Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde Oo Ku Biiray Urur Siyaasadeedka Xaqsoor
 

 


Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirdde ayaa waxa munaasibada soo dhawen ah maa nta loogu sameeyey........


Hargeysa (TNN) - Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirdde oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, isla-markaana ka mid ahaa Xisbigii saaxada siyaasada ka baxay ee UDUB ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Urur Siyaasadeedka Xaqsoor.

Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirdde ayaa waxa Munaasibada soo dhawen ah maan ta loogu sameeyey Hotel Imperial ee Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay isaga iyo Xubno ka wada tirsanaayeen Xisbigii UDUB ay ku biireen Urur Siyaasadeedka Xaqsoor, ka as oo uu ku tilmaamay mid ay ku midaysan yihiin deegaamada dalka.

"Anigu waxa aanu ahayn xisbigii UDUB , markaa waxa aan is leeyahay intii la sugi karayay waad sugteen tacab iyo dadaalna waa la geliyay si loo badbaadiyo" ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirdde, waxaanu intaas ku daray "Markaa maanta 7 da urur ee t artamaya ka aan codkayga siin lahaa, ayuun baan soo galay"

Xildhibaaka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Ururkan waa urur aan hogaankiisa si w anaagsan u garanaayo , Xasan Ciise Jaamac (Guddoomiyaha Ururka Xaq-soor), muddo dh eer baanu isku arday ahayn ama aqoon dheeraad ah isku lahayn".

 

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland