Cabdiqaadir Jirde oo uu Wargeyska Geeska Afrika  la yeeshay waraysi khaas ah

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ah siyaasi culus oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, horena u ahaan jiray guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golihii wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex oogan xisbiga Mucaaradka ee KULMIYE oo isku maandhaafsan qaabkii loo maamulay doorashadii Murashixiinta xisbigaaas, markii dhawaan Burco lagu qabtay shirkii Golaha dhexe ee xisbiga.

Cabdiqaadir Jirde, oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay la yeeshay waraysi khaas ah, isaga oo jooga magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, waxa uu sheegay in burburka KULMIYE ku yimaadaa ka dhiganyahay gacan iyo garab ka go’ay umadda, waxaanu madaxda KULMIYE ugu baaqay inay khilaafkooda ku xalliyaan wada hadal kana dheeraadaan wax kasta oo dhaawac ku keeni kara xisbigaas, oo uu ku tilmaamay inuu yahay midka loogu qaatay saddexda xisbi qaran ee Somaliland.

Cabdiqaadir Jirde, waxa kale oo uu si adag u naqdiyay dhawaaq dhawaan ka soo yeedhay xisbiga UDUB oo uu nuxurkiisu ahaa inaan murashaxnimada xisbiga UDUB cidina kula tartami karin Md. Daahir Rayaale iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo isaga hooseey talladda xisbigaas, waxaanu Cabdiqaadir Jirde si cad u sheegay in Somaliland maanta u baahantahay isbedel.

Waraysigaas oo dhammaystirani waxa uu u dhacay sidan:

Sidee ayaad u aragtaa khilaafka xisbiga KULMIYE gudihiisa ka aloosan?

Waa wax laga xumaado, saddexda xisbi waa xisbiyadii qaranka, kii xumaadana wax lagu bedelo lama hayo, waana midho soo socday oo qaadhaya haddii ay xumaadaan, waxaanan filayaa inaanu murankani qoladan uun gaar u ahayn ee uu yahay wax kuwa kalena ku soo socda, waayo dhibaatadu dadka maaha oo haddii dadka la eego xisbiganba [KULMIYE] waxaaba isugu tagay intii ugu firfircoonayd, rag aqoon la’aan iyo khibrad yaraan lagu tirinayana maaha, markaas ciladu dadka maaha.

Haddaa ciladu waa halkee?

Ciladu waa qaab dhismeedka xisbiga, waxani waa hay’ad qaran oo la soo agaasimay oo xeer iyo sharci ku dhisan, markaas laba mid ayuun bay ciladu tahay, midi waa qaabka xisbigu u dhisanyahay iyo dadka ku shaqaynaya ee hirgelinaya, taas dadka cilad gaar ah uma arko oo waanigaa ku leh intii ugu firfircoonayd ayaa halkaas isugu tagtay, markaas anigu ciladda waxaan u arkaa qaab dhismeedka asxaabta.

Maxaad markaas tallo ah ee aad ka odhanaysaa khilaafkaas KULMIYE, maadamaa oo aad sheegtay inaad ka xuntahay
?

Horta raggaas xisbiga KULMIYE, waxa laga filayaa inay eegaan danta guud, ta’ kalena waa mid qaranka oo dhan u taala oo ah sidee ayaa qaabkii loo hagaajiyaa, waayo asxaabtu waxay ku dhisantahay si deg deg ah oo baahi ayaa loo qabay, baahidaas ayaana keentay in wax badan la dedejiyo, markaas iyadoon laga baaraan degin ayay sidaas ku furmeen.

Markaad dib ugu noqoto xilliyadii ururada, dabada ayaanu ka riixaynay oo ujeedadu waxay ahayd inay wakhtiga ku furmaan, oo xitaa qaar ayaan xafiisyo lahayn oo magacuun lahaa, haddana diiwaangelinta waa loo fududeeyay. Sidaas daraadeed waxaad moodaa in qaabku unugii hore qaloocsamay, imikana waxa loo baahanyahay in dib la isugu noqdo, falanqayn la sameeyo.

Ciladda anigu dadka uma arko, dadku dambi wuu ku yeelan karaa, laakiin haddii qaabku khaldanyahay lama hagaajin karo, markaas deg degaas ay asxaabtii ku furmeen ayaa dhibaatada keenay, nidaamkooduna waxaabu u eegyahay asxaabtii shuuciga ahayd sida in wax walba inyari qarsato oo ay tallada inyari soo go’aamiso.

Cabdiqaadir, sidaad ka warqabto khilaafka KULMIYE, wuxuu u dhexeeyaa laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. Maxaad labadooda odhan lahayd
?

Waxaan labadoodaba u sheegayaa in aad loogu hanweynyahay guddo iyo dibadba, tallo kale ma siinayo oo maaha niman wax sheeg iiga baahan, laakiin waxaan odhan lahaa xisbiga burburka halaga ilaaliyo, in KULMIYE burburo cid alla cid ay dani ugu jirtaa ma jiro, haddii KULMIYE maanta burburo waa gacan iyo garab umadda go’ay. Sidaas daraadeed Axmed iyo Cabdiraxmaan waxaan leeyahay hala wada hadlo, wixii jira ee khalad ahna hala saxo. Waxaan ka mid ahay dadka badan ee ka xun khilaafkaas xisbiga, waxaanse ku talinayaa in asxaabta qaab dhismeedkooda dib loogu noqdo.

Xisbiga UDUB oo aad ka tirsantahay, masuul dhawaan u hadlay waxa uu sheegay inaanay jiri doonin cid Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa kula baratami doonta jagada Murashaxnimada ee xisbigaas, marka la qabto shirweynaha UDUB. Taas sidee ayaad u aragtaa
?

Taasi waa ninkii sheegay ma dhaafto, waa waxyaabaha khaladka ah ee jira, bal nin ayaa iskaga dhawaaqay, xisbiga waxa iska leh dhawrka boqol ee kun ee codka siinaya ee inan meel iska fadhiistay ma odhan karo cid tartamaysa iyo cid aan tartamayni ma jirto oo shaqadiisaba maaha, xil ayuu isagu hayaa ee waa inuu hawsha dadka leh u daayo, umadda ayaana xisbiga leh, xisbiga ayaanay u taalaa cidda is soo sharaxaysa iyo ciddaan isa soo sharaxayn, xisbiguna maaha sagaalka qof ee xafiiska fadhiya ee dadkaa codka siinaya weeye. Markaas maaha in dadkii la afduubo, dalka iyo dadkana xil ayaa naga saaran, waxaanan arkayaa in dalku isbedel u baahanyahay, isbedelkaasna cidda fulinaysa ama taladiisa wax ku yeelanaysa ayaanu noqon doonaa, oo gacmaha ka laaban mayno kana aamusi mayno. Markaas waxaan ku leeyahay dalku isbedel ayuu u baahanyahay.

Halkee ayaad u jeedaa ee uu dalku isbedel uga baahanyahay, ma hoggaankaad u jeedaa
?

Gobolka waxa ka socda waad arkaysaa, markaas in waxyaabo badan dib loogu noqdaa waa muhiim, sida siyaasadii dibadda, xidhiidhka wadamada deriska ah lala leeyahay, xidhiidhkii caalamka, dhaqaalihii dunida waad la socotaa, in waxaas oo dhan dib loogu wada noqdaa waa muhiim. Markaas waxa loo baahanyahay majare cusub oo siyaasadeed, duruufo cusub ayaa maanta yimid, duruufahaas cusubina waxay rabaan fikir cusub, fikirkaas cusub ama dad cusubi ha keenaan ama kuwii hore ee joogay qaabkeedii wax ha bedeleen, ee waxaan kuu sheegayaa in loo baahanyahay majare cusub iyo siyaasad cusub, haddii ay arrimo dibadeed tahay iyo haddii ay arrimo gudo tahay iyo haddii ay dhaqaale tahayba Somaliland isbedel weyn ayay maanta rabtaa. Anigu kuma lihi isbedelkaasi ashkhaas la bedelo ayuu ku iman karaa, laakiinse waa in dib loogu noqdo taladii dalka.

Adigu ma la dhacsantahay sida hoggaanka haddu dalka u wado?

Waxyaabo badan oo ka khaldani way jiraan, waana loo sheegi karaa

Bal u sheeg
?

Adduunkan qof bini-aadam ah oo isku filan oo aan tallo cid uga baahnayni ma jiro, talada dalkana waa la wada leeyahay, markaas waa in la daadejiyo oo dadku talada dalka wax ku yeeshaan, waa in la balaadhiyaa, haddii ay UDUB tahay, haddii ay UCID tahay iyo KULMIYE tahayba, waa in tallada la ballaadhiyaa, Somaliland-na maanta kusii socon mayso sidan ay tahay ee isbedel ayay rabtaa, in majarihii la bedelo oo fikir cusub la keeno. Markaas waa in laga fikiraa sidii umadda loogu abuuri lahaa wax ka bedelin wixii hore.

Doorashada madaxtooyada ee kal dambe wax la filayaa inay mar labaad ku baratamaan Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe. Sidee ayaad u aragtaa in saddexdii weji ee hore mar labaad ku soo noqdaan shacabka?

Uma arko inay geed ka go’antahay in saddexdaas nin oo keliy ku tartamaan, wax geed ka go’an ah maaha, asxaabta ayay u taalaa ee asxaabtu dadka tallada ha u celiyeen, yaanay noqon asxaabtii shuuciga ee qol madoow tallada lagu soo goosan jiray, wax cad oo umaddu leedahay ha noqoto, markaas umaddu ninkay doonayso inuu isa soo sharaxo iyadaa xulan doonto oo u sheegi doonta.

Labada xisbi Mucaarad ee kaleba way qabsadeen shirarkoodii, UDUB oo keliya oo aad ka mid tahay ayaa hadhsan. Ma kula tahay in UDUB bedeli doonto wejiyadii hore
?

Way soo bixi doontaa ee hala gaadho, laakiin anigu kolayba fikradda ah cid tartamaysaa ma jirto, taasi meel ka dhac ayay Dimuqraayadda ku tahay ayaan leeyahay.

Adigu ma imanaysaa shirweynaha UDUB?

Haa, dabcan waan imanayaa, haddii Alle yidhaahdo.
 

 



Source:Wargeyska Geeska Afrika