Oo Ugu Baaqday Shirgudoonka Labada Gole In Xubnaha Haweenka Ah Ee Ka Midka Ah Fursad Loo Siiyo Ay Fikirkooda Ku Dhiibtaan, Wasiirka Khaarajigana Ku Amaantay Hawsha Uu Qaranka U Hayo

 



Hargeysa, (TNN) – Faadumo Jaamac Illeeye oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guuritda Somalilan d ayaa ugu baaqday shirguddoonka labada gole Baarlamaan in xubnaha Hawe enka ah ee labada asi gole ka tirsan fursad loo siiyo sidii ay ku cabiri lahaayeen fikirkooda xiliyada ay socdaan kulam ada wada jirka ah iyo kuwa gooni goonida ah ee golayaasha.

Xildhibaan Faadumo ayaa sidoo kale ku amaantay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, sida haga r la’aanta ah ee uu mar walba Qaranka ugu qasheeyo oo ay tilmaantay in sidii uu Somaliland bees ha caalamka uga dhaadhicin lahaa uu dedaal weyn ugu jiro.

Marwo Faadumo ayaa sidaasi ku sheegtay mar ay xalay Khadka Telefoonka ugu waramaysay W argeyska Haatuf ugu horayna iyada oo ka hadlaysa doorka muhiimka ah ee wasiirka arimaha dib adu uu dalka u hayo ayaa waxa ay ku bilowday hadalkeeda.

“Runtii Wasiirku Waxa uu soo bandhigay arimo aad iyo aad u qaaliya oo runtii ah mid ku dayasho leh ama ka faa’idaysi leh, fakir ahaan marka aan eegay waxa aan u arkayey wax u dan ah Somalil and oo dhan runtii oo ah dedaal inaad soo dedaashay bal in meel ay wax ka tahay ama aynu wax ka nahay aad isasa soo taagtay, waayo ma hayno muddadaa dheer ee aynu madaxa banaanay ee dawladaa xorta ah cid warkaa aad keentay oo kale oo sidaa noo qancaya ama muhiima ah waxa aan istaagay goobta caynkaa iyo caynkaas ah oo aan kaga hadlay qadiyada caynkaas ah, runtii waxa aad mudantahay in laguu mahad celiyo, badamaa hadii aad soo qaraaxday albaabkii ay maanta iskugu imanayeen dhawr iyo afartan dawladood ee aduunku.

Marka labaad Somalilad waa dad isku wada dan ah oo aan waxba is dheerayn waxa aad u ordays aana ay tahay danta Somaliland waa dad dooni wada qaado oo ku wada fadhiya sabta oo ah waa isku dan mar hadii ay doon ku wada fadhiyaana marka ugu horaysa aragtidaadaa waa inay ajiibaan sababta oo ah dee dan gooniya oo la kala leeyahay ayaanan garanayn, kii diida ee yidhaahda anigu doontaasi idinlama fuushani wuu ka dagi karaa, markaa Wasiir runtii aad iyo aad in waxa aad tahay ama shakhsiyan halka aad ka taagan tahay Somaliland waa la ogyahay in sidii aad u fadhiisatay kuriga inta aad gurigaaga joogtay waa in yar inta kale waxa aad ku maqan tahay dan ummaddan u dan ah waayo inta meelood ee aad ka dagtay adiga oo dadkan jecel inay wax noqdaan ama magacoodu uu muuqdo oo aduunka aad hordhigaysid oo aad ka dhaadhicinaysid, markaa waxa aad mudan tahay in taariikh laguu sameeyo ilaahayna waxa aan ka baryayaa arintaa aad maanta na soo hodhigtay in badana aad ku hawlanayd, anagana aad na soo hordhigtay in Illaahay ka dhigo mid aynu ku guulaysano”.

Xildhibaan Faadumo oo ugu baaqaysa shirgudoonka labada gole in Hawenka ka tirsan golaha la dhageysto fikradahooda ama la waydooyo aragtidooa xiliyada dooduhu socdaan ayaa waxa ay tidhi “Waxa kale oo jira hadd iyo jeer marka aanu fadhino madasha runtii waxa aanu tirsnaynaa hadii aanu nahay dumarka fadhiya labada gole ha ahaado ama midka ha ahaadee ee aanu mid iyo laba ku dhex fadhino waxa aanu aad u jecelnahay in runtii anagu ma barbar carari karno raga, laakiin waxa aanu matalaynaa dumarka Somaliland oo dhan labadayadaa dumarka ahi ama mid mid aanu u fadhino ama aanu labadayaduba fadhinee, waxa aan ka codsan lahaa shirguddoonka labada gole inay na siiyaan tixgalin ah oo rayigayaga anagu ma boobi karno raga in nala tixgaliyo oo fikir nala waydiiyo, waayo waxa laga yaabaa anagu in aanu raga had iyo jeer arimaha marka laga hadlayo danta oo kale in dumarku iyagu intooda ay leeyihiinin kuwo aanay ku jirin siyaasadi badiyaa oo aan xeelado kale ku jirin oo danta ah, waayo dumarku waxa ay jecel yihiin hadd iyo jeer wixii la isku raaco ee wanaag ah, waad ogtihiinoo dumarku khilaafka kama keenaan, markaa waxa aan ka codsanayaa shirgudoonka labada gole mid uu doonaba ha ahaadee in nala siiyo fursadayada, waayo waxa dhici karta marka ay buuqaan oo ay qayliyaan saaka ninkii joogayba wuu joogay in aanaan anagu fikirkayagii ka hadli Karin, sidaa daraadeed waxa igu kalifay in aan maqaaladaydii la soo noqdo markii aan arkay in shirguddoonkiiba aanu na siinin jaaniskayagii, anagu uma baahnin in aanu qaylinee oo aanu gacan taagne waayo dumar Islaam ah ayaanu nahay, sida duwmarka kale ee waxa ay doonaan samaynaya ma nihin waxa weeyaan xadkayaga in aanu ka gudubno doonimaynee, laakiin waa in aanu rayigayaga dhiibano waanu doonaynaa in nala yidhaahdo orda fikirkooda ka soo qaada, ama waydiiya wax ama nala waydiiyo, markaa waxa aan jeclaan lahaa in halkaa had iyo jeer nalaga siiyo anaga oo labadayadaa dumar ahi ka socono dumarkeenii Somaliland oo dhan matalayana, waayo marka hore isku wada dan baynu nahay kala dan ma nihin, laakiin fikirkii dumarka dee in aanu wax ka helno oo markaas oo kale jaanis wanaagsan nala siiyo. Gabobogabadii arinkaasi maanta laga hadlay waa fursan waana muhiim in Somaliland shirkaasi ka qaybgasho”.

source:haatuf